05/04/2026
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland oo kaashaneysa Wasaaradda Haweenka ayaa shalay galab muxaadaro diini ah u qabatay Ururka Haweenka Gobolka Iyo Haweenka Degmada Kismaayo, taas oo ku saabsanayd imaamka wanaagsan iyo waxyaabaha nusqaamiya.
Muxaadarada waxaa soo jeediyay Madaxa Iclaamka Dacwada ee Degmada Kismaayo Sheekh Maxamed Guure, isagoo haweenka ku dhiirrigeliyay ku dhaqanka akhlaaqda suuban iyo ilaalinta diinta.
Sidoo kale, Wasaaradda Awqaafta ayaa haweenka u qaybisay 50 nuqul oo Kitaabka Arbaciinka ah oo Af-Soomaali lagu turjumay, waxaana turjumaadda sameeyay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland Aden Faarax Gaarane oo ku booriyay ururada Haweenka ka qayb qaadashada Dacwada Islaamka, ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, gudoomiyaha haweenka ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, Madaxa Dacwadda Degmada Kismaayo, iyo haweenka ku nool Magalada Kismaayo.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Kitaabka Arbaciin la gaarsiin doono qaybaha kale ee ururada bulshada rayidka ah maalmaha soo socda.