Saed Mohamed Burale

Saed Mohamed Burale official page of Minister of Investment and Industrial Development of the Republic of Somaliland, HE Saed Mohamed Burale

This is the official Facebook account of Minister of Investment and Industrial Development of the Republic of Somaliland Saed Mohamed Burale

  Daahfurka Rasmiga Ah Ee Hagaha Maalgashiga Qaranka 2025.
20/09/2025

Daahfurka Rasmiga Ah Ee Hagaha Maalgashiga Qaranka 2025.

20/09/2025

"Maanta Waxaan Soo Bandhigayna Hagahii Maalgashiga Qaran Lagu Maamuli Lahaa" Wasiir Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saed Mohamed Burale ayaa sharaxaya

Wasiirka Maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland Saed Mohamed Burale  ayaa ka qeybgalay kulan lagaga hadlayay...
01/09/2025

Wasiirka Maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland Saed Mohamed Burale ayaa ka qeybgalay kulan lagaga hadlayay iskaashiga ay yeelanayaan labada wasaaradood Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha.
Kulanka Ayaa ujeeddadiisu ahayd Sidii Loo Xoojinlaha Wada Shaqeyn Iyo Hufnaan Dhex Marta labada wasaaradood, Loogana Duuli Lahaa Sidii Loo Hirgalin lahaa Horumar Waara Oo ku Saabsan Dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga dalka.
Labada wasaaradood waxay isku raaceen in iskaashiga joogtada ahi uu noqon doono tiir muhiim u ah koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka, iyadoo arrintaasna loo saaray guddi ka kooban labada dhinac oo hagaya fulinta qodobadii lagu heshiiyey.
Kulankan Ayaa ku soo dhamaaday Is Afgarad Iyadoo Loo Balamay Kulamo Kale.

31/08/2025

Wasiirka Maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland Saed Mohamed Burale ayaa soo dhaweeyey fikir cusub ee uu la yimid Bangiga WADAAG ee ah in bulshada wax wada yeelato

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada...
31/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka kala socday dalal iyo qaarado kala duwan; sida Afrika, Asia, USA iyo Yurub (Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India iyo Austria) weftigaasi waxa hoggaaminayey PLO Lumumba Foundation.
Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen sidii loo maalgashan lahaa fursadaha badan ee dihin ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa weftiga soo dhaweeyey, kuna dhiirrigeliyey in ay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Tamarta , Wax-soo-saarka iyo Kheyraadka dabiiciga ah, kuwaasi oo ah fursado ballaadhan oo dihin oo u baahan in la maalgashado isla markaana loo rogo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulshada JSL u horseeda horumar la taaban karo.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka jirto nabad, xasillooni, deggenaansho siyaasadeed oo la isku hallayn karo, maamul hufan iyo hannaan dimuqraadi ah, taasi oo suurto-gelinaysa in la sameeyey maalgashi waxtar u leh labada dhinacba.
Iyaguna dhinacooda, weftigan ballaadhan ee ka kala yimid qaarado iyo dalal kala duwan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-naqay soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada midho-dhalka ah.
Waxa ay ballan qaadeen in ay si mug leh u darsi doonaan fursadaha kala duwan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta, wax-soo-saarka, khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyaga oo ka marag-kacay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasilooni iyo degganaansho siyaasadeed oo dhiirri gelin karta, soona jiidan karta maalgashiga caalamka.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

  𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐇𝐮𝐭𝐞𝐞𝐥 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐜𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐤𝐮 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐞𝐲𝐢...
25/08/2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐇𝐮𝐭𝐞𝐞𝐥 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐜𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐤𝐮 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐞𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐚: 𝐒𝐞𝐫𝐞𝐧𝐞 𝐒𝐀𝐑𝐀𝐕𝐎𝐑 𝐏𝐑𝐄𝐌𝐈𝐄𝐑 (𝟓 𝐒𝐭𝐚𝐫)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta xadhigga ka jaray Huteel Cusub oo Casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Huteelkan isaga ah oo guud ahaan noociisu ku cusub yahay geyiga ay Soomaalidu degto, ayaa loo dhisay hab tayo sare leh oo loogu talo galay in uu la jaanqaado isla markaaba uu buuxiyo habka lagu qiimeeyo
darajada Huteellada Caalamka. Huteelkani waa mid ay darajediisu tahay 5 Xiddigood (5 Star).
Munaasibadda xadhig-ka-jarka Huteelka Serene SARAVOR PREMIER waxa kale oo ka hadlay Mulkiilaha Huteelka, Maamulaha Guud ee Shirkadda SARAVOR PREMIER ee Caalamka; Mayorka Caasimadda Hargeysa iyo Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, kuwaasi oo ku dheeraday faa’iidada uu Huteelkani u leeyahay Qaranka Somaliland, xag sumcadeed iyo xag ku-soo-hirashaba.
Madaxweynaha oo hadal qiimo leh ka jeediyey munaasibadda furitaanka Huteelka SARAVOR PREMIER ayaa sheegay in maalgashigani uu yahay astaan cad oo muujinaysa horumarka, koboca dhaqaalaha iyo kalsoonida maal-gashadayaashu ay ku qabaan nabadda, xasilloonida iyo hoggaanka siyaasadeed ee Somaliland.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in Huteellada casriga ahi ay muhiimad weyn u leeyihiin kobcinta Dalxiiska, marti-gelinta Shirarka Caalamiga ah iyo wanaajinta tayada adeegyada bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu si mug leh u bogaadiyey uguna mahad naqay Mulkiilaha maalgeliyey Huteelkan cusub, Mudane Cabdikariim Maxamed Iid, isaga oo ganacsatada kalena ku dhiirrigeliyey in ku daydaan oo ay dalkooda ku maalgashadaan Mashaariic waxtar u leh dalka iyo dadkaba oo horumar, shaqo abuur iyo bilic u soo kordhiya Somaliland.
Huteelkan Casriga ah ayaa dhismihiisu uu socday muddo 9 sannadood ah, waxana uu ka kooban yahay 134 qol oo loo goglay si heer sare ah iyo adeegyo heer caalami ah.
Sidoo kale, Huteelka SARAVOR PREMIER waxa lagu dhisay naqshad qurux badan oo farsamo casri, taasi oo si weyn uga turjumaysa muuqaalka cusub ee la yaabka leh ee ku soo biiray caasimadda Hargeysa.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

25/08/2025

"Madaxweyne waxaan halkan ka dareemayaa saansaankii Icitraafka Somaliland iyo halkii aynu ku qaabili lahayn in aynu hoy u helnay oo u haysano Ictiraafkii ” Wasiirka Maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland Saed Mohamed Burale

25/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wehelinayo Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland ayaa xadhigga ka jaray Huteel Casri ah oo uu noociisu ku cusub yahay geyiga Soomaalida: Serene SARAVOR PREMIER (5 Star).

16/08/2025

Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saed Mohamed Burale Ayaa Kala Wareegay Maamulka Gobalka Togdheer Iyo Ka Degmada Burco Dhul Loogu Tallo-galley Aaga Warshadaha Gobalka Togdheer.

  : Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane siciid maxamed buraale ayaa si rasmi ah ugala wareegay Mayo...
16/08/2025

: Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane siciid maxamed buraale ayaa si rasmi ah ugala wareegay Mayorka degmada iyo Guddoomiyaha gobolka dhulka loo asteeyay Aagga Warshadaha ee Gobolka Togdheer. Dhulkan, oo loogu talagalay in uu noqdo xarun isku keenta warshadaha waxaa laga hirgelin doonaa dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hawlgalka warshadaha.

Qorshahan Aagga Warshadaha ee Togdheer waxaa si diirran u soo dhaweeyay bulshada deegaanka, kuwaas oo muujiyay diyaar-garow buuxa oo ay ku taageerayaan hirgelinta mashaariicda maalgashi iyo warshadeed ee halkaas laga fulin doono.

Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saed Mohamed Burale  ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabiley Agaasimaha Gu...
13/08/2025

Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saed Mohamed Burale ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabiley Agaasimaha Guud ee shirkadda Favori Airports oo fadhigeedu yahay dalka Turkey.
Kulanka ayaa Lagaga Hadley Fursadaha iskaashi iyo maalgelin ee ku saabsan horumarinta kaabayaasha duulista iyo adeegyada garoomada diyaaradaha ee dalka.

  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Siciid Maxamed Buraale ayaa Shirkii Golaha Wasiirada kusoo ...
13/08/2025

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Siciid Maxamed Buraale ayaa Shirkii Golaha Wasiirada kusoo bandhigay xeerka ganacsiga Dawlada iyo Shirkadaha Gaarka ah ee Somaliland.
𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬-𝐠𝐚𝐫𝐚𝐛𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 (𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐏𝐫𝐢𝐯𝐚𝐭𝐞 𝐏𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬𝐡𝐢𝐩-𝐏𝐏𝐏)
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerkan hor yaallaa uu noqon doono AALAD MUHIIM AH oo Qaranka JSL u furaysa fursado cusub oo lagu gaadho Horumar Dhaqaale. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xeerkani uu innoo oggolaanayo in Xukuumaddu iskaashi istiraatiji ah la samayso Ganacsiga Gaarka loo leeyahay, taasina ay innoo horseedi doonto maalgelin dheeraad ah, khibrad farsamo iyo teknoolajiyad casribah.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerkani uu awood u siinayo in Xukuumadda iyo Shirkadaha gaarka ahi ay si wadajir ah u fuliyaan Mashaariic waaweyn oo Qaranka JSL muhiim u ah, iyada oo la wadaagayo faa’iidada iyo khasaarahay.

Address

Shacab Area, Behind Taiwan Embassy, 26 June District, Hargeisa, MJ
Hargeisa
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saed Mohamed Burale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share