Afhayeenka Ciidanka Booliska Hirshabelle

Afhayeenka Ciidanka Booliska Hirshabelle Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Afhayeenka Ciidanka Booliska Hirshabelle, Government Organization, kulmis, Jowhar.

TALISKA CIIDANKA BOOLISKA HIRSHABELLEWAR-SAXAAFADEEDJowhar, HirshabelleMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane...
14/06/2026

TALISKA CIIDANKA BOOLISKA HIRSHABELLE
WAR-SAXAAFADEED

Jowhar, Hirshabelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Ali guudlawe Hussein ayaa maanta shir amni guddoomiyay kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, waxaana ka qayb galay Wasiirka Amniga,Taliyaha Booliska Hirshabelle Sareeye Guuto Hassan dhicisow, Taliyeyaasha Hay'adaha Amniga, Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda, Militariga iyo Daraawiishta.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga guud iyo doorkii ay ciidamada amniga ka qaateen sugidda amniga intii ay Hirshabelle jogeen wafuuda kala duwan uu ugu horeeyo Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay dadaalkii iyo feejignaantii ay muujiyeen muddadii ay socotay booqashada Madaxweynaha Qaranka, isagoo tilmaamay in wada shaqeynta hay'adaha amniga ay horseedday in booqashadu ku dhacdo jawi amni iyo xasillooni leh.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu adkeeyay sii xoojinta wada shaqeynta hay'adaha amniga, dardargelinta howlaha lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka, iyo joogteynta feejignaanta ciidamada si looga hortago wax kasta oo lid ku ah amniga.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa ku bogaadiyay dhammaan ciidamada amniga kaalinta muuqata ee ay ka qaateen ilaalinta amniga, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii labanlaabaan dadaalkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada Hirshabelle.

DHAMMAAD.

02/06/2026

Ciidanka Booliska iyo Daraawishta Dowladda Hirshabelle ayaa xaley kormeer amni xaqiijin ah ka sameyay xafadaha degmada Jowhar.

Address

Kulmis
Jowhar
ZIP

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afhayeenka Ciidanka Booliska Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share