09/05/2026
SHAACINTA DEEQ WAXBARASHO OO DIBEDDA AH.
============
Laascaanod - Waqooyi bari - Soomaaliya
Tar: 9 May 2026
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Waqooyi Bari ,Waxay Shaacinaysaa Deeq Waxbarsho oo 12 Boos ah, oo inaga soo gaadhay Waddamada Marooko iyo Aljeeriya (Morocco & Algeria) ayna inoo soo gudbisay Wasaaradda Waxabarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya taas oo kala ah Heerarka (5 Bachelor Degree, 5 Master Degree & 2 PH.D) kala duwan ee Jaamacadeed. Deeqdani waxay ka koobantahay 9 Kulliyadood oo kala ah:
1. ENGINEERING: Civil Engineering, Electrical Engineering, Petroleum Engineering Iyo Geology
2. CIMIGA KAMPUTERKA (I.T)
3. CILMIGA BEERAHA
4. XANAANADA XOOLAHA
5. CILMIGA BADDA
6. CILMIGA DHAQAALAHA IYO MAAMULKA
7. WAXBARASHADA
8. CILMIGA CAAFIMAAD
9. SHARCIGA (LAW )
Soo xaraynta Araajidu waxay ku egtahay 24, 5, 2026, 12:00am waxaana codsadayaasha shuruudaha buuxiya lagu kala saari doonaa sida Shahaadooyinkoodu u kala Darajo (Grade) sareeyaan waxaana natiijada guulaystayaasha la shaacin doonaa 26, 5, 2026, 4:00pm. Wixii shuruudo ah ka eeg lifaaqa hoose.
SHURUUDAHA
1. In uu ardaygu haysto shahaadada dugsi sare oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood, (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu Bajullaar yahay.
2. In uu ardaygu haysto shahaadada Bajullaarka iyo dugsi sare oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood, (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu Mastarayd yahay.
3. In uu haysto shahaadada dugsi sare, Bajullaarka iyo Mastarka oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu PH.D yahay.
4. In aysan darajadiisu tahay 70% iyo wixii ka sareeya haddii uu takhasuskiisu yahay Arts, ama 85% iyo wixii ka sareeya haddii uu takhasuskiisu yahay Saynis.
5. In uu caafimaad qabo, oo uu haysto warqad cadayn caafimaad ah.
6. In uu haysto warqadda denbi la’aanta CID.
7. In uu haYsto kaadhka NIIRO ama shahaadada ku sugista kaadhka.
8. In uu hasto passport shaqeynaayo mudo laba sano ah.
9. In uu haysto warqadda asluub wanaagga.
10. In uu keeno dammiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhamaysanwaayo.
11. In uu Damiinku saxiixo warqad ay ku caddahay in uu bixindoono qarashaadka waxbarashada haddii uu ardaygu waxbarashada ku dhaco ama uu isaga tago ama uu keeno darajo ka yar 70% haddii uu takhasuskiisu Arts yahay ama 85% haddii uu takhasuskiisu Saynis yahay.
12. In uu soo gudbiyo warqad uu codsanayo sadex kulliyadood, oo ka mid ah kuwa ay wasaaraddu hayso.
13. In uu ku soo laabto dalka oo uu ka shaqeeyo ugu yaraan labo sano.
Kala Xidhiidh:
252905485522, iyo 252 907 851 785
Email: [email protected]
----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]