Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi-bari

Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi-bari Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi-bari, Government Official, Laascaanood.

Adhi-cadeeye, 27 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ...
27/05/2026

Adhi-cadeeye, 27 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay waheliyaan qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa maanta saalada Ciidul-adxaa la tukaday bulshada Degmada Adhi-cadeeye ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha ayaa guud ahaan shacabka Waqooyi Bari, gaar ahaan shacabka degmadda Adhi-Caddeeye ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-adxa, farayna in la is caawiyo lana garab istaago bulshada danyarta ah.

25/05/2026

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bini'aadantinimada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Xildhibaanad Fihiima Yuusuf Quuje.

Laascaanood, 18 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo Guddoomiye k...
18/05/2026

Laascaanood, 18 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa soo xidhay maanta Aqoon Isweydaarsi u socday maalmahan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ugu h**eyn, Aqoon Isweydaarsiga maanta waxaa diiraddda lagu saaray Arrimaha Dastuurka, Wada shaqaynta iyo Xidhiidhka sharci ee Golayaasha Dawladda iyo Sarreynta Sharciga.

Intaa kadib, guddoomiyaha Golaha ayaa soo xidhay Tababarkii maalmaman socday, waxa uuna u mahadceliyay aqoonyahannada soo agaasimay Aqoon Isweydaarsigan ee kala ah khabiir sare Dr Cabdikariin Buux iyo Garyaqaan Keyse Cadami, waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, sida wanaagsan oo ay uga niqaasheen Aqoon Isweydaarsigan.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaamiya.

Laascaanood, 16 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wegliyo guddoomiye k...
16/05/2026

Laascaanood, 16 May 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wegliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa daah furay kulan aqoon is-weydaarsi, kor loogu qaadayay fahamka shaqada iyo Waajibaabaadka Xildhibaannada Baarlamaanka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Aqoon is weydaarsigan waxaa soo qaban qaabiyay Aqoonyahan Cabdikariin Buux Xoghayihii h**e Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS iyo Garyaqaan Keyse Cadami, lataliyiihii h**e arrimaha sharciga Aqalka Sare Baarlamaanka JFS.

Aqoon isweydaarsigan inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonnaa Hagidda iyo Awoodda Xildhibaanka, Xidhiidhka wada shaqeenayd ee Dawladdda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah DFS, Xasaannadda Xildhibaanka iyo wada shaqaynta joogtada ah ee Golayaasha Dawladda.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 5 May 2026: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bini'aadantinimada Golaha Wakiillada Dawladda ...
05/05/2026

Laascaanood, 5 May 2026: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bini'aadantinimada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa kulan isxog-waraysi iyo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddiga waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Faarax Shariif, waxa uuna uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha Wasaaradda ee hortabinta leh.

Intaa kadib, Guddiga ayaa su'aalo kooban ka weydiiyay Wasiirka xaaladda Abaaraha deegaannada Waqooyi Bari iyo waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 5 May 2026: Gudiga Garsoorka, Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi...
05/05/2026

Laascaanood, 5 May 2026: Gudiga Garsoorka, Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa booqasho shaqo ku tegay Taliska Ciidanka Asluubta Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta, G/sare Maxamed Cabdi Dheere, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay taliska xubnaha guddiga, isaga oo uga mahadceliyay booqashadooda iyo kormeerka ay ugu yimaadeen xarunta.

Intii ay booqashadu socotay, guddigu waxa ay warbixin faahfaahsan ka dhegaysteen taliyaha iyo saraakiisha sare ee ciidanka, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud ee xabsiyada, tirada maxaabiista, habka maamul ee jeelasha, iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sharaxaad ka bixiyay dadaallada ay ciidanka asluubtu ugu jiraan ilaalinta amniga xabsiyada, dib-u-habeynta maxaabiista, iyo horumarinta adeegyada la xiriira cadaaladda iyo asluubta.

Dhankooda, xubnaha guddiga ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidanka Asluubta iyo hoggaankooda, iyaga oo xusay muhiimadda ay ciidankani u leeyihiin sugidda amniga iyo hirgelinta cadaaladda. Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen in ay ka shaqayn doonaan taageeridda iyo xoojinta dadaallada ciidanka, si loo helo nidaam xabsi oo hufan oo waafaqsan sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 3 May 2026: Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa shir gud...
03/05/2026

Laascaanood, 3 May 2026: Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa shir guddoomiyay kal-fadhiga 2-aad, fadhigiisa 4-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ajendaha fadhiga maanta waxa uu ahaa wax iska weydiinta Mashaariicda heer federaal ee deegaannada Dawladda Waqooyi Bar Soomaaliya.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray (43) mudane.

Ugu h**eyn, xubnaha Golaha ayaa warbixinno dhamaystiran oo ku saabsan mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini'aadantinimo ee Dawladda Waqooyi Bari ka hor jeediyay Golaha, waxa ayna si gaar ah u xuseen mashaariicdii dhawaan laga reebay deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa xusay in deegaannada Waqooyi Bari ay yihiin biriijkii midnimada umadda Soomaaliyeed, ayna waajib tahay in wax walba oo lagu helo magaca umadda Soomaaliyeed sida deeqaha Caalamiga ah iyo mashaariicda horumarineed ay tahay waajib Dastuuri ah in ay qaybtooda ka helaan, ayna kala xisaabtami doonaan cid walba mas'uuliyadaas ku lug yeelata.

Ugu dambayn, fadhigii maanta waxaa soo xidhay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha, waxa uuna sheegay in fadhiga xige ay sii socon doonto doodahan ku saabsan arrimaha mashaariicda, waxa uuna u mahad celiyay xildhibaannada Golaha ee soo xaadiray fadhigii maanta.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 29 April 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo Guddoomiye...
29/04/2026

Laascaanood, 29 April 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa shir guddoomiyay Fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ajendaha fadhiga maanta waxa uu ahaa diyaarinta qorshayaasha shaqo ee fadhiyada Golaha Wakiillada iyo Warbixinta Madaxda Guddiyada Golaha Wakiillada.

Ugu h**eyn, waxaa warbixin guud looga dhagaystay fadhigii maanta guddoomiye-yaasha guddiyada Golaha, waxayna ka warbixiyeen qiimeynta iyo kormeerka ay ku sameeyeen Wasaaradaha qaar ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa ay si guud u soo bandhigeen hawlihii u qabsoomay Wasaaradihii ay booqdeen, waxa ka dhiman iyo waxyaabaha gaabiska ah ee loo baahanyahay in la dar-dar galiyo.

Intaa kadib, Guddiga ayaa diyaariyay Ajenda-yaasha hortabinta leh ee fadhiyada Golaha Wakiillada.

Ugu dambayn, fadhigii maanta waxaa soo xidhay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxa uu u mahad celiyay Xubnaha Guddiga Joogtada ah, sida wanaagsan oo ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, waxa uuna xusay in warbixinta Guddiyada ay ka soo diyaariyeen hay'adihii ay la kulmeen oo dhamaystiran Golaha loo gud-bin doonno.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 28 April 2026: Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Golaha Wakiilada Dawladda Waqooyi Bari Sooma...
28/04/2026

Laascaanood, 28 April 2026: Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Golaha Wakiilada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo iyo booqasho ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddiga oo guddanaya waajibaadkooda shaqo, xoojinta isla xisabatanka iyo u adeegidda bulshada ayaa warbxinno ka dhagaystay masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Mudane Yuusuf Maxamed Cali oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Intaas ka dib guddiga ayaa su’aalo ka wadiiyey masuuliyiinta wasaaradda hawlahooda shaqo ee la xiriira qorshayaasha hor tebinta u leh wasaaradda iyo caqabadaha hor taagan, sidoo kale guddiga ayaa wax ka waydiiyey masuuliyiinta wasaaradda arrimaha maxaabiista, xabsiyada iyo maxkamadaha.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Laascaanood, 28 April 2026: Guddiga Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Golaha Wakiilada Dawladda Waqooyi Bari Soomaal...
28/04/2026

Laascaanood, 28 April 2026: Guddiga Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Golaha Wakiilada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta kormeer iyo booqasho ku tagay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaarada Murane Cabdiweli Xussen Maxamuud oo ay wehliso Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hoodo Maxamed Ibraahim, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka wada shaqeyneed iyo isfaham guud oo ku saabsan doorka labada dhinac ee horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga dalka.

Wasaaradda ayaa guddiga la wadaagtay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda ganacsiga iyo warshadaha, iyagoo sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda mudnaanta leh. Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal wax ku ool ah loogu heli lahaa.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay dardargelinta sharciyada qabyada ah ee khuseeya ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga, si loo helo hannaan sharciyeed oo taageera kobaca dhaqaalaha iyo maalgashi soo jiidasho leh.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi-bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share