08/10/2025
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay dhalinyaro uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbaland, Mudane Farhan Haji.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo dhalinyarada Jubbaland, gaar ahaan sidii dhalinyarada door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarinta bulshada, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka arrimaha bulshada iyo dawladnimada.
Wasiir Cabdiweli ayaa dhalinyarada la wadaagay in Wasaaradu ay ka goโan tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhalinyarada, isla markaana ay dhiirrigeliso dadaallada ay ku doonayaan in ay ku horumariyaan bulshada Jubbaland.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbaland, ayaa uga mahadceliyey wasiirka soo dhoweynta iyo taageerada uu u muujiyey dhalinyarada, isagoo ballan qaaday in dhalinyaradu ay sii wadi doonaan wada shaqeynta iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada horumarineed ee wasaaraddu wado.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/