31/05/2026
Hargeysa, 31/05/2026 โ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 6-aad ee Kalfadhiga 14-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhegaysiga warbixinta Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Mudane Siciid Maxamuud Buraale, oo Golaha hor keenay Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public Private Partnership โ PPP).
Wasiirku waxa uu Mudaneyaasha Golaha ka hor jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan muhiimadda mashruuc-sharcigan, isaga oo xusay in xeerkani saldhig sharci u noqon doono iskaashiga ka dhexeeya Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, kor loogu qaado adeegyada bulshada, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.
Mudane Siciid Maxamuud Buraale waxa uu sheegay in xeerkan uu door muhiim ah ka qaadan doono soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, abuurista fursado shaqo, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bulshada helaan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xeerku si cad u qeexayo habraacyada maalgashiga, noocyada heshiisyada PPP, hababka qandaraasyada, iyo qaab-dhismeedka maamulka iyo kormeerka mashaariicda lagu fulinayo nidaamkan.
Gebagebadii fadhiga, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha warbixinta uu Golaha siiyey. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in mashruuc-sharcigaasi mari doono habraacyada xeer-dejinta ee Golaha Wakiillada, isla markaana loo gudbin doono guddida Golaha ee ay khusayso si ay uga soo baaraan-degaan ugana soo talo-bixiyaan.
Guddoomiyuhu waxa uu ku soo gunaanaday fadhiga in Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) uu yahay xeer muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana Golaha Wakiilladu uu waajibkiisa dastuuriga ah ka gudan doono.
Warbixinta Mashruuc-Sharciga Xeerkan Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) oo dhamaystiran halkan ka daawo:
https://www.youtube.com/watch?v=J9PWQBNO-I0
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.somalilandparliament.net
โถ๏ธ YouTube: https://www.youtube.com/
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐...