06/03/2026
Inaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan, anigoo ka tacsiyeynayo geerida ku timid Nabadoon Cabdi Xaaji Maxamed Warsame ku geeriyooday magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Marxuumku wuxuu ahaa tiir kaalin muuqata ka qaatay nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana lagu xasuusan doonaa run-sheegnimadiisa iyo sida uu mar walba uga shaqeyn jiray midnimada iyo horumarka bulshada.
Waxaan Alle Subxaanahu wa Tacaalaa uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.