Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle

Waxaa magaalada Jowhar soo gaaray wafdi heer Gobol , Gudoomiyaasha iyo Xoghayayaasha Degmooyinka Dowladda Hirshabelle.Ag...
31/05/2026

Waxaa magaalada Jowhar soo gaaray wafdi heer Gobol , Gudoomiyaasha iyo Xoghayayaasha Degmooyinka Dowladda Hirshabelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Mudane Dr-Abdullahi Adaye Hassan oo aay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Gobolka SH. Dhexe ahna kusimaha Gudoomiyaha Gobolka , Duqa Magaalada Jowhar, Xoghayaha dowladda Hoose ee Degmada Jowhar ayaa Wafdiga ku soo dhaweeyay Caasimada Dowladda Hirshabelle ee jowhar .

Waxaa lagu wadaa in magaalada Jowhar laga Daahfuro Madasha isku-dubaridka Sanadlaha ah ee Dowladda Hirshabelle iyo Hay'adaha Wada Shaqaynta la leh ee ka shaqeeya Dib-u-dhiska Dowladnimada iyo Xasilinta Deegaannada Hirshabele.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

30/05/2026

Daawo Muuqaalka Guud Kulanka Saddex Biloodlaha ee Isku-duwidda Gudiga heer Wasaaradood ee Dowladaha Hoose iyo Adeeg Daadajnta kaasoo aay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle .

Shirka Isu duwidda Guddiga daadejinta adeegga Dowladaha Hoose waa Madal fikrado la isku weydaarsado taasoo looga doodo adeeg daadejinta iyo hirgelinta hindisayaasha maamul/adeeg daadejinta ee hay’adaha dastuuriga ah ee bixiya adeegga aasaasiga ah.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku  qabatay Kulanka Saddex Biloodlaha ...
30/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabatay Kulanka Saddex Biloodlaha ee Isku-duwidda Gudiga heer Wasaaradood ee Dowladaha Hoose iyo Adeeg Daadajinta .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle Mudane Dr-Abdullahi Adaye Hassan ayaa Furay Kulanka waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha ka shaqeeyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee Dowladaha Hoose iyo qaar ka ka mid Golaha Deegaanka Degmada Jowhar .

Shirka Isu duwidda Guddiga daadejinta adeegga Dowladaha Hoose waa Madal fikrado la isku weydaarsado taasoo looga doodo adeeg daadejinta iyo hirgelinta hindisayaasha maamul/adeeg daadejinta ee hay’adaha dastuuriga ah ee bixiya adeegga aasaasiga ah.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle oo Dhambaalka Farxada Ciidul adxaha la wadaagay Uma...
26/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle oo Dhambaalka Farxada Ciidul adxaha la wadaagay Umada Soomaaliyeed .

Wasiir Abdi Dahir Guure Karoore Hambalyada Ciidul Adxaha u jeediyay Shaqaalaha Wasaaradda iyo umada soomaaliyeed iyo sidoo kale Guud ahaan muslimiinta caalamka .

" Dhammaan Muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynaya farxadda Ciidda Carafo ".
" Allaha naga wada aqbalo acmaasha wanaagsan. Xujayda iyo muctamiriintana Allaha ka aqbalo cibaadada iyo ducada. Ciiddan midda xigta Allaha nagu wada gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo "

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle  oo Jowhar ku Qabatay Aqoon-is-Weydaarsi La-tashi ah .Jowhar...
25/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle oo Jowhar ku Qabatay Aqoon-is-Weydaarsi La-tashi ah .

Jowhar, 25 May 2026; Magaalada Jowhar waxaa maanta laga daah-furay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, kaas oo diiradda lagu saaray qabyo-qoraalka qorshaha horumarinta xarunta istiraatiijiga ah ee Tawakal-Jiliyaale ee degmada Jowhar.

Kulankan la-tashiga daneeyayaasha ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, hoggaamiyeyaasha xarumaha Tawakal-Jiliyaale, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah.

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ahayd in la helo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu tayeynayo qorshaha horumarinta xarunta Tawakal-Jiliyaale, si loo xaqiijiyo hannaan horumarineed oo waafaqsan baahiyaha Bulshada Deegaanka.

Masuuliyiintii ka hadlay madasha ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ee ku aaddan horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo xoojinta qorsheynta istiraatiijiga ah ee xarumaha Deegaanka.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

22/05/2026

Daawo Hadaljeedinta Duqa Degmada Jalalaqsi Mudane Maxamed Xaajji Nuur Cumar uu ka jeediyay Gabagabada Tababar ka kobcinta kalsoonida oo loo maraayo ka qeybgal bulsho oo loo dhanyahay ee Maamulka Degmada Jalalaqsi kaasoo aay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle .

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle  ayaa Degmada Jalalaqsi ku soo gabagabeeysay Tababar mudo 3 ...
22/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa Degmada Jalalaqsi ku soo gabagabeeysay Tababar mudo 3 maalin socday kaasoo ku saabsanaa kobcinta kalsoonida oo loo maraayo ka qeybgal bulsho oo loo dhanyahay ee Maamulka Degmada Jalalaqsi .

Gabagabada Tababarkaan ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Duqa Degmada Jalalaqsi , Guddoomiye Kuxigeeno iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada Jalalaqsi iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Jalalaqsi .

Tababarkaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo Kobcin lahaa kalsoonida Bulshada aay ku qabaan ka qeyb galka Bulsho ee maamul wanaag loo dhanyahay isla markaana looga wada shaqeyn lahaa isku xerka Bulshada iyo maamulka Degmada Jalalaqsi .

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

20/05/2026

Daawo Khudbada Furitaanka ah ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Mudane Dr-Abdullahi Adaye Hassan uu ka jeediyay Daahfurka aqoon-is-weydaarsiga ku saabsan qorshaha istaraatiijiyadda Horumarinta isku-dhafka dhaqaale, bulshada iyo qorsheynta Deegaannada Degmada Jowhar.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

20/05/2026

Daawo Muuqaalka Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle oo Magaalada Jowhar ka Daahfurtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan qorshaha istaraatiijiyadda Horumarinta isku-dhafka dhaqaale, bulshada iyo qorsheynta Deegaannada Degmada Jowhar.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ka Daahfurtay aqoon-is-weydaarsi ku sa...
20/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ka Daahfurtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan qorshaha istaraatiijiyadda Horumarinta isku-dhafka dhaqaale, bulshada iyo qorsheynta Deegaannada Degmada Jowhar.

Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Dr-Abdullahi Adaye Hassan oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey waxaana sidoo kale kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha horumarinta Degmada .

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa qorshe mideysan oo kor loogu qaadayo horumarka Degmada Jowhar, adeegyada Bulshada iyo qorsheynta casriga ah ee Deegaannada.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ

Address

Jowhar

Telephone

+252612122912

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle:

Share