Ministry Of Endowments And Religious Affairs of Hirshabelle State

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Ministry Of Endowments And Religious Affairs of Hirshabelle State

Ministry Of Endowments And Religious Affairs of Hirshabelle State Wasaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowladda Hirshabelle
حكومة اقليم هيرشبيلي وزارة الأوقاف والشؤون الدينيه.

24/05/2026

Wasiirka Awqaafta &Arrimaha Diinta Hirshabelle Mudane Cali Ciiley”annaga iyo Bahda Garsoorka Waxaa Naga soo bixi doono Go,aano ay ku farxaan Bulshada”.

24/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Mudane Ali Osman Ibrahim ayaa Kormeeray Maxkamadaha ay ku shaqeeyaan Garsoorka Hirshabelle.

Jowhar:24- May-2026 : Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Mudane Hon Ali Osman Ibrahim Cali Cii...
24/05/2026

Jowhar:24- May-2026 : Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Mudane Hon Ali Osman Ibrahim Cali Ciiley' ayaa maanta kormeer ku tagay Xarumaha ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha kala duwan ee ku yaal magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda hirshabelle.

Kormeerka waxaa wasiirka ku wehlinayay kusimaha Agaasimaha guud ee wasarada Mudane Cabdisamad Caddow' Agaasimaha waaxda Diinta' Sheekh Yacquub Cabdullaahi Ciise' Guddoomiyaha majamca Culimaa'udiinka Shabelaha Dhexe Sheekh Cumar Shaami iyo masuuliyiin kale.

Waxaana Wasiirka iyo Wafdigiisa halkaasi kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle Mudane Abdullahi Maxamuud Gacal' Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Caddow 'Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh.dhexe Bilaal Cabduqadir Xasan'iyo qaar kamid ah Garsoorka Hirshabelle.

Ujeedka kormeerka wasiirkaa ayaa laxirira kor u qaadista iyo iskashiga labada hey'adood ee garsoorka iyo Wasaaradda Awqfta iyo arimaha Diinta. Si loo xoojiyo shirarkii kan ka horeyay ee looga hadlay Arimaha qoyska gaar ahaan Guurka iyo Furrinka.

Masuuliyiinta ayaa Shir ku yeeshay hoolka weyn ee maxamadda Gobolka Shabelaha Dhexe ayagoo si gaar ah uga shiray Sidii loo sameyn lahaa guddi gaar ah oo ka shaqeeya xalinta arimaha khilaafaadka ee ka dhasha Guurka iyo Furiinka.

Bahda Garsoorka ay ugu horeeyan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle ayaa wasarada ku amaanay kormeerka iyo wada shaqeynta ay la yeelanayan Bahda Garsoorka Dowladda Hirshabelle.

Ugu danbeyn Wasirka wasaradda Awqaafta &Arimaha diinta Hirshabelle Xildhiban Cali Cismaan Ibraahim Cali Ciileey' ayaa faahfaahin guud ka baxiyay ujeedka kormeerkiisa waxa uuna bogaadiyay Shaqada Garsoorka Hirshabelle iyo isku duubnida Guud Ee la xiriirta u shaqeynta bulshada ku nool Deeganada Dowladda Hirshabelle.

DHAMMAAD

24/05/2026

Madaxa Kormeerka iyo lasocodka Madaarista Sharciga ah Ee Magaalada Baledweyne Mudane Jabriil CaliNuur Cumar, ayaa hadal kooban ka jeediyay Kormeer shaqo oo uu ku tagay Qaar kamid madaarista sharciga ee ku yaala Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Beledweyn: 25- May- 2026_Madaxa Kormeerka iyo lasocodka Madaarista Sharciga ah Ee Magaalada Baledweyne Mudane Jabriil Ca...
24/05/2026

Beledweyn: 25- May- 2026_
Madaxa Kormeerka iyo lasocodka Madaarista Sharciga ah Ee Magaalada Baledweyne Mudane Jabriil CaliNuur Cumar, ayaa Kormeer shaqo ku tagay Qaar kamid madaarista sharciga ah ee ku yaala Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ujeedada Kormeerka ayaa la xiriira Dardargalinta howlaha shaqo ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta dowladda Hirshabelle ay ka wado halkaasi.

Mudane Jabriil ayaa la kulmay qaar kamid ah macaliminta madaarista Qur'aanka kariimka iyo qeybaha kala duwan ee macaahida sharciga lagu barto, isaga oo ka dhegeestay Baahiyaha kala duwan ee ka jira goobaha wax lagu barto iyo sidee loola socon lahaa Nidaam waxbarshada ee Magaalada.

Dhankooda qaar kamid ah macaliminta iyo ardayda macaahida ayaa aad u soo dhweyay Kormeerka Wasaaradda iyagoo bogaadiyay howlaha wansgan ee ay ka wado Magaalada Beledweyne.

DHAMMAAD

17/05/2026

Hadal Sheekh Cumar Shaami Gudomiyaha Majmaca Culimaa'udiinka Gobolka Sh dhexe ee ku aadan shahaada siinta Culimada u idman Nikaaxa ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabelle.

17/05/2026
17/05/2026

Wasiir Cali Ciiley"Wasaradda diintu waxay u taagantahay hagaajinta bulshada iyo Ilaalinta qoysaska gaar ahaan Nikaaxa,
Culimada waa indha bulshada.

17/05/2026

Waa waajib in aad nafaqeyso caruurtada sidoo kalena aad xaaskaga siiso xaqa maherka ah.
Wasiir ku xigeenka W/Awqafta iyo arrimaha diinta Mohamed Axmed Cumar libi.

Address

Jowhar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry Of Endowments And Religious Affairs of Hirshabelle State posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share