14/01/2026
Degmada: gacan-libaax
Date:- 14/jan/2026
Time :- 9:30Am
Ujeedo;- qabasho shir amni
Maanta oo arbaca ah waxaanu qabanay shir amni oo ka dhacay xaafada sheekh nuur ( kilalka )
Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dar dar galinta Amniga ayaa waxa kasoobqayb galay
🟨 Taliyaha saldhiga sheekh nuur.
🟨 gudoomiye ku xigeenka degmada gacan-libaax
D.H.H
🟨 Gudoomiyaha nabad galiyada degmada gacan-libaax
🟨 xog_hayaha nabadgaliyada degmada gacan-libaax D.H.H
🟨 xubno kamida gudida nabadgaliyada ee xaafadaha sheekh nuur( kilalka) .
Shirkan oon ujeedkiisa aan kor kusoo xusay ayay gudidu kaga warbixiyeen xaaladaha amni ee ay xaafadahoodu ku sugan yihiin iyo cabashooyin kale oo ay u baahnayeen in wax lagala qabto.
Sidoo kale waxa iyaguna hadalka iska daba qaatay Maamulka degmada iyo Taliyaha saldhiga kuwaas oo gudida ku dhiiri galiyay in wax laga qaban doono cabashadooda sidoo kale u sheegay inay laba jibaraan shaqada Amniga ee ay hayaan kuwaas oo Talooyin iyo Amaro ay tahay in lagu dhaqmo usoo jeediyay gudida nabad galiyada ee degmada gacan-libaax, sidoo kalena gudida la wadaagay xogo badan oo inagu soo kordhay.
Uugu damabayna waxa la isla qaatay in la dar dar galiyo hawlaha shaqo ee xaga Amniga iyo wada shaqaynta ay gudidu la leedahay laamaha amniga , Alle hana ilaaliyee