Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo

Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLADDA HOOSE EE DEGMADDA KISMAAYO

27/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa boqolaal kamid ah shacabka magaalada Kismaayo salaadda Ciidda kula oogay garoonka Waamo. Mas’uuliyiin, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda, iyadoo shacabka loogu baaqay midnimo, nabad iyo wadajir. Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, isagoo u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa boqolaal kamid ah shacabka magaa...
27/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa boqolaal kamid ah shacabka magaalada Kismaayo salaadda Ciidda kula oogay garoonka Waamo. Mas’uuliyiin, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda, iyadoo shacabka loogu baaqay midnimo, nabad iyo wadajir. Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, isagoo u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Ciid Mubaarak dhammaan reer Jubbaland, gaar ahaan reer Kismaayo! Alle ha idinka aqbalo acmaasha wanaagsan, hana idinka d...
26/05/2026

Ciid Mubaarak dhammaan reer Jubbaland, gaar ahaan reer Kismaayo!
Alle ha idinka aqbalo acmaasha wanaagsan, hana idinka dhigo kuwo ku ciida nabad, caafimaad iyo barwaaqo. Ciid wanaagsan.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed

Guddoomiyaha Degmada Cumar Cabdullaahi Maxamed ahna Duqa Magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay waddada K...
24/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Cumar Cabdullaahi Maxamed ahna Duqa Magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay waddada Kibooro (Road 10), halkaas oo si rasmi ah looga bilaabay dhigista laamiga. Guddoomiyuhu ayaa u kuurgalay heerka ay marayaan shaqooyinka dhismaha waddada, isaga oo bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo bilicda iyo isku socodka magaalada Kismaayo. Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka degmada ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee shacabka faa’iidada u leh.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada MudaneCumar Cabdullaahi Maxamed ayaa kormeer indho-indheyn ah ku tagay ...
19/05/2026

Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada MudaneCumar Cabdullaahi Maxamed ayaa kormeer indho-indheyn ah ku tagay halka uu marayo dhismaha waddada Majango ee xaafadda Calanley, si uu ugu kuurgalo heerka uu marayo mashruuca iyo tayada shaqada socda.

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa Maxamed Geedow Ahmed u magaacay Guddoomiye ku xigeenka Tuulada koron-uu...
13/05/2026

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa Maxamed Geedow Ahmed u magaacay Guddoomiye ku xigeenka Tuulada koron-uusle ee Galbeedka magaalada Kismaayo.

Calanley Waxaa si wanaagsan uga socda dhismaha waddada Majango, iyadoo shaqadu ay mareyso heer wanaagsan. Mashruucan aya...
13/05/2026

Calanley Waxaa si wanaagsan uga socda dhismaha waddada Majango, iyadoo shaqadu ay mareyso heer wanaagsan. Mashruucan ayaa qeyb ka ah horumarinta bilicda iyo isku socodka xaafadda, waxaana bulshada deegaanka ay ka muujiyeen farxad iyo rajo wanaagsan oo ku aaddan dhammeystirka waddada.

Agaasimaha waxda qorsheynta ee Dowladda Hoose mudane Cabdullaahi Maxamed iyo agaasimaha waaxda arimaha bulshada mudane f...
12/05/2026

Agaasimaha waxda qorsheynta ee Dowladda Hoose mudane Cabdullaahi Maxamed iyo agaasimaha waaxda arimaha bulshada mudane farxaan maxamuud faarax ayaa ka qaybgalay kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland kaas oo lagu ansixinayay qiimeynta hanaanka adeeg-daadejinta qaybaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka, iyo sidoo kale maamulka degmada Kismaayo.

Shirka ayaa inta badan diiradda lagu saaray horumarinta adeeg-daadejinta, tayeynta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer dowlad-goboleed iyo degmo.

Cabdiwahaid Maxamed Dhaqane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa madasha ka hadlay isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay adeeg-daadejintu si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo tayo leh, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa Maxamed Cabdullahi Bare u magaacay Guddoomiyaha Tuulada koron-uusle ee ...
09/05/2026

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa Maxamed Cabdullahi Bare u magaacay Guddoomiyaha Tuulada koron-uusle ee Galbeedka magaalada Kismaayo.

Howlwadeenada mashruuca Nagad  ee degamda Kismayo oo Kaashanaya SGAPI Consultant ayaa qabtay maanta tababar ku saabsan Q...
08/05/2026

Howlwadeenada mashruuca Nagad ee degamda Kismayo oo Kaashanaya SGAPI Consultant ayaa qabtay maanta tababar ku saabsan QGIS iyo Storm water management model (SWMM) oo loo qabtay dhaman Engineerada ku sugan magalada Kismayo. oo labo qaybood ahaa ayaa galinki h**e lagu so bandhigay QGIS ayadoo galinki danbna lagu sharaxay storm Water Management Model (SWMM). 2dan tababar ayaa Engineerada somaliyeed ee ku sugan Magalada Kismayo ay baahi u qabbeen aydoo si practical ah loogu sharaxay. Gabagabadii tababarka ayaa Eng Aden Hade Mohamed oo ah PIU Project engineer ee mashruuca Nagad ee Kismayo ayaa so xiray tabarka asagoo u rajeeyey in casharada ka faaiidaystaan una balan qaaday in dhowr tababar oo kale oo muhiim u ah Engineerada la qaban doono mudo kooban..

Address

Kismaayo
Kismaayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 13:30
Tuesday 08:00 - 13:30
Wednesday 08:00 - 13:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 13:30
Sunday 08:00 - 13:30

Telephone

+252614844455

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo:

Share