01/06/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Kismaayo ka dah-furay shir degdeg ah oo looga hadlayay halista cudurka dilaaga ah ee Ebola.
Shirka ayaa lagu qabtay Xarunta Howlaha Gurmadka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC) ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland, iyadoo cudurkan dhawaan laga soo sheegay dalalka Democratic Republic of the Congo iyo Uganda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay la-taliyaha Wasaaradda Caafimaadka, Garaad Aadan, qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda, saraakiisha kale ee wasaarada iyo isku-duwayaasha caafimaadka degmooyinka Jubaland oo qaab fogaan-arag ah uga qeyb galay.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd xoojinta u diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka halista ah ee Ebola, maadaama Jubaland ay xuduud la wadaagto dalalka Kenya iyo Ethiopia, isla markaana ay jiraan isku socod joogto ah oo dhinacyada xuduudaha, hawada iyo marin-biyoodka ah.
Masβuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa la socodka xaaladaha caafimaad ee ka iman kara dalalka deriska ah, kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, iyo xoojinta awoodda xarumaha caafimaadka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay qorshayaasha lagu horumarinayo baaritaanka iyo dabagalka cudurrada faafa, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, iyo diyaarinta agabka muhiimka ah ee looga hortago faafitaanka cudurrada halista ah.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta caafimaadka inay laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, isla markaana la joogteeyo feejignaanta iyo wada-shaqeynta hayβadaha ay khuseyso si looga hortago khatar kasta oo ka dhalan karta cudurka halista ah ee Ebola.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.