Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Government Organization, Road Number 1 Hargeisa, Hargeisa.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐ž๐š๐ฅMadaxweynaha Jamhuuriyadda ...
15/06/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐ž๐š๐ฅ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku guda jira booqashadiisii rasmiga ahayd ee dalka Israaโ€™iil, ayaa maanta kulan taariikhi ah oo heer sare ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Dawladda Israaโ€™iil, Mudane Benjamin Netanyahu, kulan kaas oo astaan u noqday bilowga wejigii ugu muhiimsanaa ee xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโ€™iil.

Madaxweynuhu waxa uu Raysal Wasaaraha Israaโ€™iil uga mahadnaqay goโ€™aanka geesinimada leh, taariikhiga ah, isla markaana leh miisaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ay Dawladda Israaโ€™iil si rasmi ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan oo xor ah 26.12.2025. Arrintan oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furtay halgankii muddada dheeraa ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu jireen xaqiijinta aqoonsi caalamiga ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in goโ€™aankan taariikhiga ahi aanu ahayn oo keliya aqoonsi diblomaasiyadeed, balse uu yahay xaqiijin rasmi ah oo dunida u muujinaysa xaqiiqada siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland, taas oo muddo soddon iyo shan sano ah dunida horteeda ku soo bandhigaysay tusaale guulaystay oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo, xasillooni iyo kala dambayn.

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israaโ€™iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga labada Dal. Heshiiskan taariikhiga ahi waxa uu dhigayaa aasaaska xidhiidh istaraatiiji ah oo waara, isla markaana xoojinaya iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Baaqani waxa uu astaan u yahay bilowga marxalad cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israaโ€™iil ah, isaga oo dejinaya hannaan rasmi ah oo lagu horumarinayo iskaashi qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni, dan-wadaag iyo himilooyin wadajir ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Raysal Wasaaraha Dawladda Isreal Mudane Benjamin Netanyahu guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran oo uu ku mutaystay aqoonsiga buuxa ee ay Dawladdiisu siiyey Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

Xafiiska Warbaahinta Hay'adda Hawl_gabks Iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo dhawayntii taariikhiga ...
14/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo dhawayntii taariikhiga ahayd ee loogu sameeyey dalka Israaโ€™iil kaddib, waxa uu Qasriga Madaxtooyada ee Israaโ€™iil kula hadlay saxaafadda, isaga oo si mug leh ugu mahad naqay Madaxweynaha Israaโ€™iil, Mudane Isaac Herzog, Dowladda Israaโ€™iil iyo shacabka Israaโ€™iil, soo dhawayntii diirranayd iyo maamuuskii heerka sare ahaa ee lagu qaabilay isaga iyo weftigiisa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in booqashadani ay ka tarjumayso qaddarinta iyo is-ixtiraamka ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, isla markaana ay dhidibada u aasayso marxalad cusub oo ku salaysan saaxiibtinimo, iskaashi iyo dano-wadaag.

Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda uga goโ€™an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Dawladda Israaโ€™iil, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, iyo kobcinta is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha labada dhinacba anfacaya

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

Xafiiska Warbaahinta Hay'adda Hawl_gabka Iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland (CSP)

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐€๐‹ ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐ŽAgaasimaha Guud ee  Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland mudane Suleiman M....
19/03/2026

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐€๐‹ ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland mudane Suleiman M. Obsiiye Waxa uu dhambaal hambalyo oo ku aaddan munaasibadda farxadda ee Ciidul-Fidriga u dirayaa shacabka Jamhuuriyadda Soomaalilaan gudo iyo dibedba meel kaste oo ay joogaan iyo dhammaan umadda Islaam kaba.
Agaasimuhu waxa uu hambalyo gaar ah u dirayaa shaqaalaha Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

CIID WANAGSAN

Nairobi, 29 January 2026Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL, *Md. Suleiman Mayg...
29/01/2026

Nairobi, 29 January 2026

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL, *Md. Suleiman Maygag Obsiiye*, iyo masuuliyiin sar sare oo ka mid Dawladda Somaliland ayaa Nairobi kaga qayb-galay shir saddex maalmood soconaya oo ku saabsan dib-u-qaabayn iyo dib u eegis lagu samaynaayo, Mashruuca SERP ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.

Mashruucan oo xoojinayaa, isla-xisaabtanka, daah-furnaanta, kobcinta iyo dib u habaynta Hayโ€™addaha kala duwan ee bahda Maamul wanaagga, Maaliyadda, Shaqaalaha Dawladda, Hanti-dhawr-ka Guud, Qandaraasyadda iyo Golaha Wakiillada JSL.

Shirkan waxaa lagu lafo gurayaa waxqabadkii sanadkii h**e, sidoo kale, waxa laga dooddi doonaa suurto galnimada in wax-ka-beddel lagu sameeyo qaybaha kala duwan ee Mashruucu ka kooban yahay.

Agaasimaha Guud waxaa shirka ku wehelinaya;
1. Guddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada
2. โ Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda,
3. Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaagga
4. โ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
5. โ Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
6. โ Xidhiidhiyaha Mashruuca SERP ee Somaliland
7. โ iyo saraakiil kala duwan oo ka kala socday Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha,
8. โ Iyo kooxda fulinta mashruuca SERP oo fadhigoodu yahay Magalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Tababar ku saabsan  Maamulka iyo  Maareynta Shaqada.Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/01/2026, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™add...
19/01/2026

Tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/01/2026, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Suleiman Maygag Obsiiye ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta u qabtay Agaasime Waaxeedyada Hay'adda. Agaasimaha oo ku dheeraaday muhiimadda ay hoggaaminta hufan iyo maamul wanaaggu u leeyihiin tayaynta adeegyada hayโ€™adda iyo kor u qaadidda kalsoonida shaqaalaha.
Tababarkan waxaa bixiyay *Aqoonyahan, Cabdiraxmaan Cali Xirsi *, kaas oo si qoto dheer uga hadlay doorka hoggaamiyaha wanaagsani ku leeyahay, maaraynta shaqada iyo shaqaalaha, goโ€™aan-qaadashada, iyo horumarinta wax-qabadka hayโ€™adaha dawliga ah.

Tababarkan ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka beddelo xirfadaha hoggaamineed iyo kartida maamulka ee agaasime-waaxeedyada, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta shaqada hayโ€™adda guud ahaan.

Xafiiska Isgaadhsiinta
& Xidhiidhka Dadweynaha

19/01/2026

Tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/01/2026, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Suleiman Maygag Obsiiye ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta u qabtay Agaasime Waaxeedyada Hay'adda. Agaasimaha oo ku dheeraaday muhiimadda ay hoggaaminta hufan iyo maamul wanaaggu u leeyihiin tayaynta adeegyada hayโ€™adda iyo kor u qaadidda kalsoonida shaqaalaha.
Tababarkan waxaa bixiyay *Aqoonyahan, Cabdiraxmaan Cali Xirsi *, kaas oo si qoto dheer uga hadlay doorka hoggaamiyaha wanaagsani ku leeyahay, maaraynta shaqada iyo shaqaalaha, goโ€™aan-qaadashada, iyo horumarinta wax-qabadka hayโ€™adaha dawliga ah.

Tababarkan ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka beddelo xirfadaha hoggaamineed iyo kartida maamulka ee agaasime-waaxeedyada, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta shaqada hayโ€™adda guud ahaan.

Xafiiska Isgaadhsiinta
& Xidhiidhka Dadweynaha

Magacaabis Xilal Arbaca 14, 01-026Agaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Mudane,Suleim...
14/01/2026

Magacaabis Xilal Arbaca 14, 01-026

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Mudane,
Suleiman Maygag Obsiiye oo maanta magacaabay Agasimayaasha Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD

31/12/2025

Munaasibadda curashada sannadka cusub ee 2026 awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD.

Waxaan Alle SWT ka rajaynayaa in sannadkan cusub uu inooga dhigo sanadkii ictitaafka , horumarka, barwaaqada iyo badhaadhaha.

Aamiin yaa Allah

๐€gaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD

28/12/2025

Agaasimaha Guud Ee Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ayaa Ka Qayb Galay Dabaal Dega Gobolka Gebilay Loogu Dabaal Degayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland Ay Heshay.

Halkaas Oo Maanta La Iskugu Soo Baxay Sidii Ay Ku Muujin Lahaayeen Farxadda Guusha Aynu Gaadhnay Laguna Dabaal-Degi Lahaa .

20/12/2025

Hayโ€™adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee degmooyinka ceel-afwayn iyo garโ€™adag

Address

Road Number 1 Hargeisa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share