19/11/2025
Cod-bixin ciwaankeedu ahaa “Ma is leedahay 2026-ka dalka Madaxweyne ayuu ka noqon karaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur si uu u mideeyo umadda Soomaaliyeed ee ku dhow in ay kala tagaan?” oo ay 14-kii bishaan dadka ku xiran weydiisay Sabakadda Warbaahinta Shabeelle ayay ka qeyb galeen kana fal-celiyeen dad ku dhow 8,000 oo ruux kuwaas oo %82.1 u codeeyeen in Warsame mudan yahay una qalmo hoggaaminta dalka.
Dadka taageeray, waxa ay ku doodeen inuu yahay hoggaamiye fahan iyo aqoon durugsan u leh arrimaha siyaasaddda gudaha, gobolka iyo dibaddaba, inuu yahay siyaasi afkaartiisu caddahay, mabd’iisu sugan yahay oo meel loogu hagaago leh, in laga daalay siyaasadda danaysiga ku dhisan iyo siyaasiyiinta dan-u-muraasiga kaliya ku suntan, isla-markaana kalkaan Soomaaliya u baahan tahay hoggaan aan xoola doon ahayn oo danta guud ka hormariya tan gaarka ah, awoodna u leh inuu mideeyo bulshada, dejiyo jihada dalka, kana shaqeeya caddaalad iyo xaqsoor loo siman yahay.
Dhanka kale, 17.9% ka mid ah codeeyayaasha ayaa sheegay in uusan mudnayn. Waxa ay la yimaadeen doodo kala duwan, qaar waxa ay sheegeen in Cabdiraxmaan ku fiican yahay mucaaradnimada iyo inuu bannaanka ka saxo qaladaadka dowladda oo aan taas looga maarmin, qaar kale, waxa ay dooddooda sal uga dhigeen in waqtiga uu mucaaradnimada galiyo uusan ololihiisa xil-doonka galin, haka kuwo kale ku diideen qabiilkiisa, doodihiisa badan, hadalladisa ad-adag iyo inuu inta badan yahay mucaarad aan is-beddelin.