Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle BOGGA RASMIGA EE WASAARADDA HOWLAHA GUUD, DIB-U-DHISKA IYO GURYEYNTA HIRSHABELLE

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa ka ...
09/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa ka qeybgalay munaasabadda Dhagax-dhigga dib-u-dhiska Biyo xireenka Sabuun, oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Programme - JOSP).

JOWHAR: -09-SEPTENBER- 2026- waxaa maanta magaalada Jowhar laga daagfuray bilaabashada Mashruuca weyn ee ๐—๐—ผ๐˜„๐—ต๐—ฎ๐—ฟ ๐—ข๐—ณ๐—ณ๐˜€๐˜๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐—บ ๐—ฆ๐˜๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฒ (๐—๐—ข๐—ฆ๐—ฃ)

Biyo xireenkaan, oo markii ugu horreysay la dhisay sannadkii 1925, ayaa muddo dheer laf dhabar u ahaa waraabka iyo wax soosaarka beeraha ee Dooxada Shabeelle, balse burburkii dalka ayaa sababay inuu shaqadiisa gabo. Dib u dhiskiisu wuxuu dib u soo noolayn doonaa rajada beeraleyda oo muddo sanado ah sugayay hirgelintiisa.

Mashruuca JOSP, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025โ€“2029, wuxuuna gacan ka geysanayaa kaydinta biyaha, xakamaynta fatahaadaha, yareynta saameynta abaaraha iyo ballaarinta dhul beereedka waraabka hela. Waxaa kale oo uu kor u qaadi doonaa wax soosaarka gudaha, adkeysiga bulshada iyo sugnaanta cuntada dalka.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray, Madaxweyne Ali Guudlawe Husein, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Jibriil Abdirashid Haaji, waxaana qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Hirshabeelle, Safiirka Dowladda Talyaniga, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta caalamiga ah.



-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

WASAARADDA HAWLAHA GUUD OO JOWHAR KU QABATAY KULAN LOOGA HADLAY HAGAHA MAAREYNTA MAGAALOOYINKAJowhar, 27 Agoosto 2026: W...
27/08/2026

WASAARADDA HAWLAHA GUUD OO JOWHAR KU QABATAY KULAN LOOGA HADLAY HAGAHA MAAREYNTA MAGAALOOYINKA

Jowhar, 27 Agoosto 2026: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay kulan wadatashi oo hal maalin socday, kaas oo looga hadlay diyaarinta hannaan fudud oo lagu hago qorsheynta iyo maareynta magaalooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xeerar cad oo fududeynaya qorsheynta magaalooyinka, nidaaminta dhismayaasha iyo bixinta ruqsadaha dhismaha. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay doorka ay hayโ€™adaha dowladda, maamullada degmooyinka, xirfadlayaasha iyo bulshada ku leeyihiin hirgelinta hannaankan.

Kulanka waxaa ka qaybgalay 20 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Hawlaha Guud, maamulka degmada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Rugta Ganacsiga.

Waxaa kale oo ka qaybgalay injineerro, naqshadeeyayaal, sahmiyeyaal iyo wakiillo ka socday haweenka, dhalinyarada, barakacayaasha iyo dadka ka shaqeeya arrimaha dhulka, guryaha iyo hantida.

Ka qaybgalayaasha ayaa kulanka ku soo bandhigay talooyin ku saabsan caqabadaha ka jira qorsheynta iyo dhismaha magaalooyinka. Waxay sidoo kale ka hadleen baahida loo qabo in la helo hannaan ay si fudud u fahmi karaan hayโ€™adaha dowladda, ganacsatada iyo shacabka.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabelle ayaa sheegtay in talooyinka laga soo jeediyay kulanka ay qayb ka noqon doonaan dadaallada lagu hagaajinayo qorsheynta iyo horumarinta magaalooyinka Hirshabelle.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

20/07/2026

WASIIRKA WASAARADDA HOWLAHA GUUD OO KULAN LAQAATAY INJINEERADA UN-OPS EE GACANTA KU HAAYA MASHRUUCA DHISMAHA WADOOYINKA MAGAALADA BELEDWEYENE.

BELEDWEYENE โ€” 20 - JULAY - 2026 -- Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa kulan muhiim ah la qaatay injineerada UN-OPS oo qeyb ka ah fulinta mashruuca NAGAAD ee dhismaha wadooyinka Magalaada Beledweyene.

Wasiirka ayaa la wadaagay Injineerada warbixin faahfaahsan oo ku saabsan kormeerka uu dhowaan ku soo sameeyay mashaariicda dhismaha ee hadda ka socda Magaalada Beledweyne.

โ€‹Qodobbadii ugu Muhiimsanaa ee Kulanka:
โ€‹Warbixinta Kormeerka: Injineerada ayaa soo bandhigay halka ay marayaan mashaariicda dhismaha ay gacanta ku haayaan iyo qaabka ay u socoto shaqadu.
โ€‹Qiimaynta tayada: Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay geedi-socodka mashaariicdaas iyo gaar ahaan doldaloolooyinka iyo caqabadaha ka jira.

โ€‹Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, ayaa soo xiray kulanka, isagoo bixiyay jihooyin iyo amarro cad-cad oo ku saabsan:

โ€‹Dardargelinta dhismaha, ilaalinta tayada dhismaha, waqtigana la ilaaliyo, laguna soo koobo shaqada waqtiga rasmiga ah ee mashruucu ogalaanaayo.
โ€‹

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

19/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle oo Beledweyne Kulan ku la Qaatay Madaxda UNSOS Sector for ee fadhigooduyahay Magaalada Beledweyene.

BELEDWEYNE: 19 - JULY - 2026 : Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamuud Xasan Bariise, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda Hayโ€™adda UNSOS u qaabilsan Gobolka Hiiraan.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Duqa Magalaada Beledweyene Nadar Tabaax Maalin, Agaasimaha Duulista, iyo Maareeyaha Airporka Beledweyene.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo dardargelin lahaa hawlaha dayactirka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne, gaar ahaan hagaajinta iyo xoojinta Runway-ga garoonka oo muhiim u ah adeegyada duulimaadyada iyo isku socodka bulshada.

Dhankooda, madaxda Hayโ€™adda UNSOS ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda howlaha ay ka wadaan garoonka iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Airporka.

Gabagabadii kulanka, Wasiirka ayaa ugu baaqay Hayโ€™adda UNSOS in la dardargeliyo lana xoojiyo howlaha dayactirka Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, si loo xaqiijiyo in garoonku yeesho adeegyo tayo leh oo daboolaya baahida shacabka iyo hayโ€™adaha isticmaala.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

Xaflad Soo Dhaweyn, Sagootin iyo Casho Sharaf isugu jirto oo Lagu Maamuusay wafdiga Wasiirka Howlaha Guuf Ee beryahaan s...
18/07/2026

Xaflad Soo Dhaweyn, Sagootin iyo Casho Sharaf isugu jirto oo Lagu Maamuusay wafdiga Wasiirka Howlaha Guuf Ee beryahaan shaqada u joogay Magaalada Beledweyne.

BELEDWEYNE : 18 - JULY - 2026: Waxaa si heer sare ah loo qabtay xaflad soo dhaweyn iyo casho sharaf oo lagu maamuusay wafdiga Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise oo isugu jiray Injineero, heer Federaal, iyo heer Dowlad Goboleed, kaddib maalmo shaqo oo indha indheeyn iyo kormeer ay ugu kuur galaayeen mashaariicda dhismaha ee ka socda Magaalada Beledweyene.

Xafladda waxaa soo qaban qaabiyay, Duqa Magaalada Beledweyene, Nadar Tabaax Maalin, Isuduwaha Mashruuca NAGAAD ee Hirshabeelle Mahad Hussein Beylle iyo qaar ka mid ah ganacsatada Magaalada.

Munaasabaddaan ayaa ka tarjumaysay u heelanaanta socodsiinta shaqooyinka iyo kor u qaadistooda, iyadoo la adkeeyay muhiimadda iskaashiga, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF

17/07/2026

MUUQAAL GUUD : Wasaaradda Howlaha Guud oo Beledweyne ku qabatay shir Isku-duwid oo lagu dardargelinaayo dhismaha wadooyinka laamiyada Ee Magaalada Beledweyne.

Wasaaradda Howlaha Guud oo Beledweyne ku qabatay shir Isku-duwid oo lagu dardargelinaayo dhismaha wadooyinka laamiyada E...
16/07/2026

Wasaaradda Howlaha Guud oo Beledweyne ku qabatay shir Isku-duwid oo lagu dardargelinaayo dhismaha wadooyinka laamiyada Ee Magaalada Beledweyne.

BELEDWEYNE โ€“ 16 - JULY ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€” Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa maanta Magaalada Be ledweyne kulan latashi ah oo looga hadlaayay dardargelinta dhismaha wadooyinka laamiyada Magalaada Beledweyne kulayeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan, sida ganacsatada, dhaqanka, haweenka, iyo gudiyada xaafadaha Magaalada.

Shirkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dardargelinta dhismaha wadooyinka iyo socodsiintooda ayadoo kor loo qaadaayo wada shaqeynta gudiyada, xaafadaha, howl wadeenada Mashruuca iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Duqa Magaalada Beledweyene, howl wadeenada Mashruuca, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay heerarka uu maraayo mashruuca.

Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay natiijooyinka mashruuca, caqabadihii ka hor yimid hirgelintiisa iyo casharradii laga bartay.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo dhex marta, howl wadeenada Mashruuca iyo bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara, oo mashruuca fulintiisa laga gaaro.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

15/07/2026

Hadal jeedinta Wasiirka Howlaha Guud Mudane Mohamud Hassan Barise ee mashaariicda Beledweyne Wasaaradda ka waddo.

15/07/2026

Wasaaradda Howlaha Guud oo Dardar gelineyso Hirgelinta Mashaariicda waaweyn Ee Horumarinta Kaabayaasha.

BELEDWEYNE | 15- Julay - 2026 - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa kormeer shaqo ku tagay waddooyinka laamiyada ah iyo biyo-mareennada Ee Magaalada Beledweyne.

Kormeerka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Maamulka Gobalka Hiiraan, iyo kan Degmada Beledweyne, Injineero kasocday Wasaaradda Howlaha Guud Ee Federaalka, PCU-da iyo PIU-da Mashruuca NAGAAD.

Wasiirka iyo Masโ€™uuliyiinta ku wehlisay kormeerka ayaa waxay si dhow ugu kuurgaleen heerka uu maraayo hirgelinta Mashruuca dhismaha waddooyinka laamiyada ah, iyagoo qiimeyn ku sameeyay tayada shaqada, horumarka laga gaaray, iyo doorka uu mashruucu ku leeyahay hagaajinta isku socodka gaadiidka, bilicda iyo horumarka Magaalada Beledweyne.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan Dowladda Hirshabeelle, si shacabka ay u helaan adeegyo iyo kaabayaal dhaqaale oo tayo leh.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________

Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa Shac...
30/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay Xornimadii Gobollada Koonfureed iyo Mideyntii labada Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, taariikhdu markay ahayd 1-da Luulyo 1960.

โ€œ Waxaan Hambaliyo leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Qiimaha leh ee 1-da Luulyo, Maalinta Xorriyadda iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliyeedโ€.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________


Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/

Address

Jowhar

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share