Shucayb Osman Mahamoud

Shucayb Osman Mahamoud Bogga Rasmiga Ah ee Agaasimaha Guud Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Jsl Dr Shucayb Osman Mahamoud

Waxaan maanta furey tababar loo qabtay hawlwadeennada iyo shaqaalaha Wasaaradda, kaas oo ku saabsanaa amniga khataraha i...
12/04/2026

Waxaan maanta furey tababar loo qabtay hawlwadeennada iyo shaqaalaha Wasaaradda, kaas oo ku saabsanaa amniga khataraha internetka iyo hab-maamulka miisaaniyadda dawladda.

Tababarkan oo ay soo abaabushay Waaxda Cudduda Shaqaaluhu, waxa bixinayey Xamse Muxumed Faarax oo ku takhasusay ka hortagga dambiyada internetka iyo nidaamyada maaliyadeed ee dalka.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo xoojiyo amniga xogta iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee Wasaaradda.

09/04/2026

Qodobo Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Xaflada Heshiiska Lagu Kala Saxeexday Mashruuca Balaadhinta Korontada Berbera.

Hargaysa-08-04-2026Shirka Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL.Maanta waxa hoolka shirarka ee Wasaar...
08/04/2026

Hargaysa-08-04-2026
Shirka Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL.

Maanta waxa hoolka shirarka ee Wasaaradda ka qabsoomay shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda oo aan shir-guddoominayey Shirkan ayaa lagu ansixiyey shaqooyinkii h**e u qorshaysnaa, kuwaas oo si habsami ah u qabsoomay. Sidoo kale waxa lagu dejiyey jadwalka iyo wakhtiga fulinta shaqooyinka.

03/04/2026

Maanta waxaan magaalada nairobi kaga qayb galey qado sharaf si heer sare ah uu u soo agaasimey Mr kamal hussein oo usharaxan xildhiban Kenya ah isagoo uu ku maamuusay Safiirka Somaliland ee Kenya, iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka, agaasimayaal, iyo masuuliyiin kale oo safar shaqo ku joogay Jamhuuriyadda Kenya.

Munaasabadda qado sharafta ah waxaa sidoo kale si mug leh uga soo qayb galay hogamiyayaal bulsho, wayeel, dhalinyaro, ganacsato waaweyn oo reer Kenya ah, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar.

Kulankani wuxuu ahaa mid heerkiisu sarreeyo oo xambaarsanaa qiime weyn, laguna xoojiyay iskaashi, is-dhexgal, iyo horumarinta xidhiidh wanaagsan oo waara.

Waxaan ka qayb galey Tobobar ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamh...
02/04/2026

Waxaan ka qayb galey Tobobar ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baanka Aduunka oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Nairobi 02 April, 2026 Tababarkan oo laba weji lahaa, ayaa wajigiisii koowaad ka qabsoomay magaalada Hargeysa, halka wajigiisa labaad lagu soo gunaanaday magaalada Nairobi.

Tobobarkan ayaa diiradda lagu saarayay laba arrimood oo muhiim ah:
wajigii koowaad wuxuu ku saabsanaa xoojinta hufnaanta maaliyadeed, ka hortagga musuqmaasuqa, iyo kor u qaadidda ilaalinta nidaamyada maaliyadeed; halka wajiga labaad uu ku saabsanaa xoojinta awoodda hirgelinta mashaariicda, sida maaraynta maaliyadda (FinancialManagement), iibsiga (procurement), kormeerka iyo qiimeynta (M&E), ilaalinta deegaanka iyo bulshada (Environmentaland Socia), iyo kor u qaadista xidhiidhka daneeyayaasha mashaariicda (Project Stakeholders).

Tobobaradan waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Haayadaha ay ka socdaan mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunku, isku-duwayaasha mashaariicda (Project Coordinators), iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha dawladda ee ku lugta leh hirgelinta mashaariicda.

Tobobaradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda, si loo horumariyo waxqabadka iyo hufnaanta mashaariicda horumarineed ee Somaliland.

𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑻𝒂𝒎𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒄𝒅𝒂𝒏𝒕𝒂 𝑱𝑺𝑳 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒔𝒂𝒙𝒆𝒆𝒙𝒅𝒂𝒚 𝒒𝒂𝒏𝒅𝒂𝒓𝒂𝒂𝒔𝒌𝒂 𝒌𝒐𝒓𝒐𝒏𝒕𝒐-𝒃𝒂𝒍𝒂𝒂𝒅𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂 𝒎𝒂𝒈𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒂 𝑩𝒆𝒓𝒃𝒆𝒓𝒂, 𝒌𝒂𝒂𝒔 𝒐𝒐 𝒂𝒚 𝒌𝒖 𝒈𝒖𝒖𝒍...
29/03/2026

𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑻𝒂𝒎𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒄𝒅𝒂𝒏𝒕𝒂 𝑱𝑺𝑳 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒔𝒂𝒙𝒆𝒆𝒙𝒅𝒂𝒚 𝒒𝒂𝒏𝒅𝒂𝒓𝒂𝒂𝒔𝒌𝒂 𝒌𝒐𝒓𝒐𝒏𝒕𝒐-𝒃𝒂𝒍𝒂𝒂𝒅𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂 𝒎𝒂𝒈𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒂 𝑩𝒆𝒓𝒃𝒆𝒓𝒂, 𝒌𝒂𝒂𝒔 𝒐𝒐 𝒂𝒚 𝒌𝒖 𝒈𝒖𝒖𝒍𝒂𝒚𝒔𝒂𝒕𝒂𝒚 𝒔𝒉𝒊𝒓𝒌𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑺𝑰𝑵𝑶𝑺𝑶𝑨𝑹.

-------------------------------------------------------------------------------------------------------

Munaasibad ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , oo aanu goobjoog ahayn aniga iyo Wasiirka Wasaaradda, Eng. Axmed Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta , Maxamed Maxamuud Cabdi(Malow), madaxda shirkadda korontadda magaalada Berbera, Unugga fulinaya mashruuca soo kabashada korontadda Somaliland ee SESRP, iyo Qandaraaslaha (Contractor), ayaan saaka si rasmi ah u saxeexay qandaraaska koronto-ballaadhinta magaalada Berbera. Mashruucan oo uu h**e u dhagax dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Mashruucan koronto-balaadhinta magaalada Berbera waxa uu leeyahay awood dhan 12MWp Solar PV Power Plant, 36MWh Battery Energy Storage System (BESS) oo ah baytariyada kaydinta korontadda, iyo xadhiga korontadda qaada oo dhererkiisu dhan yahay 13.5 km.

Mashruucan, oo uu maalgelinaayo Bangiga Adduunka, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, waxa uu ujeedkiisu yahay in bulshada Berbera ay hesho koronto jaban, badqabta, la isku halayn karo, isla markaana ka timaadda illo nadiifa, taasi oo isbadal dhaqan dhaqaale ku keeni doonta magaalada Berbera.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaan aniga iyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu , kula dardaaranay qandaraaslaha ku guulaystay shaqadan inuu ilaaliyo tayada shaqada, isla markaana ku dhammeeyo muddada loo cayimay, si bulshada Berbera ay u hesho koronto jaban, badqab leh isla markaana la isku halayn karo. Taasi oo magaalada u soo jiidi doonta maalgashi maxalli ah iyo mid caalami ahba, maadaama ay korontadu tahay aasaaska nolosha isla markaana ay halbeeg u tahay kobaca dhaqan-dhaqaale ee horumarka dalka.

Gabagabadii, qandaraaslaha ku guulaystay mashruuca koronto-balaadhinta magaalada Berbera ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono tayada shaqada, isla markaana ku dhammayn doono muddada loo cayimay, si loo gaadho yoolka mashruuca oo ah in bulshada Berbera hesho koronto jaban, badqabta, la isku halayn karo isla markaana ka timaadda ilo nadiifa oo deegaanka la saaxiib ah.

28/03/2026

Waxaan saaka oo sabti ah madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxda shirkada (australia EAU mining) oo ah shirkada ugu weyn dalkaas ee badhista macadanaha taas oo dhawaan sahamin wayn ka bilaabi doonta gudaha Somaliland.

27/03/2026

Muuqaal soo koobaya waxqabadkii Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL ee Sannadkii 2025.

Waxaan ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi laba maalmood ah oo ka qabsoomay Hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa, kaas oo l...
25/03/2026

Waxaan ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi laba maalmood ah oo ka qabsoomay Hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu xoojinayay hufnaanta maaliyadeed iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee mashaariicda Bangiga Adduunku taageero.

Ciid mubaarak.
19/03/2026

Ciid mubaarak.

𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙏𝙖𝙢𝙖𝙧𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙈𝙖𝙘𝙙𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙅𝙎𝙇 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙭𝙚𝙚𝙭𝙙𝙖𝙮 𝙦𝙖𝙣𝙙𝙖𝙧𝙖𝙖𝙨𝙠𝙖 𝙠𝙤𝙧𝙤𝙣𝙩𝙤-𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙗𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙚𝙚 𝙜𝙤𝙗𝙤𝙡𝙡𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙧𝙤𝙤𝙙...
08/03/2026

𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙏𝙖𝙢𝙖𝙧𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙈𝙖𝙘𝙙𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙅𝙎𝙇 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙭𝙚𝙚𝙭𝙙𝙖𝙮 𝙦𝙖𝙣𝙙𝙖𝙧𝙖𝙖𝙨𝙠𝙖 𝙠𝙤𝙧𝙤𝙣𝙩𝙤-𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙗𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙚𝙚 𝙜𝙤𝙗𝙤𝙡𝙡𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙧𝙤𝙤𝙙𝙞-𝙟𝙚𝙚𝙭, 𝘼𝙬𝙙𝙖𝙡, 𝙎𝙖𝙖𝙭𝙞𝙡, 𝙏𝙤𝙜𝙙𝙝𝙚𝙚𝙧 𝙞𝙮𝙤 𝙎𝙖𝙣𝙖𝙖𝙜.

Waxaan si rasmi ah u saxeexay qandaraaska koronto-gelinta xarumaha waxbarashada (iskuullada) munaasibad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, taas oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda.

Mashruucan koronto-gelinta xarumaha waxbarashada ee gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Togdheer, Saaxil iyo Sanaag ayaa ujeedadiisu tahay in koronto ku filan la gaadhsiiyo iskuullada si loo tayeeyo loona kordhiyo tayada waxbarashada, sidoo kalena loo kordhiyo xilliyada waxbarashada, taas oo suurto-gelin doonta in waxbarashadu socoto habeen iyo maalinba.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunku, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, waxa uu koronto ku filan oo la isku halayn karo siin doonaa xarumo waxbarasho oo tiradoodu gaadhayso 57 iskuul oo ku kala yaalla gobollada dalka.

Mashruucani waxa uu rakibi doonaa nidaamka cadceedda (solar) iyo baytariyo, taas oo fududayn doonta isticmaalka qalabka casriga ah sida kombiyuutarrada, nalalka iyo shaashadaha casharrada laga daawado xilliyada uu macallinku maqan yahay. Arrintani waxay kor u qaadi doontaa tirada ardayda iyo tayada waxbarashada, sidoo kalena waxay suurto-gelin doontaa in iskuulladu shaqeeyaan habeen iyo maalinba.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa kula dardaarmay qandaraaslaha ku guulaystay shaqadan inuu ilaaliyo tayada shaqada isla markaana ku dhammeeyo muddada loo cayimay, si iskuulladaasi u helaan koronto bilaash ah, la isku halayn karo isla markaana nadiif ah oo aan waxyeello u geysan deegaanka.

Gabagabadii, qandaraaslaha ku guulaystay mashruuca koronto-gelinta iskuullada ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono tayada shaqada isla markaana ku dhammayn doono muddada loo cayimay, si loo gaadho yoolka mashruuca oo ah in xarumaha waxbarashadu helaan koronto bilaash ah, la isku halayn karo isla markaana ka timaadda ilo nadiif ah oo aan waxyeello u geysan deegaanka.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋.Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxa...
01/03/2026

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kormeer noogu yimi Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , waxana halkaasi ku soo dhaweeyey aniga iyo wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaarada.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa mid mid u kormeeray waaxaha kala duwan ee ay Wasaaraddu ka kooban tahay iyo sida ay shaqadu uga socoto.

Intaas kaddib, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenka aniga iyo wasiirku kulan kula qaadanay xafiiska wasiirka waxaana aanu Madaxweyne ku-xigeenka uga xog warramnay hab-sami-u-socodka shaqooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu uga masuulka tahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shucayb Osman Mahamoud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share