Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo, Government Organization, Lasscanood, Sool, Laascaanood.

Muqdisho - 17 September 2025Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga oo ay wehelayaan agasimayaasha maamul Goboleedada Wasaa...
17/09/2025

Muqdisho - 17 September 2025

Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga oo ay wehelayaan agasimayaasha maamul Goboleedada Wasaaradda Ganacsiga ayaa la kulmay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo ka wadahadlay in la dardar galiyo mashaariicda World Bank ka taageeraan Wasaaradda.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray:

Dardargelinta iyo isku-duwidda mashaariicda horumarineed ee uu taageerto Bangiga Adduunka (World Bank).

Xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa heer federaal iyo maamul goboleed si loo hubiyo in mashaariicdaas ay gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe (MSMEs).

Ka shaqeynta in la helo hannaan mideysan oo lagu hirgeliyo mashaariicda, lana hubiyo la xisaabtanka, hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada taageerada caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ayaa muujisay sida ay uga goโ€™an tahay in la hirgeliyo mashaariicda si caddaalad iyo hufnaan leh, ayna sii wadi doonaan wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda heer federaal.

Shirka 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo galay maalintiisa labaad, ayaa maanta lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedyo...
16/09/2025

Shirka 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo galay maalintiisa labaad, ayaa maanta lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedyo iyo aqoon-wadaag ku saabsan arrimaha la xiriira tayada ganacsiga dalka soo gala iyo badeecadaha gudaha lagu soo saaro.

โ€œAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga dowladd goboleedka Waqooyi Bari Marwo Hoodo Mohamed Ibrahim ayaa oga mahadcelisay soo agaasinka hay'adda shirka 2aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka ayadoo ku tilmaantay talaabo istiraatiji ah oo waxtar u leh mustaqbalka ganacsiga iyo warshadaha dalka.โ€

16/09/2025

"๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐ญ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐›๐š๐๐ž๐ž๐œ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ง๐š๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐š๐š ๐ฑ๐š๐๐ฎ๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง"

Agaasimaha guud WGWM waqooyi bari Hoodo mohamed ibraahim oo kuhadlaysa afka dawlad goboleedyada ee shirka kaabayasha tayada qaranka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga Waqooyi Bari oo ka qayb gashay Shirka 2aad ee Kaabayaas...
15/09/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga Waqooyi Bari oo ka qayb gashay Shirka 2aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ_ ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐’๐ž๐ฉ๐ญ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga ee Waqooyi Bari, ๐‡๐จ๐จ๐๐จ ๐ฆ๐š๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ ayaa ka qayb gashay Shirweynaha 2aad qaranka ee Kaabayaasha Tayada (๐๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐๐ฎ๐š๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ ๐ˆ๐ง๐Ÿ๐ซ๐š๐ฌ๐ญ๐ซ๐ฎ๐œ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž ๐‚๐จ๐ง๐Ÿ๐ž๐ซ๐ž๐ง๐œ๐ž ) , oo ay so agaasintay Hay'adda Tayo-dhawrka Qaranka ( Somali bureau of standards) .

Shirkan waxaa daahfurey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha DFS Xil Maxamuud Axmed Adan Geesood,shirkan oo lagu falanqeeyay muhiimadda tayada kaabayaasha iyo horumarinta nidaamka tayada ee dalka, ayaa waxa uu fursad u siiyay masโ€™uuliyiinta iyo khubarada ka soo qeyb galay inay iskula xaajoodaan xoojinta iyo horumarinta adeegyada tayada ee muhiimka u ah dalka .

10/09/2025

Saxafi cabaas madani oo kamida qurbajoogta deeganka ayaa kawar bixiyay muhiimada uu leeyahay liisanka ganacsiga .

08/09/2025

Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga DG,Waqooyi Bari ๐‡๐จ๐จ๐๐จ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ & qeyb kamida Agaasime waaxed yada Wasaaradda Ganacsiga Ayaa maanta iska diiwaan galiyay kana qaatay kaadhkii codeynta xaruunta Diiwaan galinta xaafada Horseed ,

Agaasimaha Guud ayaa Bulshada reer waqooyi Barri ku baraarujisay in ay qaataan kaadhka cod bixinta si Beri ay ugu codeeyaan Masuuliyiin Dalka & Dadka wax uqabanaya.

Lascanood ;- 6 /9/2025 UJEEDDO: Shaqo ka joojin Shirkadda Shire Const & Maankaab ConstWasaaradda Ganacsiga Warshadaha & ...
06/09/2025

Lascanood ;- 6 /9/2025

UJEEDDO: Shaqo ka joojin Shirkadda Shire Const & Maankaab Const

Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga DG. Waqooyi Bari iyadoo ilaalinaysa Dastuurka & xeerka Liisamadda Ganacsiga Dawladda Waqooyi Bari waxay shaqo joojin ku sameysay Shirkaddaha Shire Const & Maankaaba Const, kuwaas oo hogaansami waayay awaamirta wasaaradda Ganacsiga .

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ :- ๐Ÿ๐Ÿ•/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“Agaasimaha xidhiidhka Arimaha bulshada iyo warbaahinta WGWM ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ ๐ฆ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ๐š๐ก๐ข๐ฆ  ayaa kaqayb gal...
27/08/2025

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ :- ๐Ÿ๐Ÿ•/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“

Agaasimaha xidhiidhka Arimaha bulshada iyo warbaahinta WGWM ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ ๐ฆ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ๐š๐ก๐ข๐ฆ ayaa kaqayb galay Kulan wadatashi ah oo seddex maalmood socday kaas oo lagu dhisay Midowga ganacsiyada yar iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya ku matali doona Ururka Bulshada Afrika ee EAC.

Kulanka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha JFS.

31/07/2025

Warbixin guud

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga warshadaha iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Hoodo mohomed ibraahim ayaa soo xidhay tababar mudo saddex casho ah socday .

๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ; ๐Ÿฎ๐Ÿต/๐Ÿณ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐ŸฑAgaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo ๐‡๐จ๐จ๐๐จ ๐ฆ๐š๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ...
29/07/2025

๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ; ๐Ÿฎ๐Ÿต/๐Ÿณ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo ๐‡๐จ๐จ๐๐จ ๐ฆ๐š๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ข๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ oo uu weheliyo agaasimaha Waaxda xidhiidhka Arimaha bulshada iyo warbaahinta jaamac mohamed ibrahim ayaa soo xidhay tababar mudo saddex casho ah socday kaas oo ay iska kaashadeen wasaaradda ganacsiga iyo haayada Alight .

Tababarka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa fursadaha shaqo-abuurka, horumarinta ganacsiyada yaryar, iyo taageerada dadka nugul .

Tababarka ayaa waxaa kafaa iidaystay 50 ganacsato yaryar ah oo haayada Alight Maalgalin usamaynayso .

Wasaaraddu waxay soo dhawaysay dedaallada haayadda Alight ee ku aaddan kobcinta dhaqaalaha bulshada iyadoo loo marayo barnaamijyo waxtar leh oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha dhabta ah .

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐; ๐Ÿ•/๐Ÿ•/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Mudane ๐—๐ข๐ฅ , ๐ƒ๐š๐š๐ก๐ข๐ซ ๐œ๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š...
07/07/2025

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐; ๐Ÿ•/๐Ÿ•/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Mudane ๐—๐ข๐ฅ , ๐ƒ๐š๐š๐ก๐ข๐ซ ๐œ๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐š๐ช ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ayaa daahfurey shirkadda is gaadhsiinta Amtel .

"Shirkaddan cusub waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay cagta saartay jidkii horumarka iyo casriyeynta adeegyada isgaarsiinta. Waxaan uga mahadcelinayaa ganacsatada SSC-Khaatumo dadaalka ay u galeen in ay hirgeliyaan shirkad tayo sare leh oo adeegyo casri ah soo kordhin doonta.โ€

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
_________________
โ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ & ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ด๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฆ๐—–-๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐˜‚๐—บ๐—ผ ๐—˜๐—บ๐—ฎ๐—ถ๐—น:๐—บ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ@๐—ธ๐—ต.๐˜€๐—ผ ๐Ÿ“ž 754850โž

Address

Lasscanood, Sool
Laascaanood

Telephone

+252904444022

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo:

Share