01/06/2026
GUDOMIYAHA AHNA DUQA DEGMADA MATABAN AYAA MANTA CASIMADDA JOWHAR KAGA QEYB GALAY SHIRKA SANADLAHA AH EE MAYARADA IYO GUDOMIYASHA DEGMOYINKA DOWLADDA HIRSHABELLE.
Jowhar,1,Jun,2026 Guddoomiyaha Ahna Duqa Degmada Matabaan, Eng. Mohamed Sheikh Mohamud Mohamed Dhoobeey, ayaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowladda Hirshabelle kaga qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Mayarada iyo Gudoomiyeyasha Degmooyinka Dowladda Hirshabelle.
Shirkan oo ah shir sanadle ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, waxaana maanta si rasmi ah looga daah furay magaalada jowhar.
Shirkan ayaa socon doona afarta Cishe ee soo socota, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta dowladaha hoose, xoojinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda maamulka wanaagsan, iyo iskaashiga hay'adaha dowladda.
Guddoomiyaha Ahna Duqa Degmada Matabaan ayaa shirka ka jeedin doona warbixin ku saabsan waxqabadkii iyo guulihii ay maamulka degmadu gaareen muddadii uu xilka hayay, isagoo sidoo kale shirka ubandhigi doona qorshayaasha iyo mudnaanta horumarineed ee degmada u degsan mustaqbalka dhow.
Wixii Faah-Faahin Ah Kala Xariir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan– Hirshabelle.