09/04/2026
Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay Macallimad Umalkhayr Khadar oo ka mid ah macallimiinta Dugsiga Abdaal ee Mandheera, gaar ahaan qaybta barbaarinta. Kulankan wuxuu ahaa mid qiimo gaar ah leh, waxaana si weyn ugu farxay inaan la kulmo macallimad muujisay dadaal, karti iyo damqasho ardayeed.
Waxaan si gaar ah ugu ammaanayaa Macallimad Umalkhayr Khadar kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta ardayda yaryar. Waxay tusaale u tahay macallin leh dulqaad, daacadnimo iyo hal-abuur, taas oo ka dhigaysa mid ku dayasho mudan.
Waxaan carrabka ku adkaynayaa in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulsho kasta, halka macallinku yahay udub-dhexaadka nidaamka waxbarasho. Dadaalka ay macallimaddu ku bixisay waxbaridda ardayda ma aha oo keliya gudbinta casharro, balse waxa uu si qoto dheer uga tarjumayaa barbaarinta akhlaaqda, edebta iyo masuuliyadda.
Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland dadaalka hagar laโaanta ah ee ay ugu jiraan kobcinta aqoonta iyo anshaxa ardayda. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa macallimiinta muujiya daacadnimo, dulqaad iyo hal-abuur, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waxbarashada dalka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ka goโan dhiirrigelinta, taageeridda iyo horumarinta macallimiinta, si loo helo nidaam waxbarasho oo tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.