Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL

Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Waa bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL. This is the official page of the Ministry of Interior of the Republic of Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxamed Carab, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Cabdi Cabdilaahi Xas...
01/06/2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxamed Carab, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi-Dheere) ayaa maanta qaabilay saraakiil dhawaan ka soo baxay dalka Ethiopia, mudo laba sano ah ku soo qaatay waxbarasho iyo tababar la xidhiidha aqoonta ciidanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa ku amaanay saraakiisha sida ay ugu dhabar adaygeen mudadii ay ku maqnaayeen tababarka iyo waxbarashada aqoonta ciidanka, waxanay ku booriyeen in ay dalkooda uga faa'iidaayeen aqoonta ay soo barteen.

30/05/2026

"Hadaan Mayorka iyo ku-xigeenkiisa lala shaqayn waxba qaban maayan" Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL.

Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo Hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo Shucuubta Isla...
26/05/2026

Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo Hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo Shucuubta Islaamka Munaasibada Ciidal Adxa awgeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, Wasiiru Dawlaha wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Mxamed Cali Maxamuud, ayaa Hambalyo u diray shacabka Somaliland Munaasibada Ciidal-Adxa awgeed, Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, waxay shacabka Somaliland u rajeeyeen in sanadka sanadkiisa uu Ilaahay ku gaadhsiiyo Bash Bash iyo Barwaaqo, dalkuna uu gaadho Horumar balaadhan, masuuliyiintu waxay si gaara salaan ugu direen qaybaha kala duwan ee Ciidamada Somaliland, carruutooda iyo Xaasaskooda, iyaga oo Ilaahay uga baryay horumar iyo Caafimaad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga,Wasiiru Dawlaha Wasaarada iyo Agaasimaha Guud, waxay Fariin u direen dhalinyarada Maalmaha Ciida iyo Farxada dalxiiska ku taga Gobolada dalka, isla markaana ay ka dhacaan Shilal, in ay ka taxadaraan shilal iyo khasaare ay la kulmaan Baabuurta ay ku tegayaan gobolada dalkana ay si miyir qab ah u wadaan oo aanay ku socon xawaare badan oo keeni kara in ay shilal galaan.

Masuuliyiinta Sare ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somalliland, waxay sido kale shacabka Somaliland ku booriyeen in ay la shaqeeyaan Hay`adaha Amaanka iyo Ciidamada Booliska, Maalmaha farxada ee ay socdaan Munaasibada Ciidal Adxa.

𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐡𝐢
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐄𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐉𝐒𝐋

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo,) oo ay weheliyaan masuuliyii...
24/05/2026

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo,) oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Sanaag, iyo Kuwa Degmada Ceerigaabo, ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo odayaasha laba beelood oo dhawaan shaqaaqo ku dhex martay deegaannada Xaysimo iyo Wadaagsin.

Kulankaasi ayaa waxaa goob-joog ka ahaa odayaasha, waxgaradka iyo xidhiidhiyayaasha labada beelood, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, wada-hadalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa shaqaaqadii dhacday.

Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in wax kasta lagu dhammeeyo nabad, wada-hadal iyo is-xaq-dhawr, iyadoo dhinacyadu muujiyeen diyaar-garow ay ku ilaalinayaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada Deegaanka.

21/05/2026

Haayadaha Amniga waxaan Farayaa intaas in ka badan Loogu dul qaadan Maayo... Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL.

Fadhigii 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane C...
20/05/2026

Fadhigii 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:

𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in guud ahaan ammaanka dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in dabaaldegyadii iyo Xafladihii Xuska 18-ka May ay si nabadgelyo ah oo qurux badan uga qabsoomeen dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey doorka weyn ee Ciidamada, Hay’adaha ilaalinta Amniga Qaranka, Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka iyo Shacabka JSL ay ka qaateen u diyaar-garowgii iyo Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May, iyada oo haba yaraatee wax dhib ah oo dhacday aanay jirin.

18/05/2026
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa magaalada Ceerigaabo k...
18/05/2026

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa magaalada Ceerigaabo kaga qayb galay munaasibadda ballaadhan ee loo qabtay xuska sanadguuradii 35aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

18/05/2026
18/05/2026

Address

Sha'ab , Area Hargeisa
Hargeisa
00252

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 14:00
Thursday 07:00 - 14:00
Saturday 07:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL:

Share