Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Amniga Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Soomaaliya.

19/08/2026

Wasiirka Amniga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Faarax Warsame, oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Gobolka Sanaag, ayaa muddadii uu gobolka ku sugnaa waday dadaallo iyo hawlo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada.

Wasiirka ayaa door muhiim ah ka qaatay dadaallada lagu soo dhaweynayo Korneyl Cali Ashkato iyo ciidamadii uu hoggaaminayay ee kasoo goostay maamulka Waqooyi Galbeed, kuna soo biiray Dowladda Waqooyi Bari iyo Ciidamada Amniga Dowladda.

Korneyl Cali Ashkato iyo ciidamadiisa ayaa gaaray Fiqi-Fuliye, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Dadaallada Wasiirka Amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Waqooyi Bari ee lagu xoojinayo amniga, nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dhismaha hay’adaha amniga ee Gobolka Sanaag.

Agaasimaha Xafiiska Hay’adda SEMA ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo Booqasho Shaqo ku Tagay Xarunta HALO TrustLaasc...
10/08/2026

Agaasimaha Xafiiska Hay’adda SEMA ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo Booqasho Shaqo ku Tagay Xarunta HALO Trust

Laascaanood – Isniin 10 Agoosto 2026

Agaasimaha Xafiiska Hay’adda SEMA ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Ilyaas Ibraahim Maxamed, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda HALO Trust iyo goobaha ay ka waddo hawlaha miino-saarka iyo nadiifinta walxaha qarxa ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay Laascaanood.

Booqashada waxaa qayb ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool, Mudane Cismaan Xuseen Carab, iyo Duqa Caasimadda Laascaanood, Mudane Cabdiraxiin Cali Qase. Intii ay booqashadu socotay, waxaa lagu qiimeeyay hawlaha socda, caqabadaha jira iyo muhiimadda ay hawlahan u leeyihiin badbaadada shacabka iyo sidii bulshada ay si ammaan ah uga faa’iidaysan lahayd dhulkooda.

Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari waxay bogaadinaysaa shaqada muhiimka ah ee HALO Trust ay ka waddo Laascaanood, gaar ahaan nadiifinta hadhaaga walxaha qarxa iyo wacyigelinta bulshada, kuwaas oo si weyn uga qayb qaadanaya badbaadada shacabka iyo dib-u-soo kabashada bulshada.

- 𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝙓𝙖𝙛𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙒𝙖𝙧𝙛𝙖𝙖𝙛𝙞𝙣𝙩𝙖 & 𝙓𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖, 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙒𝙖𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞 𝘽𝙖𝙧𝙞, 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖.

📧 𝙀𝙢𝙖𝙞𝙡: [email protected]
🌐 𝙒𝙚𝙗𝙨𝙞𝙩𝙚: https://mos.ne.so/
📘 𝙁𝙖𝙘𝙚𝙗𝙤𝙤𝙠: https://www.facebook.com/share/1EQHSQaMeL/?mibextid=wwXIfr
𝕏 𝙏𝙬𝙞𝙩𝙩𝙚𝙧: https://x.com/mosne01

06/08/2026

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

إِنَّ لِلَّٰهِ مَا أَخَذَ، وَلَهُ مَا أَعْطَى، وَكُلُّ شَيْءٍ عِنْدَهُ بِأَجَلٍ مُسَمًّى.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Amniga waxay tacsi tiiraanyo-leh la qaybsanayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamuud Xuseen Jibriil, geerida naxdinta leh ee ku timid Hooyadii Marxuumad Saado Xuseen Si'arag oo xalay ku geeriyootay magaalada Jigjiga.

Masuuliyiinta iyo dhammaan bahda Wasaaradda Amnigu waxay murugada iyo tacsida la qaybsanayaan, Agaasimaha Guud, qoyskiisa, ehelka iyo dhammaan qaraabada ay ka baxday Hooyo Saado Xuseen Si'arag.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa Marxuumadda inuu ku irsaaqo naxariistiisa ballaadhan, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkii iyo qaraabadii.

02/08/2026

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cali Daahir Cilmi ayaa faahfaahiyay soo dhaweynta balaaaran ee Ra'iisul Wasaaraha JFS Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Wafdigiisa loogu sameeyay magaalada Laascaanood.

Wargalin Muhiim ah
01/08/2026

Wargalin Muhiim ah

HAMBALYO IYO BOGAADINWasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Faarax Warsame, Wasiir Ku-xige...
29/07/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Faarax Warsame, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cali Daahir Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Maxamuud Xuseen Jibriil (Caateeye), iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Amniga, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada Ciidamada Amniga, iyo dhammaan shacabka reer Waqooyi Bari, munaasabadda sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaska Dowladda Waqooyi Bari, oo ku beegan 30-ka Luulyo 2026.

Waxaan dhammaan shacabka reer Waqooyi Bari ugu hambalyaynaynaa munaasabaddan qiimaha iyo taariikhiga ah, annagoo rajaynayna in sannad-guuradan ay noqoto mid horseedda midnimo, nabad, amni, horumar iyo dowladnimo waarta.

Hambalyo Sannad-guurada Koowaad ee Aas-aaska Dowladda Waqooyi Bari!

30-ka Luulyo 2026

Waqooyi Bari Ha Noolaato!
Dowladnimadu Ha Waarto!

- 𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝙓𝙖𝙛𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙒𝙖𝙧𝙛𝙖𝙖𝙛𝙞𝙣𝙩𝙖 & 𝙓𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖, 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙒𝙖𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞 𝘽𝙖𝙧𝙞, 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖.

📧 𝙀𝙢𝙖𝙞𝙡: [email protected]
🌐 𝙒𝙚𝙗𝙨𝙞𝙩𝙚: https://mos.ne.so/
📘 𝙁𝙖𝙘𝙚𝙗𝙤𝙤𝙠: https://www.facebook.com/share/1EQHSQaMeL/?mibextid=wwXIfr
𝕏 𝙏𝙬𝙞𝙩𝙩𝙚𝙧: https://x.com/mosne01

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo Kormeeray Tababar u Socday Saraakiil ka Tirsan ...
26/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo Kormeeray Tababar u Socday Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliska .

Laascaanood, 26 Luulyo 2026 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Maxamuud Xuseen Jibriil, ayaa kormeeray tababar u socday saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Tababarkan oo ah Tababar Tababarayaal (Training of Trainers – ToT) ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta Booliska iyo xoojinta doorka Ciidanka ee hirgelinta nabadda iyo amniga. Waxaana lagu kobcinayay aqoonta, xirfadaha iyo awoodda saraakiisha ka qaybgalaysa tababarka.

Agaasimaha Guud ayaa qiimeeyay habsami-u-socodka tababarka, heerka ka qaybgalka iyo fahamka casharrada, isaga oo sidoo kale eegay sida ay ka qaybgalayaashu uga faa’iidaysanayaan aqoonta iyo xirfadaha lagu barayo.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku bixisay qabashada tababarkan muhiimka ah, kaas oo qayb ka qaadanaya kor u qaadista tayada iyo xirfadaha Ciidanka Booliska.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha ka qaybgalaysa tababarka kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo xirfadaha ay helayaan, isla markaana ay aqoontaas iyo khibradahaas u gudbiyaan saraakiisha iyo ciidamada kale ee Booliska, si loo xoojiyo tayada, kartida iyo waxtarka guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

- 𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝙓𝙖𝙛𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙒𝙖𝙧𝙛𝙖𝙖𝙛𝙞𝙣𝙩𝙖 & 𝙓𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖, 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙒𝙖𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞 𝘽𝙖𝙧𝙞, 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖.

📧 𝙀𝙢𝙖𝙞𝙡: [email protected]
🌐 𝙒𝙚𝙗𝙨𝙞𝙩𝙚: https://mos.ne.so/
📘 𝙁𝙖𝙘𝙚𝙗𝙤𝙤𝙠: https://www.facebook.com/share/1EQHSQaMeL/?mibextid=wwXIfr
𝕏 𝙏𝙬𝙞𝙩𝙩𝙚𝙧: https://x.com/mosne01

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢, 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 - 𝐒𝐚𝐛𝐭𝐢, 25 July 2026: Waxaa maan...
25/07/2026

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢, 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 - 𝐒𝐚𝐛𝐭𝐢, 25 July 2026: Waxaa maanta si habsami leh u qabsoomay shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, kaas oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐉𝐢𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 (Caateeye).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha kala duwan, iyo sidii loo hubin lahaa in qorshayaasha iyo waajibaadka shaqo loo fuliyo si hufan oo waafaqsan jadwalka loo dejiyey.

Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah looga hadlay u-diyaargarowga munaasibadda xuska aas-aaskii Dowladda Waqooyi Bari, sanad-guuradii koowaad oo ku beegan 30 July 2026, iyadoo diiradda la saaray qorsheyaasha lagu xaqiijinayo ilaalinta amniga, isku dubaridka hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada inta lagu guda jiro munaasibadda.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ayaa agaasimayaasha waaxyaha iyo hawl-wadeennada kula dardaarmay in la dardargaliyo, lana labo-jibaaro dadaalka shaqo, korna loo qaado isla xisaabtanka, tayada adeegyada, iyo hufnaanta maamulka si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaannada.

Ugu dambayn, shirka waxaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad iyo go’aamo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo horumarinta shaqada iyo dardargelinta adeegyada ay Wasaaraddu u hayso shacabka.

-𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃-
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝙓𝙖𝙛𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙒𝙖𝙧𝙛𝙖𝙖𝙛𝙞𝙣𝙩𝙖 & 𝙓𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖, 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙒𝙖𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞 𝘽𝙖𝙧𝙞, 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖.

📧 𝙀𝙢𝙖𝙞𝙡: [email protected]
🌐 𝙒𝙚𝙗𝙨𝙞𝙩𝙚: https://mos.ne.so/
📘 𝙁𝙖𝙘𝙚𝙗𝙤𝙤𝙠: https://www.facebook.com/share/1EQHSQaMeL/?mibextid=wwXIfr
𝕏 𝙏𝙬𝙞𝙩𝙩𝙚𝙧: https://x.com/mosne01

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane C/risaaq Faarax Warsame, ayaa Maamulaha Wasaaradda A...
23/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane C/risaaq Faarax Warsame, ayaa Maamulaha Wasaaradda Amniga Degmada Widh-widh ee Gobolka Togdheer, Waqooyi Bari, u magacaabay Mudane C/risaaq Mixile Jamac Cabdi (Yowle).

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo amniga, xasilloonida iyo xoojinta hannaanka maamulka ee Degmada Widh-widh.

17/07/2026

Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa guddiga isxilqaanka ah ee ka dhisan gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle, kuwaas oo u istaagay ururinta dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha saldhigga amniga ee degmada Buuhoodle.

Address

Waqooyi Bari
Laascaanood
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share