03/06/2026
𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚:
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali-Cantar) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda dhoofka xoolaha dalka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay heerka dhoofka xoolaha sannadkan ee suuqyada dibedda, gaar ahaan Mooshinkii Xajka, xaaladda caafimaadka xoolaha iyo dedaallada ay Wasaaraddu ku xoojinayso tayada nolosha xoolaha iyo tartanka suuqyada xoolaha.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu sii waddo adkaynta adeegyada caafimaadka xoolaha, kor u qaadista kormeerka iyo fulinta shuruudaha suuqyada caalamiga ah si loo ilaaliyo loona kordhiyo dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Qaranka JSL. Wasiir-ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in ay lama huraan tahay in Xoolaha aynu dhoofinno loo sameeyo Deked u gaar ah oo laga dhoofiyo.