13/07/2026
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Ahmed Abdi Shire ( Ahmed Shire ) ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood.
Soo dhoweynta wasiirka waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiirka ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho madaxda dowladda iyo masuuliyiinta wasaaradda, isagoo ka wada hadli doona arrimo la xiriira horumarinta duulista hawada, adeegyada garoomada diyaaradaha, iyo qorshayaasha wasaaradda ee xilligan.