Ministry of Water and Energy, Hirshabelle.

Ministry of Water and Energy, Hirshabelle. This is the official page for ministry of water & energy Hirshabelle State of Somalia.

Wasaarada Biyaha iyo Tamarta DG Hirshabelle waxay codsi dag-dag ah u direysaa Hayad'daha caalamiga iyo deeq bixiyayaasha...
15/08/2022

Wasaarada Biyaha iyo Tamarta DG Hirshabelle waxay codsi dag-dag ah u direysaa Hayad'daha caalamiga iyo deeq bixiyayaasha si loo faragaliyo xaalada biyo la'aan ee ka jirta dagmooyinka MAXAAS iyo MATABAAN.

22/06/2022

Hadal jeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaarada biyaha iyo tamarta DG Hirshabelle kadib kulan kii is xog wareysiga ee uu la yeeshay Hayad'daha ka shaqeyo arimaha Biyaha.

22-06-2022, BALADWEYNE- Wasaarada Biyaha & Tamarta dowlad DG Hirshabelle ayaa maalintii shalayto aheyd magaalada beledwe...
22/06/2022

22-06-2022, BALADWEYNE- Wasaarada Biyaha & Tamarta dowlad DG Hirshabelle ayaa maalintii shalayto aheyd magaalada beledweyne kulan isugu yeertay Hayad'daha ka shaqeeyo arimaha biyaha ee ka howl gala Gobolka Hiiran.

Kulan oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka socto Hayad'daha Save the Children, Islamic Relief iyo daneeyayaasha kale ee arimaha biyaha ayaa xooga lagu saaray muhiim mada ay lee dahay sidii wasaarada iyo hayad'daha ay uga wada shaqeyn lahaayen ka jawaabista baahiyada biyaha ee ka jira deegaanada Hirshabelle si guud gaar ahaan gobolka Hiran.

Ugu dambeyn, Wasaarada biyaha oo kulan kaas ku matalayay agaasimaha guud ee wasaarada ayaa balan qaaday in wasaaradu si buuxdo ula shaqeyn doonto cid kasta oo daacad ay ka tahay wax ka qabashada baahiyaha biyo ee ka jiro deeganada Hirshabelle.
..DHAMAAD...

12-06-2022, JOWHAR - Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha iyo Tamarta DGHSH Mudane Said Salah Abdirahman ayaa maanta maga...
12/06/2022

12-06-2022, JOWHAR - Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha iyo Tamarta DGHSH Mudane Said Salah Abdirahman ayaa maanta magaalada Jowhar ka daah-furay aqoon is weydaarsi ku aadan arimaha fayadhowrka iyo nadaafadda biyaha kaasi oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday Hayadaha maxaliga ee ka howl gala dagmada Jowhar islamarkaana ka shaqeya arimaha fayadhowrka iyo nadaafadda biyaha.

Si lamida kulan kan oo ay kasoo qeyb galeen madax ka soctay wasaarada biyaha iyo tamarta XFS iyo National WASH CLUSTER waxaana aqoon is weydaarsigan la xiriirs arimaha nadaafada biyaha uu soo gaba-gaboon doona maalinta barito ah.

Agaasimaha ayaa u mahadnaqay wakiilada ka socday wasaarada biyaha iyo tamarta XFS isagoo si lamida u mahadnaqay Hayadda UNICEF oo leh fududeynta aqoon is weydaarsigan.

03/05/2022
19-04-2022, JOWHAR- Waxaa maanta magaalada Jowhar xarunta DG Hirshabelle ka qabsoomay Kulan uu soo qaban qaabiyay Agaasi...
19/04/2022

19-04-2022, JOWHAR- Waxaa maanta magaalada Jowhar xarunta DG Hirshabelle ka qabsoomay Kulan uu soo qaban qaabiyay Agaasimaha Madaxtooyada DG Hirshabelle Mudane xooshow iyadoo Kulankan lagu casuumay agaasimayasha Guud ee Wasaaradaha DG Hirshabelle.

inta kulan ka socday, waxaa warbixin ku saabsan mashaariic da socto, caqabadaha ka jirta iyo sida looga gudbi karo laga dhageystay agaasimayasha guud iyadoo wasaarada biyaha iyo tamarta uu kulankaas ku matalayay Agaasimaha cusub Mudane Saciid Saalax isagoona warbixin buuxda ka bixiyay Mashaaric da socto.

Kulamadan ayaa ah kuwa socan doono maalmaha soo socdo waxaana tani ay qeyb ka tahay isla xisaabtan lagu sameynayo wasaaradaha DG Hirshabelle.

DHAMAAN.

Address

Hanti-wadaag
Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Water and Energy, Hirshabelle. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Water and Energy, Hirshabelle.:

Share