Bar-Qoraal

Bar-Qoraal Bar-Qoraalka Maxamed Fu'aad Xasan Dhago-Cadde

05/01/2020

Sheeko gaaban: Waan noolee ha i aasina!

Diyaarad waday siyaasiyiin badan ayaa xumaatay, waxay hawada meeraysataba aakhirkii waxay ku dul dhacday dhul beero badani ku yaalaan oo dhanka koonfureed ee magaalada ah.

Inyar kadib meeshi waxa soo gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah ee police-ka oo ay saaran yihiin hawl wadeenadii caafimaadku. Waxay waayeen hal qof oo diyaaradda saaran dhaawac iyo dhimashaba. Waxay u yeedheen dadkii beeralayda ahaa ee meesha deganaa iyagoo waydiinaya dadkii diyaaradan dhacday saarnaa. Waxay u sheegeen inay aaseen dhammaantood. Hawl wadeenadii gurmadku waxay waydiiyeen miyay wada dhinteen dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa!?

Beeralaydii waxay ku jawaabeen: qaar baannu maqlaynay leh waar waan noolahay ee ha i aasina, balse maanu rumaysan oo siyaasiyiin bay u badnaayeen, dhawr jeer oo h**e qaarkood been noo sheegeen, hadana inay been sheegayaan oo aanay noolayn baannu u malaynay.😂🤣😂

Xigasho

27/08/2017

Qiso Dhacday: to !

Nin caddaan ah oo waayo h**e ka shaqayn jiray ayaa waxa uu hilibka ka iibsan jiray nin Soomaali ah oo hilible ka ahaa kiiniya. Ninkii hiliblaha ahaa markuu Kiiniya kasoo noqday ayuu magaalada kusoo laabtay kadibna beeshiisii ayaa u dooratay . Ninkii caddaanka ahaa ayaa sannad kadib yimid , kadibna Burco ayuu u dhaafay oo uu ku arkay miskiinkii hiliblaha ahaa ee uu macmiilka u ahaa oo la daba yaacayo, kadibna inta uu la yaabay ayuu yidhi: "From Butcher to King, really waa Very High Jump."

20/08/2017

Sheeko Dhacday: ( *x)!

Laba hablood oo dhoof niyada ka galay ayaa mar ay safaaradda Itoobiya (Ethiopia) xog waraysi kusoo galayeen loo dhiibay warqad la rabo in ay ku buuxbuuxiyaan warbixintooda shakhsiyeed, warqaddu waxay ku qoran tahay af-ingiriisi, ingiliishtana aad uma yiqaanaan ee inyar inyar bay ka fahmaan markay akhriyaan qoraalka.

Markay qoreen magacoodii oo afaran, magacii hooyadood oo saddexan, goobtay ku dhasheen, goortay dhasheen iyo alleenkii lagala soo xidhiidhi lahaa ayay usoo laabteen meel ay fahmi waayeen kolkii h**e kadibna ka boodeen oo ay ku qornayd "S*x".

S*x: Warqadda waxa loogu talo galay Jinsiga buuxinaya warqadda in uu ku qoro Male ama Female oo Lab ama Dhedig midkood un noqonaya, hablihii baa h**e u fahmi waayay waxa loola jeedo s*x, mid ka mid ah labadoodii ayaa tidhi naa malaha gaaladani s*x ma samaysaan bay ina leeyihiin?

Cajab! Inantii kale ayaa inta ay ka yaabtay ugu jawaabtay: "Naa haa saaxiibe kolay waxaasay uga jeedaan malahee, yaanay ina reebine marmar maku qornaa?" 😂😅😂😅😂....

-Sheekadan yaa ila wadaagay horta? Mooji!-

19/08/2017

Sheeko Gaaban: !

Duco koox koox wax loo wada boobayo ayaa bileedhkii oo ay kooxdii u danbeysay badhtanka marinayso miskiin usoo galay.

Mid ka mid ahaa ragii kooxdaa ku jiray ayaa inta uu is taagay yidhi: Waar miskiinka intaa uga kaca.

Nin ka mid ahaa ragga cuntada cunayay ayaa markuu sii kacayay gacanta sii galiyay bileedhkii oo aan marka h**eba wax hagaagsani ku jirin.

Miskiinkii oo awalba saluugsanaa inta looga tagayo ayaa markuu arkay nin intii bileedhka ku jirtayba gacanya sii mariyay yidhi: "Gaw! Nabarkaa danbaa i dilay."

16/08/2017

Sheeko Gaaban: ?

Labo nin oo mirqaansan ayaa qabri lagaga tagay oo lagu yidhi sii ilaaliya qabriga inta meydka la keenayo.

Mid ka mid ah labadii nin ayaa ku yidhi saaxiibkii: Saaxiib waa dhaxanne godka dhexdiisa ayaan ku qayilayaa inta meydka la keenayee, marka la keeno ii sheeg.

Qabrigii ayuu ku dhex mirqaamaay, wax yar kadib waxa yimid dadkii meydka waday, waxaanay is weydiiyeen: Halka ay qabteen labadii nin ee ay xabaasha kaga dul tageen.

Odey ka mid ahaa dadka meydka la socday ayaa yidhi anaa yiqaan nimankaas oo way iska qaad doonteen kolay ee bal aan soo eego inuu iilkii un inoo diyaarsan yahay.

Odeygii wuxuu u dhaqaaqay xaggii xabaasha oo labadii nin mid ahaani ku dhex mirqaamayo, kadibna inta uu is dul taagay ayuu madaxa soo galiyey qabrigii.

Ileen odeyganow soo eeg un buu is lahaaye, naftii mirqaansanayd ayaa qoorta qabtay odaygii, kadibna ku yidhi: Man Rabbuka? Oo macnaheedu yahay waa kuma Rabbigaa.

Odeygii oo aan cidba meesha ka filayn ayaa inta uu khalkhalay oo naxdintii dhidid wayni shax kasoo yidhi, ku jawaabay: "Walaahi Malagow ninka dhintay aniga maaha, anigu waan noolahay oo waadigaa i arkaya, waa kan ninkii halkan lahaa yaalee sug inta lasoo galinayo isagaad su'aashaa waydiine!" Markii uu sii daayay ayuu odaygii kusoo noqday dadkii maydka siday isagoo ku leh: "Waar bal ku dhakhsada waa la sugayaaye." 😂😂😂......

-Xigasho-

15/08/2017

Sheeko Gaaban: ?

Nin iyo xaaskiisa ayaa maxkamadda tagay si ay isku furaan, mar ay maxkamadda hor taagan yihiin ayay ku murmeen kii qaadan lahaa ilmo yar oo ay isku lahaayeen.

Hooyadii ayaa dooddii bilawday oo tidhi: "Garsoore ilmahan yar sagaal bilood ayaan caloosha ku siday, fool iyo xanuun badan kadibna alxamdulilaa waan dhalay, Illaahay ka sokowna aniga ayaa sabab u ahaa in uu adduunka yimaado; sidaas darteed hooyana ilmaheeda looma dhaammee waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in ay ii xukunto haysashada ilmahayga yar."

Ninkii ayaa isna hadalkii qaatay oo yidhi: "Garsoore haddii aad kaadh galiso mashiinka lacagta soo saara ee (ATM-Machine) ka loo yiqaano kadibna uu lacag kuusoo saaro, lacagtaa uu soo saaray ma adiga ayaa iska leh mise mashiinka ayaa iska leh". Sidaa darteed waxaan maxkamadda ka codsanayaa maadaama oo ay iyadu kaliya soo saare tahay in ilmahayga yar la i raaciyo aniga.

Tolow yaa loo xukumayaa ayaad is leedahay? Ma Aabaha mise Hooyada?

Xigasho.

14/08/2017

Qiso Kooban: !

Nin carab ah ayaa waxa uu lahaa Ay, aygaasi waxa uu ahaa rabaayad oo ilaalada guriga ayuu u xilsaarnaa. Muddo badan ayuu la joogay, reerkuna way jeclaayeen ayga yar oo waxa uu noqday sidii qof kamid ah caruurta xaafadda.

Maalin ayaa uu ninkii kaga tagay guriga aygii iyo ilmo yar oo caruur ah oo uu isagu dhalay.

Markii uu guriga kusoo noqday ee uu albaabka kasoo galay ayuu aygii oo qaylinaya afkana dhiig ku leh ka hor yimid ninkii, mise ninkii oo aan waxba hubsan ayaa u qaatay in aygu uu cunay ilmihii yaraa ee guriga jiifay, waxan afkiisa ka da'ayaana yahay dhiiggii ilamaha yar, maadaama oo aanay cid kale guriga la joogin. Ninkii waxa uu qaatay bir waxaana uu meeshii ku dilay aygii.

Markii uu ninkii aqalka h**e u galay ayuu albaabkii ilmaha yari jiifay hortiisa ku arkay dacawo bakhti ah oo meel walba dhiig ka da'ayo, mise wuxuu garwaaqsaday in aygii uu dilay uu u sheegayay in dacawo soo weerartay oo ay rabtay in ay cunto ilmaha yar, laakiin isagoon waxba hubsan uu aygii iska dilay.

Ninkii markii uu arkay kala duwanaanshaha wixii uu is yidhi iyo siday wax noqdeen waxa uu ka dul ooyay aygii, waxaana uu ka murugooday hubsiimo la'aantii uu ku kacay. Hubsiimo hal baa la siistaa.

13/08/2017

Sheeko Kooban: **e !

Wakhtiyadii laga qaxay ayaa oday iyo islaantiisii oo wada socda raaceen dadkii u baxay xaga deegaanka oo ku taala waqooyiga Hargeysa.

Dadkii oo sii qaxaya ayay diyaaraddi duqaysay oo ay kusoo daysay gantaalo, dadkii deegaanka ku sugnaa iyo intii dhabada sii haysay oo dhammi waxay ku wada yaaceen geedihii u dhawaa, si ay uga hoos galaan duqaynta diyaaradda.

Odaygii ayaa islaantiisa oo xoog ahayd inta uu dhabarka ka maray dhexda ku dhagay, isagoo ku leh naa bahasha ka dhuumo!

Islaantii oo ka biyo diidan falka odaygeedu samaynayo, fulaynimana u aragta ayaa ku tidhi: "Ee na sii daayoo, orod wax iska celi, raggii h**e ma gabban jirine."

Kuye: "Naa hoogto ragga h**e ma samadaa laga soo weerari jiray." Hhh....

-Waxa ila wadaagay sheekadan: Rayte Cabdi-

12/08/2017

Sheeko Kooban: !

Waxa la yidhi koox tabliiqiyiin ah oo khuruuj ku marayay deegaanno ka tirsan magaalada Ceerigaabo ayaa xili habeennimo ah bidhaan ka arkay iftiin kasoo hirayay meel aad uga durugsanayd markaas.

Waxay u dhaqaaqeen dhankii iftiinku ka baxayay iyagoo u haystay in ay reero dagan yihiin oo ay dab ku sh*teen halkaas.

Markii ay kusoo dhawaadeen iftiinkii ayay arkeen in kaaha u baxayay yahay ilays gaadhi la siraaday, dabna uu ka ag baxayo.

Shaw gaadhiga waxa watay laba nin iyo laba dumar ah oo labada nin ay ahaayeen qaar sikhraansan oo qaad goobta ku cunaya, labada dumar ahina waxay ahaayeen qaar ay rabeen inay la haasaawaan oo ay iyagu wateen.

Kooxdii Tabliiqiyiintii ahayd markay usoo dhawaadeen, ee weli aanay toos usoo gaadhin dadkii meesha joogay ayay cod dheer ku yidhaahdeen: Salaama Calaykum.

Labadii nin iyagu way iska aamuseen oo hadalkuba waa ku dirqi, labadii hablood ayaa wadaadadii ka qaaday salaantii oo u celiyay: Wa Calaykum Salaam. Iimaamkii Jameecadda Khuruushka u baxsanayd ayaa ku yidhi: Waar reerka meesha degeni waa darma?

Mise nimankii oo aanay kaba qasnayn ayaa ugu jawaabay: "Waar reeruhu waa reero dhilee maxaad ahaydeen idinku."

Bello! Ma waxaanay wadaadadii oo anfariirsan, afkuna juuqda gabay dhabarka jeedin baa. Hhh....

-Waxa ila wadaagay dhacdadan saaxiibkay Tayip Aweyz-

10/08/2017

Sheeko Gaaban: ?!

Macalin cashar arday u dhigaya ayaa isaga oo soo hor fadhiya ardayda, siibkii ama siibaddii surwaalka oo u furan uu arkay arday ka mid ahaa ardaydii, ardaygii waxogaa uu ka fikiray sidii uu macalinka wax ugu sheegi lahaa kadib waxa uu ku yidhi: Macalin Xafiisku wuu furan yahay.

Macalinkii ayaa baxay oo inta uu fasalka hor istaagay arkay inuu xidhan yahay xafiiska dugsigu kadibna waxa uu fahmay in uu ardaygu wax kale ujeedday.

Macalinkii hoos buu isku eegay kadibna wuxuu arkay in siibaddii surwaalku u furan tahay, inta uu naxay ayuu dagdag u xidhay kadibna fasalkii ku noqday, isaga oo ardaygii u sheegay su'aalaya: Adeer xafiisku markuu furnaa, maamulihii ma hor taagnaa oo ma arkaysay?

Ardaygii: Maya macalin ee inuu xafiisku furnaa un baan arkayay anigu. Hhhh........

.

Address

Airport Road
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bar-Qoraal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Bar-Qoraal:

Share

Category