14/10/2026
Shacabka ku nool degmada Duubaan, oo ay hoggaaminayso Hoggaanka Degmada Duubaan, Marwo Aamini Faarax Jaamac, ayaa saaka olole nadaafadeed ka fuliyey gudaha magaalada Duubaan.
Ololahan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista nadaafadda magaalada, ilaalinta bilicda deegaanka iyo wacyigelinta bulshada ee muhiimadda ay leedahay nadaafaddu.
Hoggaanka degmada ayaa bulshada ku boorriyey inay si joogto ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii magaalada Duubaan u noqon lahayd deegaan nadiif ah oo bilicdiisu wanaagsan tahay.
Ugu dambayn, waxaa bulshada lagu adkeeyey in nadaafaddu tahay masuuliyad ka wada saaran qof kasta, loona baahan yahay iskaashi joogto ah oo dhex mara maamulka degmada iyo shacabka.
Rabi talo ku filan