Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle Kusoo dhowow bogga rasmiga ah ee Wasaarada Waxbarashada Dowladda Hirshabelle.

12/04/2026

“Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hirshabeelle sanadkan waxay hirgelisay 23 iskuul oo cusub, kuwaas oo qalabeysan isla markaana bulshada reer Hirshabeelle ay si bilaash ah wax uga baran doonaan.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle, Mudane Saciid Hagar Camaloow.

Wasiirka Wasaardda Waxbarshada iyo Tacalinta Sare Dowladda Hirshabelle ayaa Mudane Maxamuud Yusuf Cabdi,(Jarane) u Magac...
11/04/2026

Wasiirka Wasaardda Waxbarshada iyo Tacalinta Sare Dowladda Hirshabelle ayaa Mudane Maxamuud Yusuf Cabdi,(Jarane) u Magacabay Agaasimaha Waaxda Macaahida Sharciga iyo Dugsiyada Qu”raanka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle

11/04/2026

Wareysi Gaar ah: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hirshabelle oo ka hadlay horumarka, caqabadaha iyo mustaqbalka waxbarashada Dowladda Hirshabelle.

09/04/2026
09/04/2026

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Bahda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Mudane Saciid Hagar Camalow, Wasiiru-dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda, Mudane Abdishakuur Mohamed Hassan, oo ay ka geeriyootay Ayeeydiis marxuumad Xabiibo Xaaji Cali Geedow, kuna geeriyootay magaalada Baladweyne.

Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumadda inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, kana siiyo Jannatul Firdowsa, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin.

05/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle Mudane Said Amalow ayaa komeeray Qar kamid ah Iskuulada Caasimadda jowhar asigoo la hadlay Ardayda dhigta Qarkood Dugsiyadaas👇

02/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Saciid Hagar Camalo, ayaa maanta kormeer shaqo iyo kuur-galid ku tagay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Jowhar Bile School, kaas oo si casri ah loo dhisay isla markaana la soo gabagabeeyay dhismihiisa.

Jowhar, 01 Abriil 2026Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Saciid Hagar C...
01/04/2026

Jowhar, 01 Abriil 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Saciid Hagar Camalo, ayaa maanta kormeer shaqo iyo kuur-galid ku tagay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Jowhar Bile School, kaas oo si casri ah loo dhisay laguna soo gabagabeeyay dhismihiisa.

Wasiirka, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Jowhar, Mudane Liiban Bashiir Cumar, ayaa kulan la yeeshay maamulka, macallimiinta iyo guddiga dugsiga, kuwaas oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda waxbarashada iyo horumarka dugsiga.

Maamulka iyo macallimiinta dugsiga ayaa soo dhoweeyay kormeerka wasiirka, iyagoo sidoo kale bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay Wasaaradda Waxbarashadu ka waddo gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Saciid Hagar Camalo ayaa ku ammaanay maamulka iyo macallimiinta dadaalka ay muujiyeen, isagoo ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono si loo horumariyo tayada waxbarashada.

Dugsiga Jowhar Bile ayaa ka mid ah dugsiyada ay dhistay Dowladda Hirshabelle, iyadoo Wasaaradda Waxbarashadu hormuud ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha waxbarashada si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee carruurta ku nool deegaanada dowlad-goboleedka Hirshabelle.

.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi RaajicuunWasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay tacsi t...
23/03/2026

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, iyo guud ahaan bahda waxbarashada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ustaad Cabdisalaan Cumar “Fatoosh”, oo saakay ku geeriyooday magaalada Beledweyne.

Ustaadka wuxuu ka mid ahaa bahda waxbarashada magaalada Beledweyne, gaar ahaan macallimiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle ee Magalaada Baladweyne,

Wasaaraddu waxay Alle uga baryeysaa inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Tacsi Tiiraanyo LehWasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay tacsi tiiraanyo leh u direys...
21/03/2026

Tacsi Tiiraanyo Leh

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska, ehelka iyo dhammaan bahda waxbarashada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee arday Mohamed Aamiin Yuusuf Cabdi, oo ka mid ahaa ardayda dhigata Jalalaqsi Primary and Secondary School, gaar ahaan fasalka 7aad.

Ardayga ayaa si naxdin leh maanta ugu geeriyooday rasaas (xabbad) fakatay Degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan,

Wasaaraddu waxay si adag uga xun tahay dhacdadan xanuunka badan ee saameysay bulshada iyo bahda waxbarashada, waxayna ugu baaqeysaa hay’adaha amniga inay si degdeg ah u baaraan dhacdadan, isla markaana la horkeeno caddaaladda cid kasta oo ka dambeysay.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay Alle uga baryeysaa marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisii.

Aamiin Aamiin.

Hambalya⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay hambalyo u diraysaa kooxd...
18/03/2026

Hambalya⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay hambalyo u diraysaa kooxda wasaaradda oo ka qeyb gashay tartanka Ramadan Cup, kuna guuleysatay inay gaarto heerka ugu dambeeya.

Kooxda ayaa galabta soo bandhigtay ciyaar heer sare ah oo aad u soo jiidatay taageerayaasha, inkastoo ugu dambeyn rigoorayaal looga adkaaday, taasoo ka dhigtay inay ku guuleystaan kaalinta labaad ee tartanka.

Tartankan Ramadan Cup oo lagu taageerayay waxqabadka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle waxaa ka qeyb galay 12 kooxood oo ka dhisan caasimadda Jowhar,

Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ciyaartoyda, taageerayaasha iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay guushan, waxayna rajaynaysaa horumar iyo guulo ka sii weyn mustaqbalka. 👏

18/03/2026

;- Agaasimaha Waaxda Manhajka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Axmed Cali (Suudaani), ayaa kulan isugu jira afur iyo casho sharaf u sameeyay ciyaartoyda ku ciyaareysa magaca Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo ka qeyb galaya tartanka Ramadaan Cup ee lagu maamuusayo waxqabadka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Afurkan ayaa ahaa mid lagu dhiirrigelinayay ciyaartoyda, laguna muujinayay garab istaagga iyo taageerada ay Wasaaraddu la garab taagan tahay dhalinyarada mataleysa magaca Wasaaradda, kuwaas oo soo gaaray final-ka (gabagabada) tartanka.

Address

Jowhar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share