Axmed yare

Axmed yare booka uu fiican dunida waxa uu la egyahay handaree
lkiin saxiibkaa uu fiican dunid waxa u laegyagay

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIYADA DIB-U-EEGISTA DASTUURKAMuqdisho, Diseembar 23, 2020: Madaxweynah...
23/12/2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIYADA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

Muqdisho, Diseembar 23, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda Dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Dastuurka shaqadii wanaagsaneed ee seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay ka soo qabteen qabya-tirka Dastuurka iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen, waxa uuna adkeeyay sida ay dowladda uga go’antahay hirgelinta Dastuur dhammeystiran.

Dhankooda, Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dhammeystirka Dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen dadaalkoodii ku aaddanaa dhammeystirkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka guddoomay Hey’adaha qaabilsan Dastuurka nuqul dhammeystiran oo ku saabsan qodobbadii dib-u-eegista ay ku sameeyeen iyo habraacii lagu shaqayn lahaa.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Mucaaradka kasoo horjeeda madaxwayne farmaajo waxay daba dhilif uyihiin dawlado shisheeye.deni oo daba dhilif u ah imaar...
23/12/2020

Mucaaradka kasoo horjeeda madaxwayne farmaajo waxay daba dhilif uyihiin dawlado shisheeye.

deni oo daba dhilif u ah imaaraatka , madoobe oo daba dhilif u ah kenya iyo musharaxiinta mucaaradka oo iyaguna daba dhilif u ah labadaas dawladood ayaa waxay isku bahaysteen si ay meesha uga saari lahaayeen MD farmaajo , balse guushu waxay la jirtaa shacabka .

Farmaajo waa madaxwayne ay ka go'antahay inuu dalka meel gaarsiiyo wixii damiir leh hala taageero ayaan odhan lahaa.
Xurmadle madaxwayne farmaajo mar kale ayuu soo laaban haduu allaah idmo !

Besha habar gidir ma ilaawday      Tarikhdii 2013iyo 2014          Ka soo racday     Besha biyomal      Dib umilacso 201...
23/12/2020

Besha habar gidir ma ilaawday
Tarikhdii 2013iyo 2014
Ka soo racday
Besha biyomal
Dib umilacso 2014 duledka magalada marko
Gesiyaasha bimaal
.allow guul sii

Waxaan Filaa Adigane inaadan Ka Mid Noqon Tobanaanka Xaasidiinta ah Ee Aan Umadda Masaakiinta ah Ee Daruufta Ciishay Aan...
22/12/2020

Waxaan Filaa Adigane inaadan Ka Mid Noqon Tobanaanka Xaasidiinta ah Ee Aan Umadda Masaakiinta ah Ee Daruufta Ciishay Aan U Naxariisan Ee Danta Uga Faa`iideeysta

Sida Kuwa Odeygaan Maskiinka ah Ee Hadane Waayeelka ah Qowsaar inta Ka dhigtay Markii Uu Sodonka Maalmood U Raacay Xoolahooda Lacagtiisa Kula Meereystay. Kismaayo .😭😭

Waa 90" jir Duleedka Kismaayo Labaatan Kun Shilin Soomaali Xeeyn Ari ah Dadka Halkaa Dagan Ugu Raaco Ax Ax Aaway Naxariistii😢

Waa Awoowe Aad U Tabaaleysan Qol Ku yaallo Waqooyiga Magalaada Kismaayo Oo ah Xaafad Kaama dambeyso Ayeey Wadagan yihiin isaga iyo Xaaskiisa Oo ayadane Aan Ka Cimri yareen

Maxeey isku Ballansadeen Lamaanahan Waayeelada ah Ee Daruufta iyo Waayaha Ka Hiiliyeen Oo Aan Haysan Dad iyo Duunyo ay Ka Laab dagsadaan

Waxeey isku Ballansadeen Labadeena Keena Hor geeriyooda Kan Ka dambeeya Ha Duugo

Waxaan Aroor Walba Raacaa Xeeynta Ariga ah Dadka Waxeey Bisha isiiyaan Labaatan Kun Shilin Soomaali ah Wax ay igu tarto Ma jirto Daruufta ayaa igu Khasabtay Noloshaan Aan Ciirsiga laheyn

Waxaa Taas iiga daran Reeraha qaar ayaa Lacagta igu dhiba Aan isiin Nolol Kale Aan Tan Kaga Maarmo Ma leh.

Maalin Aniga Oo Geed Laamo Uga Soo guraya Xoogaa Ari ah ayaa Laan Geedka Ka soo fakatay isha iga Gashay Xitaa Qori ayaa iiga galay isha Waa ay i Cadaatay Lacag Aan isbitaal Ku Aado Waan Waayay Hadd Qeeyb yar Ayaan Wax Ka arkaa

Waayeeladan Silaca iyo Darxumada Ka Muuqato Ogow Waa Dad islaam ah Waxa Aan Isxaanka U Sameeynin Waa Dad ayagane islaamnimo Sheeganaya

Wareysi Murugo badan Oo Aad U dheeraa ayuu Siiyay Televusionka Universal Runtii Waa Aanyan daro

Umaddii Samaliyeed Ee Muslmiinta ahaa Waxaa Hal Mar Ka guuray Naxariistii
Samafalkii Ixtiraamkii Wax isa siintii

Qof Walba Oo Kismaayo Jooga Somaliya jooga Waxaa Waajib Ku ah in Dadka Tabaaleysan Laga War qabo
Haddii Wax Un U Aad Awoodo fadlan Kala Xiriir Tiviga Universal Xaruntiisa Kismaayo Wax Kale Haddaad Weeyso Fadlan U Share garee Walaalaha Kale Ee Wax haysto Ha U gurmadaan😭😭😢👇

Fartuun balbilaarka kox ay taa gerto ma badaneyso ✔✔✔  hirshabeelo waa laga badiyay
22/12/2020

Fartuun balbilaarka kox ay taa gerto ma badaneyso ✔✔✔ hirshabeelo waa laga badiyay

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo halku dhiggiisu yahay...
22/12/2020

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo halku dhiggiisu yahay Diblomaasiyadda iyo doorashooyinka oo lagu falanqeynayay qaabka ay dowladda hadda jirta u maareyso siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa yidhi:

“2017 aniga xafiiska waxaa ka tagay anagoo dal aan cadow nahay oo nala diririsan aanu jirin, waxaan ka tagay dalalka muhiimka noo ah oo dhan anagoo cilaaqaad la leh oo safiiro dalkooda ka socda noo joogaan, safiirana anaga noo jiraan sidaas daraadeed waa dareemi kartaa maanta dalalka istiraatiijiga cilaaqadeed aan la leenahay waa Itoobiya iyo Eritrea, waana siyaasadda dowladeena waaye”.

Waddamada Suudaan iyo Ethiopia ayaa waddahadal ka yeeshay siddii xal looga gaadhi lahaa khilaafka xuduudka labbada wadda...
22/12/2020

Waddamada Suudaan iyo Ethiopia ayaa waddahadal ka yeeshay siddii xal looga gaadhi lahaa khilaafka xuduudka labbada waddan u dhaxeeya.

Wafti Ethiopia ka socda oo ay hoggaaminayaan raysal-wasaare ku-xigeenka Ethiopia ahna wasiirka arrimaha debbadda Ethiopia ayaa maanta gaadhay magaaladda Khartuum.

Wasiirka arrimaha debadda Ethiopia Demeke Mekonnen, ayaa sheegay inay si dhaw ula socdeen wixii ka dhacay xudduudka 9-kii bisha November oo ay weeraro qorshaysan Ciidamada suudaan ku qaadeen xudduudka.

Siddoo kale waxa uu sheegay wasiirku, waa wasiirka arrimaha debbada ee Ethiopia e, in wax-soosaarka beerlayadooda ay fadhataysteen Ciidamada Suudan iyo inay dad shacab ah laayeen, halka qaar kalana ay dhaawaceen.

Labbada dhinac waxay is la qaateen in laga wadda shaqeeyo Amniga xudduudka iyo xasiloonida guud ee labbada shacab.

Deegaanka Shalambood waxaa Ka socda Abaabul Ciidan ay Samaynayaan Maleeshiyadii Xalay Weerartay 14ka Oktobar Sidoo Kale ...
22/12/2020

Deegaanka Shalambood waxaa Ka socda Abaabul Ciidan ay Samaynayaan Maleeshiyadii Xalay Weerartay 14ka Oktobar Sidoo Kale Waxaa Lasoo Sheegayaa In Laba doomood oo Maleeshiyaad Hubaysan ay Saaran yihiin ayaa Kusoo Fool Leh Gudaha Magaalada Marka Sii ay Mar kale Weerar Labaad Ugu Qaadaan Ciidanka 14ka oktobar ee Gacanta Ku Haya Amiga Magaalada Marka.

Waxaa Ciidan Lasoo Daadiyey Dowladda hoose Ilaa Dekadda Sidoo Kale Waxaa Ciidan Xoog leh La geeyey Deegaanka Buufow Bacaad Sii Ay Ugu Hortagaan In Magaalada ay Soo galaan Maleeshiyaad Raba inay Qalqal geliyaan Amniga Magaalada. Dhamaan Ciidamada dowladda ee Kusugan Magaalada Marka ayaa Heegan Ku Jira Maanta Iyadoo Welli ay Taagan tahay Xiisadii Xalay Ka bilaabatay Magaalada Marka.

Yaa badanaayo is leedahay tartankaan?  2 maamul gobaleed ?      Yaadna taagersantahay?Me:kofur galbeed  guul   Hana ilaa...
21/12/2020

Yaa badanaayo is leedahay tartankaan?
2 maamul gobaleed ?
Yaadna taagersantahay?
Me:kofur galbeed guul
Hana ilaabin intaaaan💯💯
1like page
2commeny
3 sher

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA HALYEYADII KU SHAHIIDAY QARIXII ARGAGIXISANIMO EE GAALKACAYOMuqdisho, Dise...
18/12/2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA HALYEYADII KU SHAHIIDAY QARIXII ARGAGIXISANIMO EE GAALKACAYO

Muqdisho, Diseembar 18, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Ururka 6-aad ee guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii H**e ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa difaaca, nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Explore Villa Somalia's 4,209 photos on Flickr!

Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha gobolka Mudug...
18/12/2020

Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha gobolka Mudug, uga tacsiyeynayaa musiibadii ka dhalatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida xanuunka badan ee ku timid taliyihii qeybta 21-aad ee CXD, General Abdiaziiz Abdulaahi (Qooje), taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan iyo gudoomiyihii h**e ee Gaalkacyo qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Waxaan Allah caafimaad deg-deg ah uga baryayaa dhamaan saraakiisha, mas'uuliyiinta iyo shacabka kale ee musiibadaas ku dhaawacmay.

Dhammaan saraakiisha iyo mas'uuliyiinta naga baxay iyo kuwa dhaawacmay waxey ahaayeen furayaashii howshii nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada Mudug labadeeda dhinac, waxey ahaayeen halyeeyo usoo baxay bulshada gobolkaas iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, dowlada Federalka ah iyo maamullada Puntland iyo Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay gargaar iyo taageero dedeg ah la gaaraan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee dhibaatadu kasoo gaartay qaraxa.

Address

Mogadishu
10000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Axmed yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Axmed yare:

Share