Hon Abubakar Abdalla Bashiir

Hon Abubakar Abdalla Bashiir This is the official page of the first Deputy Governor of the Lower Shabelle Region in terms of administration and politics.

Waxaan maanta sharaf weyn ii ahayd inaan qeyb ka noqdo shacabka Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka Cadey, ani...
10/05/2026

Waxaan maanta sharaf weyn ii ahayd inaan qeyb ka noqdo shacabka Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka Cadey, anigoo codkeyga dhiibtay markii iigu horreysay. Waa dareen farxad iyo masuuliyad leh inaan ka qeyb qaato geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka dalkeenna.

Muwaadin, codkaagu waa awooddaada. Ka qeyb qaado doorashooyinka, una codee hoggaan horseeda nabad, horumar iyo barwaaqo waarta. Aynu gacmaha is qabsanno si aan u gaarno mustaqbal ifaya iyo Koonfur Galbeed barwaaqo ah.

Ballanteennu waa 15-ka Shimbirta Cagaaran.

08/05/2026

Jey cadaha Sagarole Deganka Busley Degmad Marka.

Mararka qaar noloshu waxay ku baraysaa in geesinimadu aysan ahayn buuq iyo hadal badan, balse ay tahay inaad jidka sii waddo adigoo culays badan garbaha ku sita.

Socodka adag wuxuu dhalaa rag adag.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Abdullahi Hussein Ali Abdalla oo loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Nabadda...
30/04/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Abdullahi Hussein Ali Abdalla oo loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.

Magacaabistan waxay muujinaysaa kalsoonida iyo qaddarinta lagu aaminay kartidiisa, khibraddiisa, iyo hoggaamintiisa bisil.

Mudane Cabdalla waa siyaasi leh waayo-aragnimo iyo aragti fog, waxaana la filayaa inuu door muuqda ka qaato xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo midnimada bulshada.

Waxaan u rajaynayaa guul, garab iyo gacan Eebbe, si uu si hufan ugu guto mas’uuliyaddan culus ee loo igmaday

29/04/2026

Deeganka Ceelwaregow Degmada Marka Cadey Gobolka Shabellaha Hoose.

Roobka daruurtiisu ha madoobaato, ragga go’aankoodu ma madoobaado.
Nin dhulkiisa u taagan dhib iyo dheefba wuu u diyaar yahay.
Socodku wuu adkaan karaa jidkuna wuu qallooci karaa balse geesi dib uma laabto.
Dhul waa la maraa duulna waa la hogaamiyaa damiir iyo adkeysi ayaana lagu gaaraa guul

26/04/2026

Dad gobol leh oo degmo leh ayaa iska leh madaxweyne kuxigeenka KGS✅️

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo maanta si sh...
25/04/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo maanta si sharaf iyo maamuus leh loogu caleema-saaray magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Caleema-saarkani waa dhacdo taariikhi ah oo xambaarsan sharaf, dhaqan iyo midnimo, kuna suntan kaalinta mugga leh ee hoggaanka dhaqanku ku leeyahay nabadda, wadajirka iyo xasilloonida bulshada.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa Ugaaska in uu ku asturo caafimaad, cimri dheeri, caddaalad iyo hikmad, kana dhigo hoggaan ku suntan garasho, samir iyo damiir wanaagsan, si uu si hufan ugu guto mas’uuliyadda culus ee maanta loo igmaday.

Waxaan sidoo kale Eebbe uga rajeynayaa in xilkan cusub uu uga dhigo mid khayr, barwaaqo iyo guul u horseeda shacabka, kana yeelo hoggaan horseeda nabad, isku duubni iyo horumar waara.

Hambalyo, hambalyo mar kale Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde. Ilaahey ha kuu barakeeyo xilka, hana kuu fududeeyo gudashadiisa

Hampalyo cxds 12 April
12/04/2026

Hampalyo cxds 12 April

06/04/2026

Tuulada Buul Nagey Ee Deeganka Ceel -Wareegow Degmad marka Gobolka Shabellaha Hoose.

02/04/2026

Mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee beesha maanta waxay isku raaceen mowqif mideysan oo ku saleysan matalaad dhab ah iyo ilaalinta xuquuqda reerka. Waxay si cad u diideen kala xirnaansho iyo go’doomin, iyagoo adkeeyay in beesha aysan ku koobnaan doonin wax yar, balse ay xaq u leedahay dhammaan fursadaha iyo saamiga ay ku leedahay dowladnimada.

Reerku maanta waa mideysan yahay, codkooduna waa mid isku duuban, taasoo muujineysa biseyl siyaasadeed iyo faham dowladnimo oo sare. Waxa la isla qaatay in horumarka iyo metelaadda saxda ah lagu gaari karo wadajir, is-ixtiraam iyo ka shaqeynta danta guud.

Ma ahan oo kaliya Madaxweyne Ku-xigeen waxa la doonayo, balse rajadu waa in la helo hoggaan sare oo buuxa, oo ay ku jirto jagada Madaxweynaha, si loo xaqiijiyo matalaad dhameystiran oo u qalanta beesha.

Ugu dambeyn, beesha waxay caddeysay in ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada dhismaha dowladnimo cadaalad ah, loo dhan yahay, kuna dhisan sinaan iyo wadaag sax ah

Hambalyo Mudane Madaxweyne Hon. Jibril Abdirashid HajiXilka Laguu Igmaday Allaha Kula Garab Galo
01/04/2026

Hambalyo Mudane Madaxweyne Hon. Jibril Abdirashid HajiXilka Laguu Igmaday Allaha Kula Garab Galo

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi RaajicuunWaxaa si murugo leh ii soo gaartay geerida naxdinta leh ee Nabadoon Shuute, oo s...
01/04/2026

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaa si murugo leh ii soo gaartay geerida naxdinta leh ee Nabadoon Shuute, oo si xaqdarro ah loogu dilay Tuulada Fida Muuse. Ilaahay ha u naxariisto, jannatul Fardowsana haka waraabiyo.

Nabadoonku wuxuu ka mid ahaa odayaasha ka shaqeeya nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan deegaanada Nabar50 ilaa iyo Deeganka Muuri, isagoo door weyn ka qaatay isu soo dhawaanshaha bulshada.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Maamulka iyo laamaha amniga ee Deeganka Nabar50, kuwaas oo gacanta kusoo dhigay eedeysaneyaasha falkaas foosha xun geystay. Waxaa la rajeynayaa in cadaaladda la horkeeno, sharcigana lagu qaado.

Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo ehelkii iyo guud ahaan ummadda uu ka baxay

Address

Merca
Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abubakar Abdalla Bashiir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Abubakar Abdalla Bashiir:

Share