14/02/2026
WARSHIIKH 14 February 2026
Abdullahi Mohamed Omar, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta Dowladda Hirshabelle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Warshiikh, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Degmada Warshiikh dood-wadaag ballaaran oo diiradda lagu saarayay xoojinta wadajirka, isdhexgalka, iyo wada noolaanshaha bulshada.
Dood-wadaaggan ayaa si qoto dheer loogu gorfeynayay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada martida loo yahay ee ku dhaqan Degmada Warshiikh, si loo helo bulsho mideysan oo ku dhisan isfaham, kalsooni, iyo wada shaqeyn joogto ah.
Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer degmo iyo heer gobol ah, odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, culimo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si furan uga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha la heli karo ee lagu horumarin karo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada hadalka bulshada, lana abuuro hannaan lagu xallin karo khilaafaadka si nabadeed, isagoo xusay in nabad waarta ay saldhig u tahay horumarka, midnimada, iyo xasilloonida bulshada.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo lagu taageerayo dib-u-heshiisiinta, wadajirka bulshada, iyo ilaalinta nabadda, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha.
Ugu dambeyn, dood-wadaaggan ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga bulshada, korna loogu qaadayo wacyiga nabadda iyo wada noolaanshaha, si Degmada Warshiikh ay u noqoto deegaan ku dayasho mudan oo nabad iyo midnimo ku dhisan