Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Ciidanka Dab-demiska Somaliland This is the official page of Somaliland Fire Brigade. Bogga rasmiga ah ee ciidanka dab-demiska Somaliland.

Somaliland National fire brigade was established 2014 , and mainly its consist of young Crew and most highly skilled emergency response agency. Also Somaliland Fire Brigade is ready to work to save Lives, Property and Humanitarian service. The main goal is to provide fire protection, emergency medical care, and other critical public safety services to residents and Citizens. We are the Somali’s la

rgest fire and rescue service, committed to ensuring the safety and wellbeing of the people of Republic of Somaliland. �

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Tele...
01/06/2026

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.

Allaa Mahad leh

01/06/2026

Mufiid Cabdoo Aabaha dhalay wiil 4 Jir ah oo ay Ciidanka Dabdemisku ka soo samata bixiyeen Suuli ku xidhmay ayaa u mahad celiyey Ciidanka Dabdemiska dedaalka iyo Shaqada Naf-hurka leh ee ay Bulshadda u hayaan.

Ciidanka Dabdemiska Gobolka Gabiley ayaa Hawl-galkani ka fuliyey Xaafadda 18 May ee Degmada Gabiley.

Ardayda Fasalada Siddeedaad ee Dugsiga Hoose dhexe Cabdilaahi Mascuud ee Magaalada Hargeysa oo saaka soo booqday Taliska...
01/06/2026

Ardayda Fasalada Siddeedaad ee Dugsiga Hoose dhexe Cabdilaahi Mascuud ee Magaalada Hargeysa oo saaka soo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL.

Ardayda ayaa intii ay ku sugnaayeen Taliska Guud ee Ciidanka la siiyey Wacyi-gelin la xidhiidha Aafada Dabka waxaanay si weyn ugu farxeen Hannaanka iyo habka diyaar garow ee Ciidanka Dabdemiska waxaana mid mid loo soo mariyey guud ahaan Xafiisyada kala duwan ee Taliska Guud iyo Qolka Hoggaaminta ee Ciidanka Dabdemiska.

Ugu dambayna Ardayda ayaa balan qaaday in ay qayb ka noqon doonaan Wacyi-gelinta Bulshadda ee Faafinta Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 in ay Bulshadda iyo Ardayda kala duwan gaadhsiin doonaan.

01/06/2026

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL oo Tababar iyo Wacyi-gelin la xidhiidha Khatarta Dabka siiyey Ardayda Fasalada 8aad ee Dugsiga H/dhexe ee Cabdilaahi Mascuud ee Caasimadda Hargeysa.

Muwaadin ha xidhin Jidka iyo Marinka maritaanka Gaadiidka Gurmadka Degdega ah.Gaadiidka Gurmadka oo hela marin ku haboon...
01/06/2026

Muwaadin ha xidhin Jidka iyo Marinka maritaanka Gaadiidka Gurmadka Degdega ah.

Gaadiidka Gurmadka oo hela marin ku haboon waa Bad-baadada Naftaada, maalkaaga iyo Hantidaada.

Jidka oo aad xidhataa waxa uu keenni kara Khasaare sababi kara dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL waxa ay Bulshadda farayaan in ay furaan marin kasta oo xanibi kara Gurmadka Dabdemiska iyo maritaan kasta oo muhiim ah.

Guriga hortiisa oo aad dhigto dhagaxaan iyo Kaabaddo waa weyn waxa ay keeni kartaa in uu xanibo Gurmadka Dabdemiska.

Guddiyada Xaafaddaha iyo Goobaha isku raranka ah waxa la farayaa in ay furaan Dariiqyo ku haboon oo Ciidanka iyo Gaadiidkuba u maraan haddii ay wax dhacaan.

31/05/2026

Diwaanka Hawl-galada Ciidanka Dabdemiska Somaliland ee Bad-baadada iyo Samatabixinta Xoolaha Nool ayaa Bilihii u dambeeyey sare u kacay.

Ciidanka Dabdemiska Somaliland gaar ahaan Gaadiidka Samatabixinta ayaa ka jawaabay Saddex Biloodkii u dambeeyey Gurmadka ku dhawaad 50 Neef oo Geel ah kuwaasi oo ku dhacay Baraaggo, Ceellal iyo Bullaacaddo aan lahayn Xayn daab Amni oo sax ah.

Barkaddaha biyaha, Ceelasha iyo Bullaacaddaha aan lahayn Xayndaab Ammaan ah waxa ay khatar weyn ku yihiin bulshada, gaar ahaan Caruurta, Dadka waayeelka ah, Socodka Habeennimo, Gaadiidka iyo Xoolaha nool.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL iyaga oo ka duulaya Bad-qabka Nafaha Binni Aadamka iyo Xoolaha kala duwan waxa ay Bulshadda farayaan in Bullaacaddaha Duugga ah ay lagama maar-maan tahay in lagu sameeyo dib u dhis iyo Dayactir iyada oo laga hor tagayo Khatar iyo khasaare Nafeed oo laga baaqsan karo.

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo Damiyey Guri Daar ah oo Dab haleelay.Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Gacma Dheere ayaa ma...
31/05/2026

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo Damiyey Guri Daar ah oo Dab haleelay.

Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Gacma Dheere ayaa maanta Damiyey Dab ka kacay Guri Saddex qol ah oo ku yaala xaafadda Gantaalaha ee Degmeda Ibraahim Koodbuur.

Ciidanka ayaa guud ahaanba ku guuleystay in ay Gurigaasi ka Badbaadiyaan Dabkii qab saday kadib markii ay ku xakameeyeen qolkii uu ka bilowday.

Sababta Dabkaasi ayaa ahayd Caruur Guriga lagaga tagay oo ku shiday Leetar.

Ciidanka Dabdemiska Somaliland waxa Farayaan Waalidiinta in aanay Caruurta Guryaha kaga tagin isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo sababi kara Khataraha Dabka iyo Aafadiisa.

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.

Allaa Mahad leh

Gabiley: Ciidanka Dabdemiska Somaliland ayaa maanta soo Samatabixiyey Wiil yar oo Ajaanib ah kaasi oo Suuli ku xidhmay.C...
31/05/2026

Gabiley: Ciidanka Dabdemiska Somaliland ayaa maanta soo Samatabixiyey Wiil yar oo Ajaanib ah kaasi oo Suuli ku xidhmay.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ee Gobolka Gabiley ayaa maanta Samatabixin u sameeyey Wiil yar oo u dhashay Dalka Syria kadib markii uu Albaab Suuli ku xidhmay Xaafadda 18 May ee Degmadda Gabiley.

Aabaha Qoyskaasi ayaa Ciidanka uga mahadceliyey Samatabixinta ay Ciidanku u sameeyeen Wiilkiisa.

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.

Allaa Mahad leh

Jawaabta Su’aashi Todobaadki H**e oo Tifaaf tiran.Waa Barnaamij Todobaad leh oo ku saabsan Badbaada dadka iyo Bakhtiinta...
30/05/2026

Jawaabta Su’aashi Todobaadki H**e oo Tifaaf tiran.

Waa Barnaamij Todobaad leh oo ku saabsan Badbaada dadka iyo Bakhtiinta dabka Jawaabta Su’aashi Todobaadki H**e oo Tifaaf tiran.

Tallaabooyinka Ugu Horreeya Ee La Qaadayo Marka Dab Kaco

1. Qaylo-dhaan samee si dadka goobta ku sugan loogu wargeliyo khatarta jirta.

2. Dadka si degdeg ah uga daadguree goobta una hag meel ammaan ah.

3. Wac Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL adigoo garaacaya 990 (Telesom, Somtel ama Solteco).

4. Haddii ay suurtogal tahay oo aanay khatar kugu ahayn, xidh albaabbada iyo daaqadaha si loo yareeyo ogsijiinta shidmada dabku u baahan yahay iyo fiditaanka dabka.

5. Haddii dabku yar yahay, aadna tababar u leedahay isticmaalka qalabka dab-damiska, isku day inaad damiso adigoo iska ilaalinaaya inaan dabku kudabamartayn oo aanu albaabka kaa xidhin.

6. Dadka meel ammaan ah isugu gee oo hubi in qof walba goobta ka baxay, cidna aanay ka maqnayn.

7. Ha u oggolaan qofna inuu ku laabto goobta dabku ka kacay ilaa ay Ciidanka Dabdemisku fasax ka bixiyaan.

Xusuusin: Bad-baadinta nafta ayaa ka horraysa badbaadinta hantida.

30/05/2026

Hargeysa: Dab Xooggan oo qabsaday Saacadda Korontada ee Masaajidka Cumar Cismaan ee Xaafadda Jigjiga yar.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ayaa Shoodhkaasi ka damiyey Masaajidka isla markaana u Adeegsaday Damiyeyaasha Yar-yar (Portable Fire Extinguisher 🧯).

Ciidanka Dabdemisku waxa ay Bulshadda iyo Ganacsatada kala duwan ee Dalka ku boorinayaan in ay Goobahooda Ganacsi iyo Guryahaba ay soo dhigtaan, qalabkan kaasi oo u sahlaya in Dabka lagula sii tacaalo kahor inta aanay goobta soo gaadhin Ciidanka Dabdemisku.

Waxaase xusid mudan in Qalabka Isticmaalkiisu ay u baahan yihiin Tababar dheeraad ah oo ay Ciidanku Bulshadda siiyaan kana caawiyaan.

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.


Allaah Mahad leh

Address

Road No 1
Hargeisa

Telephone

+252636230000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Dab-demiska Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Dab-demiska Somaliland:

Share