VP Office Northeast State

VP Office Northeast State Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Official page Office of the Vice President Northeast State of Somalia

15/09/2025
MADAXWEYNE KUXIGEENKA DAWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN U DHEXEEYEY HAY'ADDA SoDMA iyo DAWLADDA WAQOOYI BA...
13/09/2025

MADAXWEYNE KUXIGEENKA DAWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN U DHEXEEYEY HAY'ADDA SoDMA iyo DAWLADDA WAQOOYI BARI.

Laascaanood 13 Sep 2025() Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan la yeeshay madaxda Hay'adda SoDMA oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha hay'adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo lagaga hadlayey Maaraynta Masiibooyinka iyo gargaarka degdega ah waxa qayb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda, hawlwadeennada Hay'adda SoDMA iyo madax kale.

Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

11/09/2025

Hadal-Jeedinta Moyorka Caasimadda Mudane Abdirixiin Ali ismail ee Munaasabadda Xilwareejinta.

11/09/2025

Hadal-Jeedinta Madaxwayne Kuxigeenka Dawladda WaqooyiBari Mudane Abdirashiid Yusuf Jibriil Cawl ee Munaasabadda Xilwareejinta.

11/09/2025

Hadal-jeedinta Madaxwayne Kuxigeenkii H**e Dr. H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine Ee Munaasibadda Xilwareejinta Xafiiska

MADAXWEYNE KUXIGEENKII H**E EE DAWLADDA WAQOOYI BARI OO QAABILAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA LA DOORTAY.Laascaanood 07 Sep 202...
07/09/2025

MADAXWEYNE KUXIGEENKII H**E EE DAWLADDA WAQOOYI BARI OO QAABILAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA LA DOORTAY.

Laascaanood 07 Sep 2025() Madaxweyne kuxigeenkii h**e ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan soo dhawayn iyo isbarasho ah kula yeeshay xafiiskiisa Madaxweyne kuxigeenka la doortay Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Wakiiladda Dawladda, Madaxda iyo Masuuliyiinta Xafiiska Madaxweyne kuxigeeenka, waxana si wada jir ah looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada, loona horumarin lahaa dawlad dhiska.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA SSC-KHATUMO OO KULAN LA QAATAY MAS'UULIYIIN DFS OO SOO GAARAY DOWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMOLaasca...
12/07/2025

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA SSC-KHATUMO OO KULAN LA QAATAY MAS'UULIYIIN DFS OO SOO GAARAY DOWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO

Laascaanood 12-07-2025:- Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Dr. Mohame Cabdi Ismaaciil ayaa kulan la qaatay wefti ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mud. Cabdillaahi Cali Xirsi, ayna qayb ka yihiin Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdilaahi Bidhaan, iyo Madaxwaynihii h**e Mudane Maxamed Yusuf indhasheel.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Maaraynta kala-guurka Adkaynta Nabadgelyada, iyo Shirweynaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email: [email protected]

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY QAAAR KAMIDA CUUQAASHA & ODAYAASHA SSCKHATUMO La...
11/07/2025

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY QAAAR KAMIDA CUUQAASHA & ODAYAASHA SSCKHATUMO

Laascaanood 11July 2025() Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Cuqaasha Odayaasha iyo Waxgaradka SSCKhatumo.

Intii kulanku socday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Cuqaasha ayaa iska xogwaraystay xaaladda guud ee deegaanka, difaaca iyo xaaaladda kala guurka dooroshooyinka.

Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY CUUQAASHA GOBOKA CAYN. Laascaanood 08July 2025()...
08/07/2025

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY CUUQAASHA GOBOKA CAYN.

Laascaanood 08July 2025() Hoggaamoye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan casuumad ah u sameeyey qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Cayn. Kulanka casuumadda ah waxa Hoggaamoye kuxigeenka ku wehelinayey mudanayaal ka tirsan golaha Baarlamaanka, Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda.

Intii kulanku socday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Cuqaasha ayaa iska xogwaraystay xaaladda guud ee deegaanka, difaaca iyo xaaaladda kala guurka dooroshooyinka.

Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]

Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine waxa uu dhambaal hambalyo o...
30/06/2025

Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine waxa uu dhambaal hambalyo oo ku aaddan munaasibadda qaran ee 1Luulyo, 65 guurada ka soo wareegtay midnimada dalka iyo markii ay madax bannaanida heleen gobollada Koonfureed ee dalku u dirayaa shacabka Soomaaliyeed.

Hoggaamiye kuxigeenku waxa uu ku dardaaray shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka kana fogaadaan wax kasta oo keenaya kala go'a dalka iyo dadka.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]

Address

Laascaanood
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VP Office Northeast State posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share