Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Government Organization, Laascaanood.

16/04/2026
Bulshada DG Waqooyi Bari, doorkiinnu waa muhiim.Haddii aad aragtaan ama aad haysaan xog la xiriirta musuqmaasuq, lunsash...
03/04/2026

Bulshada DG Waqooyi Bari, doorkiinnu waa muhiim.

Haddii aad aragtaan ama aad haysaan xog la xiriirta musuqmaasuq, lunsasho hanti dadweyne ama maamul xumo, fadlan nala soo wadaaga.

Waxaan idiin dammaanad qaadaynaa in xogtiinna la ilaaliyo, isla markaana si hufan loo dabagalo xogta aad soo gudbisaan.

23/03/2026
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DG Waqooyi Bari wuxuu idin leeyahay Ciid Mubaarak.Farxad iyo nabad ayaan idiin rajaynaynaa
19/03/2026

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DG Waqooyi Bari wuxuu idin leeyahay Ciid Mubaarak.
Farxad iyo nabad ayaan idiin rajaynaynaa

WAR SAXAAFADEEDHanti-Dhawraha Guud ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Botaan ayaa kulan w...
20/01/2026

WAR SAXAAFADEED

Hanti-Dhawraha Guud ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Botaan ayaa kulan wax-ku-ool ah ku yeeshay xarunta Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, halkaas oo uu kula kulmay Hanti-Dhawraha Guud ee JFS Mudane Axmed Isse Guutaale iyo Ku-xigeenka XHG Mudane Cabdi Jamal Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka hay’adaha hanti-dhowrka, kobcinta iskaashiga laba-geesoodka ah, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira horumarinta nidaamka hanti-dhowrka guud, si loo adkeeyo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamul-wanaagga maaliyadeed ee DG Waqooyi Bari Soomaliya.

WAR-SAXAAFADEEDXafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu maanta si rasmi ah u xusay...
09/12/2025

WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu maanta si rasmi ah u xusayaa Maalinta Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa (International Anti-Corruption Day), oo ku beegan 9-ka Diseembar 2025, taas oo ah maalin caalami ah oo lagu xoojinayo wacyiga muwaadiniinta, isla-xisaabtanka, iyo la-dagaallanka dhammaan noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa iyo ku-takri-falka hantida guud.

Xafiisku wuxuu ku adkaynayaa in musuqmaasuqu yahay caqabad weyn oo si toos ah u wiiqda horumarka, kalsoonida shacabka, iyo tayada maamul-wanaagga; sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si mideysan looga hortago. Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud wuxuu mar kale caddeynayaa go’aankiisa buuxa ee ku aaddan ilaalinta hantida ummadda, kormeerka hufan, iyo xaqiijinta daah-furnaanta maaliyadeed ee dhammaan hay’adaha dowladda.

07/10/2025
📢 Ogeysiis Muhiim ahXafiiska Hantidhawrka Guud ee DG Waqooyi Bari waxa uu soo saaray waraaq rasmi ah oo ku saabsan dabag...
07/10/2025

📢 Ogeysiis Muhiim ah
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DG Waqooyi Bari waxa uu soo saaray waraaq rasmi ah oo ku saabsan dabagalka iyo hubinta diiwaangelinta dhammaan gaadiidka dawlada WB Soomaaliya.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne CabdiQaa...
30/08/2025

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne CabdiQaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo markale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, iyo Mudane Cabdiraashid Yuusuf Jibriil oo ku guuleystay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka DG Waqooyi Bari Soomaliya.

Xafiisku waxa uu u rajaynayaa hoggaanka cusub guul iyo xil-gudasho wacan, isaga oo ballanqaaday inuu la shaqeeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka si wadajir loogu horumariyo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo u adeegidda shacabka Waqooyi Bari.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari SoomaaliyaTaariikh: 31 July 2025WAR-SAXAAFADEEDXafiiska Han...
31/07/2025

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya
Taariikh: 31 July 2025

WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, oo uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Cabdi Botaan, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, ergadii ka qayb gashay shirweynaha, madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo cid kasta oo kaalin muuqata ku lahayd guusha taariikhiga ah ee lagu dhamaystiray dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey caasimadda Laascaanood 30-ka July 2025.

Xafiisku wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa dadaalka, dulqaadka, iyo isku duubnida lagu gaaray dhismaha dowlad goboleedkan, taasoo ah tallaabo muhiim u ah midnimada, qaranimada, iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaystirka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari wuxuu fure u yahay xasillooni siyaasadeed, hufnaan dowladeed, iyo maamul mas’uul ah oo ku saleysan isla xisaabtan iyo daahfurnaan. Sidoo kale, wuxuu dib u mideynayaa bulsho muddo dheer ku soo jirtay kala fogaansho iyo dib u dhac.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda uga qayb qaato dhismaha hay’adaha dowladda ee ku dhisan sharciga, hufnaanta, iyo ilaalinta hantida qaranka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowlad Gobaleedka  SSC-Khaatumo wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka So...
30/06/2025

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ku astaysan Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Gobollada Koonfureed iyo Waqooyi ee Soomaaliya.

Ha noolaato Jumhuriyadda federalka Soomaaliya!

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share