18/08/2025
XAFIISKA GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE DOWLADA HIRSHABELLE OO MAANTA KA DAAHFURAY MAGAALADA JOWHAR EE CAASIMADDA DOWLADA HIRSHABELLE WORKSHOP KA KORDHINTA DUMARKA EE SHAQAALAHA DOWLADA.
Jowhar, 18-August-2025: Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada HirShabelle Mudane Mohamed Mo’allim Omar Meyre ayaa si rasmi ah u daahfuray Tababar la xeriira Kordhinta iyo Taageeridda in dumarku ay helaan kororka qoondada ay ku leeyihiin Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada.
Waxaa ka soo qeyb galay Workshopka Marti sharif muhiim u ah Mashruuca Ololaha kordhinta Qoondada Dumarka ay ku leeyihiin Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada , Waxaana ka mid ahaa: Agaasimaha Guud we Wasaarada Haweenka & Xuquuqul insaanka, Agaasimaha Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada, Lataliyaal sare, Ururada Bulshada Rayidka ah sida Ururka Haweenka iyo Ururka Dhalinyarada, Xildhibaano heer State iyo heer Degmo (Golaha Deegaanka Degmada Jowhar) , Odayaal iyo Marti sharaf kale oo muhiim ah.
Gudoomiye Mohamed Mo’allim Omar Meyre ayaa khudbad daah fur ah ka jeediyey Waxa uuna yiri:” Dumarku waxa ay leeyihiin Maqaam la mid ah kan ragga oo kale markii la joogo Fursadaha Shaqada, Waxbarashada, Cadaalada, Waxaana kudhiirigelineynaa Dumarka Soomaaliyeed inay soo raadsadaan Fursadaha Shaqda la soo bandhigo si aan u helno koror dhanka Shaqaalaha Dowlada ah ee ay ka faaiideestaan Dumarku si loo ilaaliyo dheelitirka jinsiga oo inoo ah hortabinta iyo ka go’naashaha kobcinta Shaqaalaha Dumarka ah inay dowladu ka helaan Qoondadooda”.
Mashruucaan oo lagu magacaabo WOMEN IN GOVERNMENT Waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka Mashruuciisa SERP Qeybtiisa PSM ka ( Public Sector Management) oo ka dhexeeya , isla markaasina wada Fulinayaan Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Wasaaradaa Shaqada & Arimaha Bulshada .
Ugu dambeyn, Waxaa loo guda galay doodo ku dhisan Caqabadaha ka heesta Dumarka Soomaaliyeed inay si rasmi ah u helaan Shaqaaleysiinta Dowlada, iyadoo la dul istaagayo aas’aaska mushkilada iyo waxa sababta u ah in ay dumarku ka gaabiyaan helitaanka Shaqada ay dowladu bixiso, Waxaana sii socon doono maalmaha xiga dooda oo aad u ah mid u xiiso badan, Waxaana rajeyneynaa inuu Workshop ka ka soobixi doonto gebogabadiisa natiijo ama Xal miro dhal buuxa u noqda caqabadaha ka heesta in Dumarka Soomaaliyeed ay helaan Shaqada ay Dowladu bixiso.
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada HirShabelle.
Jowhar, HirShabelle, Somalia.