Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood

Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood Laascaanood Public Library.

Maktabadda Laascaanood waxa ay qabanaysaa  “Tartanka Sheekada-gaaban ee Dr Xaange.”  Waa tartan furan oo ay ka qayb geli...
14/02/2024

Maktabadda Laascaanood waxa ay qabanaysaa “Tartanka Sheekada-gaaban ee Dr Xaange.” Waa tartan furan oo ay ka qayb geli karaan dhalinyarada qoraalka xiiseey ee degmada Laascanaanood ku nool. Guulaystayaashu waxay helayaan abaalmarinno. Muddada qabashada sheekooyinku way kooban tahay waxa ay ka bilaabmaysa 14-bisha Febarweri llaa iyo 14 Maarso. Fadlan haddaad xiiseynayso in aad ka qaybqaadato, sheekadadaada ku soo dir Email-ka hoos ku xusan, ama waxaad geyn kartaa xarunta maktabadda.
[email protected]

Haddaba, sheekada gaaban waa maxay? Maxaa ayse yihiin astaamaha looga baahanyahay in ay yeelato sheekada gaaban?

Barbilowga sheeko gaaban (Novela), sida magaceeda ka muuqata waa sheeko gaaban, dherer ahaanna 900-1000 erey ama ku dhaw. Wixii intaa ka badan sheeko gaaban ma sii noqon karto. Sheekada gaabani waxa ay leedahay astaamo iyo xeerar ka soocaya dhammaan noocyada kale ee sheekada oo ay ka mid tahay sheeko xariirada iyo sheeko dheer. Qodobada ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah barbilowga sheekada, ubucda iyo gunanadka sheekada gaaban.

Tan ugu sii muhiimsan waa in sheekada gaaban aanay yeelan gogolxaar, maadaama ay gaaban tahayna waa in toos loo abbaaro nuxurka ay sheekadu xambaarsan tahay. Waxay diiradda saartaa mawduuca laga hadlayo oo lagu ma sii tiigaalo waxyaalo kale oo aan mawduuca muhiimad gooni ah u lahayn. Sheekada gaabani waa in ay toos u abbaartaa dareenka aqristaha oo aanu ka sii fekerin in aanay dhicin iyo in ay dhacday, waa in inta ugu badan iyo sida ugu adagba u tahay mid suurtagal ah oo nolol maalmeedkeena taabanaysa. Mar labaad waa in aanay sheekadu lahayn xakam dhexe, doodo iyo waxyaalo kale oo ay suurtagal tahay in laga helo sheekada dheer. Sheekada gaaban waxa muhiim ah in jilayaasha ku jira ay yihiin kuwa kooban, si looga gaabsado in ay sheekadu yeelato doorar badan oo aysan qaadi karin sheekada gaaban ee asalkeeda loogu talgalay in ay qodobo kooban si kooban oo suugaan ah uga doodo.

Bilowga horeba waa in aad toos u abbaarto ujeedda qoraalka. Ka hor inta aanad qorinna waa in maankaaga ay ku uruursan yihiin ujeedada aad u qoraysid, tii oo kuu fududayn karta in aad toos u abbaarto, tusaale ahaan maxaad u doontay in aad qorto; ma in aad qofka wax u weriso keliya, ma in aad ka qosliso, ma in aad dareenkiisa murug ku abuurto iyo wixii la mid ah.

Qodobka ugu muhiimsan ee xigana waa horta yaa sheekada ka sheekeynaya, ama inoo werinaya. Kaalinta jilaaga, iyo ma qofka koobaad ee sheekada ka sheekeynaya mise qofka saddexaad oo ah qofka aragtida leh. Sidoo kale ka taxaddar in aadan isticmaalin tilmaamo badan oo laga yaabo in ay booskiina kaa buuxiyaan, nuxurkii sheekadana uu noqdo mid balfiyay.

Maduucyada ugu mudan ee aan hadda halkan ku xulan karno waxaa ka mid noqon kara; saamaynta colaadaha ay yeeshaan ubadka koraya iyo sida ay garaadkooda u saameeyaan, abaaraha iyo saamaynta ay ku yeeshaan dabciga aadanaha abaaraha qaayibay, kulaylka iyo is beddelka cimilada iyo saamaynta uu deegaanka ku yeesho, sidoo kale colaaddu saamaynta ay ku leedahay deegaanka iyo dhulka, waxa kale oo qodob muhiim ah noqon kara xoolodhaqatada iyo beeraleyda haddii si qumman loo adeegsado saamaynta togan ee ay bulshada ku yeelan karaa, ama haddii ba la dayaco saamaynta taban ee ay bulshada ku yeelan karaan.

Shalay galab waxa Maktabadda Dadwaynaha Degmada Laascaanood soo booqatay Marwo Sahra-Kiin Cabdi Xirsi Guddoomiyaha Ururk...
06/02/2024

Shalay galab waxa Maktabadda Dadwaynaha Degmada Laascaanood soo booqatay Marwo Sahra-Kiin Cabdi Xirsi Guddoomiyaha Ururka Haweenka SSC-KHAATUMO, ahna xubin kamid ah golaha sare (Board) ka maktabadda. Waxa kusoo dhoweeyay hawlwadeennada maktabadda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha maktabadda mudane: Mustafe Cabdirisaaq Ismaaciil.

Bismillaah...
03/12/2023

Bismillaah...

Najiib Cudbi waxa uu maktabadda ugu deeqay toban buug.
01/11/2023

Najiib Cudbi waxa uu maktabadda ugu deeqay toban buug.

Shaafici Cirro waxa uu Maktabadda ugu deeqay 10 buug..
30/10/2023

Shaafici Cirro waxa uu Maktabadda ugu deeqay 10 buug..

Abdihakan Ali waxa uu toban buug ugu deeqay Maktabadda.
30/10/2023

Abdihakan Ali waxa uu toban buug ugu deeqay Maktabadda.

Aadan-Sahan waxa uu 25 Buug ugu deeqay maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood.  Fadlan ka qayb qaado qaadhaanka bu...
30/10/2023

Aadan-Sahan waxa uu 25 Buug ugu deeqay maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood. Fadlan ka qayb qaado qaadhaanka buugaagta ee maktabadda. haddii aad buugaag ku deeqayso nagala soo hadal qaybta farriimaha ee bogga.

Dr. Abdirahmaan mohamed -Xidig waxa uu Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood ugu deeqay 10 buug.
29/10/2023

Dr. Abdirahmaan mohamed -Xidig waxa uu Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood ugu deeqay 10 buug.

29/10/2023

Mudane/Marwo haddii aad buug ama ka badan ugu deeqayso maktabadda nagala soo xidhiidh qaybta farriinta mahadsanid.

Mustafe-Shaybe Axmed waxa uu Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood ugu deeqay 15 buug.
29/10/2023

Mustafe-Shaybe Axmed waxa uu Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood ugu deeqay 15 buug.

Ustaad Mubaarak Xoosh Gaashaan waxa uu 60 buug ugu deeqay Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood.
29/10/2023

Ustaad Mubaarak Xoosh Gaashaan waxa uu 60 buug ugu deeqay Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood.

Address

Masjid Al-Huda
Laascaanood
252

Telephone

+252633239585

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maktabadda Dadwaynaha ee Degmada Laascaanood posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category