15/04/2026
Khabiir Axmed Libaax Yare oo Bulshada ku Booriyey Kordhinta Wax-soo-saarka Beeraha
Khabiir Axmed Libaax Yare oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha beeraha ayaa bulshada si weyn ugu dhiirrigeliyey inay xoogga saaraan wax-soo-saarka dalagyada kala duwan iyo ka faa’iidaysiga dhulka la beeri karo.
Khabiirka ayaa sheegay in wax-soo-saarka gudaha uu laf-dhabar u yahay horumarka dhaqaale iyo isku filnaanshaha bulshada, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno.
Axmed Libaax Yare ayaa si joogto ah bulshada ugu baraarujiyey muhiimadda beerashada, isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey hababka casriga ah ee wax loo beerto, si kor loogu qaado tayada iyo wax-soo-saarka guud.
Sidoo kale,
waxa uu si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira beeraha, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta wax-soo-saarka dalka.
khabiirku waxa uu adkeeyey in haddii si wadajir ah loo hirgeliyo dadaallada beeraha, ay bulshada gaadhi karto isku filnaansho buuxda iyo horumar waara.
xigasho.Mursal Xigmaawi