15/04/2026
Waxa manta aan ka qeeb galay Kormeer dowladeed oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA) kana qayb galeen daneeyayaal muhiim ah iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Wasaaradda Qorsheynta (MOPIC), Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Haweenka, Degmada kismayo, iyo JUCRI, ayaa ka dhacay magaalada Kismayo.
Kormeerku wuxuu diiradda saaray laba goobood oo ay ka socoto tababarka Horumarinta Ganacsiga iyo Ka Qaybgalka Dhaqaalaha, ka hor bilaabista tababarka ganacsiga. Ka-faa’iideystayaasha SEPOW waxay si guul leh uga qalinjabiyeen barnaamijka akhriska Farta Soomaaliga iyo xisaabta oo socday lix bilood, waxaana hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada iyadoo ay kormeeraysay MoLSA. Iyo Degmada Kismaayo. Ka-faa’iideystayaasha waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya dhammeystirka barnaamijka.
Ujeeddada kormeerku waxay ahayd qiimeynta xaaladda ka-faa’iideystayaasha mashruuca SEPOW, oo ay taabba-gelinayso GIZ. Intii booqashadu socotay, kooxda howl-wadeenadu waxay tageen dugsiyada KPT School iyo Horyaal School, halkaas oo ay kula kulmeen ka-faa’iideystayaal badan isla markaana ay indha-indheeyeen horumarka barnaamijka.
SEPOW waa mashruuc lagu taageerayo 470 qoys oo danyar ah si ay u gaaraan nolol isku filnaan, iyadoo GIZ ay ka qaadanayso kaalmo muuqata.
— Xafiiska Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Degmada Kismayo.