New Hargeisa Public Library

New Hargeisa Public Library Rugta Kutubta ee New Hargeisa

Alle ha unaxariisto Marxuum Cabdillaahi Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxa aan tacsi u dirayaa dhammaan ...
22/08/2026

Alle ha unaxariisto Marxuum Cabdillaahi Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxa aan tacsi u dirayaa dhammaan qoyskii iyo carruurtiisii Saeed Abdullahi Dualeh, Mohamed Abdillahi Dualeh, Khalid iyo Abdiaziz A. Dualeh iyo dhammaan bahda New Hargeysa library.

Marxuumka waxa lagaga tukanayaa masjidka tabliiqa salaadda cishe. Waxaana lagu aasayaa xabaalaha halleeya.

Alle ha unaxariisto.

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka – 12-ka Agoosto.Dhallinyaradu waa awoodda maanta iyo hoggaamiyeyaasha berri. Wa...
12/08/2026

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka – 12-ka Agoosto.

Dhallinyaradu waa awoodda maanta iyo hoggaamiyeyaasha berri. Waa jiilka leh fikradda, tamarta iyo hal-abuurka lagu dhisi karo bulsho horumarsan oo nabad iyo barwaaqo ku dhisan.
Maalintan waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dhallinyarada dunida, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo dadaal ugu jira aqoon, shaqo, hal-abuur iyo horumar.
Dhallinyaro mideysan, aqoon leh oo himilo dheer leh waa mustaqbal ifaya. - Cabdi Faysal

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka. 🌍


Maktabadda New Hargeysa iyo Gorfeynta buugga wakhtiga ee uu Dr. Qardaawi qoray.
20/06/2026

Maktabadda New Hargeysa iyo Gorfeynta buugga wakhtiga ee uu Dr. Qardaawi qoray.

Caawa barmaamijkan ayaa inoo jira insha Allah. Kasoo qayb gal wanaagsan.
19/06/2026

Caawa barmaamijkan ayaa inoo jira insha Allah.
Kasoo qayb gal wanaagsan.

Maalinta Khamiista Habeennimada jimcuhu soo galayo waxa Rugta Akhriska New Hargeysa ka dhacaya Gorfeynta buugga Wakhtiga...
16/06/2026

Maalinta Khamiista Habeennimada jimcuhu soo galayo waxa Rugta Akhriska New Hargeysa ka dhacaya Gorfeynta buugga Wakhtiga ee Nolosha muslimka ah.

Kasoo qaybgal wanaagsan.

Buugga: قلادة مردوخ / Siliskii Marduukh.Bog :529Qoraa: Axmed Sacaaddadiin , reer Masar ah.Turjume: Raan Shiikh Maanta wa...
15/06/2026

Buugga: قلادة مردوخ / Siliskii Marduukh.
Bog :529
Qoraa: Axmed Sacaaddadiin , reer Masar ah.
Turjume: Raan Shiikh

Maanta waxaan soo dhammaystay akhriska buugga Siliskii Marduukh oo ka kooban 529 bog.

Buuggani wuxuu ahaa safar dheer oo i dhex mariyey ilbaxnimooyin h**e, boqortooyooyin, dagaallo, iyo dhacdooyin taariikheed oo kala duwan. Waxa ugu badan ee i soo jiitay ayaa ahaa sida qoraagu ugu guulaystay inuu isku xidho dhacdooyin aad u kala fog iyo jilayaal taariikhda caan ku ah, isaga oo sheekada ka dhigaya mid xiiso leh oo aan la saadaalin karin.
Intii aan akhrinayay, waxaan la kulmay magacyo iyo dhacdooyin badan oo aan h**e wax yar uga ogaa, balse buuggu wuxuu igu dhiirrigeliyey inaan sii baadho taariikhdooda. Waxa kale oo uu iga dhaliyey su'aalo badan oo ku saabsan sida ay dhacdooyinka taariikhdu isugu xidhan yihiin iyo saamaynta ay dunida ku yeesheen.

waa sheeko faneed si farshaxan sarraysa loo qoray, iskuna darsatay taariikh, mala-awaal (fantasy), qarsoodi, iyo tacabur.

Buuggu wuxuu ku wareegayaa silsilad qadiimi ah oo la yidhaahdo “Siliskii marduukh”, taas oo la rumaysan yahay inay xambaarsan tahay habaar iyo sir qarniyo badan soo jiray.
Sheekadu kuma koobna hal xilli ama hal goob oo keliya, balse waxay akhristaha la dhex mushaaxaysaa ilbaxnimooyin iyo waqtiyo kala duwan, laga bilaabo Baabiloonkii h**e ilaa uu ku dhammaado xilligii madaxweynihii Maraykanka, John F. Kennedy.

Buuggu waxa uu si cajiib ah iskugu xidhayaa dhacdooyin taariikheed oo kala durugsan, isaga oo dhex gelinaya siro qadiimi ah, khuraafaad, aragtiyo shirqool, iyo dhacdooyin dhab ah oo taariikhda dunida raad ku yeeshay, waxayna isaga dabqaadaysaa taariikho kala durugsan iyo dhacdooyin saamayntooda lahaa.

Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee buuggan waxaa ka mid ah:
• Taariikhda ilbaxnimadii Baabiloon.
• Khuraafaadka iyo ilaaha Marduukh.
• Awoodda, hunguriga, iyo cawaaqibta rabitaanka xukunka.
• Siraha qadiimiga ah iyo habaarka qarsoon.
• Isku xidhka dhacdooyin taariikheed oo kala duwan.

Marka aad bogga ugu horreeya bilowdo, way adag tahay inaad dhigto ilaa aad ka gaadho bogga ugu dambeeya. Inta lagu jiro akhriska, waxa aad helaysaa aqoon iyo faham dheeraad ah oo ku saabsan taariikhda, siyaasadda, iyo aragtiyaha shirqoolka ee dunida.

Gunaanad, Waa buug mudan in la akhriyo, gaar ahaan qof kasta oo xiiseeya sheekooyinka ku qotoma taariikhda iyo siraha qadiimiga ah.

10/10000.
W/Q: Selma Abdirisak

Ciid wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal. Farxad iyo barwaaqo ku ciida.
26/05/2026

Ciid wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal.
Farxad iyo barwaaqo ku ciida.

WAR-SAXAAFADEED. Dadweynaha iyo Akhristayaasha ku xidhan Rugta Akhriska New Hargeysa waxaa la ogaysiinayaa in hadda wixi...
21/04/2026

WAR-SAXAAFADEED.
Dadweynaha iyo Akhristayaasha ku xidhan Rugta Akhriska New Hargeysa waxaa la ogaysiinayaa in hadda wixii ka dambeeya adeegyada maktabadda si bilaash ah ku heli karaan, isla markaana aan wax lacag ah lagu galayn guud ahaan. Taas oo loogu talo galay dhallinyarada iyo ardayda aan awoodeyn inay lacag ku galaan maktabadda.

Allaa Mahad Leh.
Maamulka NHPL.

13/03/2026

Gorfeynta buugga Islaamka iyo Mushkilada dhallinyarada. Ustaad Cabdixakiin Obsiiye.
Qaybta koobaad. 👇

12/03/2026

Muuqaaka barmaamijka saameynta dagaalka bariga dhexe.
Daawasho habboon.
Degel Tv
Shucayb Hassan Dheere 📸

Address

New Hargeisa
Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when New Hargeisa Public Library posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to New Hargeisa Public Library:

Shortcuts

Share

Category