Omar Abdilahi - Sayid

Omar Abdilahi - Sayid وعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَى

16/03/2026

Kulan afureed kulmiyay akhyaar iyo asxaab mudo kala baaday oo ah ardaydii wax ku soo baratay wadanka Hindiya oo sanad walba bisha soon la qabto ayaa caawa lagu qabtay caasimada Hargeysa.

Waan u mahad celinayaa akhyaarta soo qaban qaabisay, gaar ahaan Maxamed Booshari oo marti qaadka lahaa.

15/02/2026

Adeer Alle ha isu kiin barakeeyo, Dhisma oo dhaqma.

Mustafe Maxamed aadan Saqadhi iyo marwadiisa oo maanta Meherkoodu ka qabsoomay Caasimada Hargeysa, labeentii mujtamaca Somaliland iyo reer Hargeysa ayaa maanta xaflada yagleelka qoyska cusub goob joog ka ahaa.

Ajandaha Shirka jigjiga waxa weeye shantan qodob oo ku saabsan shantii Soomaaliyeed.1: Jabuuti inay shantii Soomaaliyeed...
31/01/2026

Ajandaha Shirka jigjiga waxa weeye shantan qodob oo ku saabsan shantii Soomaaliyeed.

1: Jabuuti inay shantii Soomaaliyeed ka baxday oo gaar noqotay waa guul u soo hoyatay soomaalida.

2: Somali galbeed in ay itoobiya tahay waa loo ogol yahay oo cidna ma daba socoto.

3: NFD inay Kenya ka tirsan tahay waa lagu badhaadhay, waana lagu qasban yahay.

4: Somaliya inay Somaliland xukunto waa waajib.

5: Somaliland waa in Mar labaad la gumeeyaa oo xamar la hoos geeyaa, haday diidana la isugu tagaa oo dawlado loo soo kiraystaa.

Sidaas darteed Soomaalida waxaan waydiinaaa hal suaal, maxaa reer Somaliland midnimada loogu qasbayaa kalidood oo Jabuuti, Jigjiga iyo Gaarisa loogu qasbi waayay ?

Reer Soomaalolandaw inagu waa inaynu diyaar u noqonaa duulaanka dalkeena mar labaad lagu soo qaadayo.

Hawadii halkeed gaysay.10 sano oo la wada hadlayay qodobkii kali ahaa ee lagu heshiiyay intuu ka baxay ayuu hub ahaan u ...
08/01/2026

Hawadii halkeed gaysay.

10 sano oo la wada hadlayay qodobkii kali ahaa ee lagu heshiiyay intuu ka baxay ayuu hub ahaan u adeegsaday hawadii maamnuuca ka ahayd siyaasada, sidoo kale madaxtooyada uu fadhiyo meel u dhaw marxuum abdinaasir ayaa lagu qashay shaqaale kalana inta la qafaashay ayaa mudo la toojar garaynayay.

Maanta oo Somaliland aqoonsi heshay cid ku dhacda adiga iyo qayrkaa wada hadal daaye in salaanta laga qaado aan aragno.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Omar Abdilahi - Sayid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Omar Abdilahi - Sayid:

Share