10/12/2024
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ku qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka laguna soo gabagabeenayay ololaha 16-ka maalmood ee ka hortagga tacadiga ka dhanka ah haweenka.
Munaasabadda ayaa waxaa isugu yimid marti sharaf kala duwan waxaana kasoo qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, iyo Ururada Haweenka.
Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo sanad walba la xuso waxaa looga hadlaa arrimaha xadgudubka haweenka iyo xuquuqda aadanaha, waxaana munaasabadda sanadkan lagu muujiyay muhimadda ay leedahay in wax-qabad wadajir ah laga sameeyo horumarinta xuquuqul insaanka iyo ciribtirka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Ololaha 16-ka maalmood ee ka hortaga tacadiyada haweenka oo soo bilaabmay bishii Noofambar 25-keedii ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta, abaabulka bulshada, iyo u doodista isbeddellada nidaamka si loo joojiyo xadgudubyada ku salaysan jinsiga iyada oo loo marayo aqoon-is-weydaarsiyo, dood-wadaag, iyo hawlo wacyi-gelineed oo bulshada ah.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay xaqiijinaysaa dabagalna ku sameenaysaa waxyaabaha ka qabsoomi doona, wasaaradda waxaa ka goโan ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta haweenka, iyo dhisidda ammaan bulsho oo loo wada dhan yahay.
๐๐๐๐๐๐๐๐
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle