Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynaha 6aad ee Jamhuuriyadda Somaliland. The 6th President of the Republic of Somaliland.
الرئيس السادس لجمهورية صوماليلاند

This is my official page as the chairman of the WADDANI Party, one of the major political parties in Somaliland.

Ciid Mubaarak, Shacabkayga sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba,Waxa aan si kal iyo laab ah id...
19/03/2026

Ciid Mubaarak, Shacabkayga sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba,

Waxa aan si kal iyo laab ah idiinku hambalyeynayaa Munaasibadda farxadda ee Ciid Al-Fitriga 1447H, anniga oo dhammaantiin idiin rejaynaya bashbash, barwaaqo, caafimaad qab, iimaan sugan iyo yaqiin saalix ah.

Ciiddu waa maalmaha ugu qiimaha badan xuskeenna diinta Islaamka, waa maalin xambaarsan farxad, isu naxariisasho, is-cafin iyo walaalnimo. Waa maalin aynu ku xasuusayno Fadliga iyo Khayrka dhammaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan, kuna xoojinayno qiyamka sama-falka, sadaqada, iyo daryeelka dadkeenna jilicsan.

Dhammaan Shacabkayga Somaliland ee Sharafta leh, waxa aan si gaar ah idiinku baaqayaa in aad sii xoojisaan midnimada, wadajirka iyo Is-kaalmaysiga dhexdiinna ah, gaar ahaan xilligan ay Abaaruhu saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeenna. Aynu gacmaha is qabsanno, aynu isu naxariisanno, oo aynu garab istaagno walaalaheenna nugul.

Alle SWT waxa aan ka baryayaa in uu innaga aqbalo cibaadadii aynu soo gudannay iyo acmaasha fiican. Alle SWT waxa aan ka baryayaa in uu dalkeenna ku mannaysto nabad waarta, barwaaqo iyo horumar, kana dhigo Jamhuuriyadda Somaliland dal ku caan ah caddaalad, wadajir, walaalnimo iyo is-weheshi.

Ugu dambayn, walaalayaal waxa aan mar kale idin leeyahay Ciid Mubaarak, ILAAHAY SWT ha innagu gaadhsiiyo Ciido kale caafimaad qab iyo dalkeenna oo ku naaloonaya nabad, barwaaqo iyo horumar.

27/02/2026

Diblumaasiyaddu ma aha saylad diinta iyo dhaqanka lagu kala beddesho. Annaga Xidhiidhkayaga arrimaha dibadda, kuwa hadda bilowday iyo kuwo kale oo soo socdaaba, waxay ku qotomaan in dhinac kastaa danihiisa dawladeed ku qumisto.

26/02/2026

Waxa aan maanta kulan isugu jira Afur iyo Casho-sharaf ku maamuusay Culimadda Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan wuxuu ahaa mid xoojinaya wada-shaqaynta, is-ixtiraamka iyo doorka culimadu ku leeyihiin hanuuninta iyo mideynta bulshada.

Alle ha xifdiyo culimadeenna, hana ka dhigo kuwo mar walba ku hoggaamiya ummadda jidka toosan.

26/02/2026

Aad baan ugu faraxsanahay inaan abaal-mariyo ardayda Hablo iyo innamaba ee ku guuleystay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan 2026.

Hambalyo dhammaan ardayda kaalmaha sare gashay, waalidka iyo macallimiinta kaalinta-weyn ka qaatay guushan qiimaha badan.

Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa C...
17/02/2026

Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Soon -Ramadaan 1447 Hijriya / 2026. Waa bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Allah SWT innoo hibeeyey, si aynu ugu xoojinno cibaadadada, toosin naf iyo qalbi lehna u sameynno, una raadsanno dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah.

Bishani waa xilli aynu xoojinno Alle ka cabsiga, samafalka, is-cafis-ka iyo isu damqashada dhexeeenna ah; waa wakhti aynu sare ugu qaadno qiyamka walaaltinimo, wadajirka iyo isku duubnida bulshadeenna.

Shacabkayga sharafta leh,

Waxa aan idinku boorrinayaa in aynu bishan barakaysan ku muujinno isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah; in aynu garab istaagno dadka danyarta ah, qoysaska nugul, iyo muwaadiniinta ay saameeyeen duruufaha nololeed, gaar ahaan abaaruhu. Taageeridda iyo taakuleynta walaalaheen waa waajib diini ah iyo mid qaranba ah.

Ramadaan waa bil aynu ku adkeynno midnimadeenna, ku xoojino nabaddeenna, kuna kobcinno akhlaaqda iyo qiyamka suubban ee diinteennu ina farayso. Waa fursad aynu ku dhisno bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar, barwaaqo iyo wada-noolaansho.

Ugu dambayn, waxa aan Alle SWT ka baryayaa in uu innaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah; kana yeelo bishan mid nabad, barako iyo bash-bash ku waabariisata dalkeenna iyo dadkeenna.

Soon wanaagsan.

17/02/2026

Farxad-weyn bay ii tahay in aan mar labaad ku soo noqdo magaalada Berbera, anniga oo h**e ugu dhagax-dhigay mashaariic muhiim ah. Maanta waxa aan halkan u joogaa inaan si rasmi ah u furo mashruucii la dhammeeyey, taas oo muujinaysa in ballan-qaadyadii h**e ay noqdeen kuwo midho-dhalay.

Berbera waa magaalo istiraatiiji ah oo door-weyn ka qaadata horumarka iyo koboca dhaqaale ee dalkeenna, waxaana mudnaan u ah Xukuumadeyda in aan xaqiijinno dhammaan tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee horumarkeeda lagu xaqiijinayo.

09/02/2026

Jamhuuriyadda Somaliland ma aha dal hadda ka go’aya Soomaaliya; waa dal jiray oo leh taariikh dawladnimo oo ka horreysay jiritaankii Soomaaliya.

Haddii midnimada Soomaalidu dhab ka tahay, maxaa looga reebay qaybihii kale ee Soomaalida? Maxaa midnimada loogu soo koobay oo keliya Somaliland iyo Soomaaliya?

Waxa aan si toos ah u daawanayaa ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Koo...
05/02/2026

Waxa aan si toos ah u daawanayaa ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo maanta ku kulmay ciyaarta k**a dambaysta ah ee Koobka Horyaallada, oo ka dhacaysa Caasimadda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Waxa aan hambalyo hordhac ah u sii dirayaa labada kooxoodba, anniga oo rejaynaya in ay la yimaaddaan ciyaar wanaag, tartankooduna ka dhasho walaalnimo iyo is-ixtiraam buuxa. Ciyaaruhu waxa ay xoojiyaan midnimada, isdhexgalka bulshada, iyo kor u qaadista caafimaadka iyo hibada dhallinyarada.

Hambalyo hor-dhac ah ayaan u dirayaa kooxda koobka qaadi doonta, Insha Allah.

Waxa aan magaalada Dubai casho-sharaf rasmi ah kula wadaagnay Prince Edward, Duke of Edinburgh, walaalka King Charles II...
05/02/2026

Waxa aan magaalada Dubai casho-sharaf rasmi ah kula wadaagnay Prince Edward, Duke of Edinburgh, walaalka King Charles III, iyo Sir Gavin Williamson MP, oo ah saaxiib dhow isla markaana taageere mudnaan gaar ah u leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxa uu mar kale si cad u muujiyey xidhiidhka taariikhiga ah, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo wada-shaqaynta qotada dheer ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK). Waxa aanu si gaar ah u adkaynay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, horumarka, iyo kalsoonida caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sii wadaysaa dedaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku dhisan wada-hadal midho-dhal ah, nabad-ku-wada-noolaansho, dimuqraadiyad, iyo horumarinta iskaashi caalami ah oo waara.

Waxa aan sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay World Government Summit oo ka qabsoomay magaalada Dubai. Shirkani...
03/02/2026

Waxa aan sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay World Government Summit oo ka qabsoomay magaalada Dubai. Shirkani waa madal caalami ah oo isu keenta hoggaamiyeyaal dawladeed, khubaro iyo hay’ado caalami ah, si qoto dheerna looga wada hadlo mustaqbalka hoggaaminta, hal-abuurka, tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta nidaamyada dawladnimo ee waara.

Waxaa sharaf weyn ii ah, anniga oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muujinaya doorka ku aaddan horumarinta dawladnimada, maamulka hufan, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, in aan kulammo midho-dhal ah la yeelanay hoggaamiyeyaal, maal-qabeenno, iyo daneeyayaal caalami ah oo muujiyey xiise dhab ah iyo diyaar-garow ay ku maal-gashadaan Jamhuuriyaddeenna Somaliland.

02/02/2026

Ma oggolaanayo cid ku xadgudubta sharaftiinna iyo xurmaddiinna. Inta aan xilka hayo, yoolkayga koowaad waa inaan idiinku adeego daacadnimo iyo daah-furnaan. Magacayga kuma qori doono hantidiinna, balse qalbiyadiinna ayaan ku qori doonaa Insha Allah.

Hambalyo Xuska Sannad-guurada 32aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
02/02/2026

Hambalyo Xuska Sannad-guurada 32aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Address

Road No 26th June
Hargeisa

Telephone

+252634240048

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdiraxmaan Cirro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Cabdiraxmaan Cirro:

Share