Wacyi iyo waano

Wacyi iyo waano Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wacyi iyo waano, Hargeisa.

RAMADAN KARIIN
17/03/2024

RAMADAN KARIIN

810 Followers, 104 Following, 2783 Likes - Watch awesome short videos created by Dr Farxaan Calidhuux

09/05/2021
05/05/2021
25/09/2020

Hepatitis B oo loo Yaqaan 《 》 ama Cagaarshowaga
••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Fadlan Waan ogohay oo Qoraalku waa dheeryahay lakiin isku day inaad dhamaysato Runtii waxad ka ogaan doonto maclumaad Badan ood ubahnayd

■Aduun weyna waxaa uu saameeyey cudarkani dad gaadhayaa laba bilyan oo qof (two billion) sanad kasta waxaa u dhinta dad gaadhaaya 600,000

■Somaliland lama hayo Research Saxa lakiin waxa uu ku socda Sanadan Dambe xawli Kaas oo 10 Qof ee dhiig Shubayaba 3Sedex Qof laga helo joonis cadka

■ Caabuqan jidhka waxa uu ku jiri karaa mudooyin Badan oo qofku aanu dareemin Xanuun

Siduu Ku faafa Caabuqan HepB?
1. Galmada
2. Dhiig lagugu shubo
3. Xiliga ilakaha lagaa saarayo
4. Hooyadu xiligay umulayso
5. Caday uu ku cadayday Qof Cirid Dhiig leh
6. Irbado Ku muday
7. Qalab Caafimad oo loo isticmaalay Qof Qaba Caabuqan
■Ma jiraan Calaamada si dhakhsa aad ugu garan karto caabuqan Oo jidhka waxa uu ku jiri karaa jidhka Isagoon wax Calaamad ah samaynin 40 ilaa 160 Cisho

Calaamadaha ugu Muhiimsan waxa kamid
••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
1. Xanuun aad ka dareento Halkuu beerku ku jirey ee ah Dhinaca midig ee sare ee Caloosha
2. Jidhka iyo indhaha iyo Cidiyaha Oo qofka Huruud Noqda ama Jaale
3. Yalaalugo Badan ama lallabo badan iyo matag
4. Daal fara badan
5. Misaanka jidhkaaga oo aad hoos ugu dhaca
6. Midabka saxarada oo Cadaan noqda
7. Kaadida oo aad u casaata
8. Xumad ama qandho
9. Beerka oo ku barara

Sidee ayaa loo qaadi karaa cudurkan Joonis Cadka ?
1. in aad u galmooto qof qaba ama uu jidhkiisa ku jiro Vireskani
2. in hooyadu ku dhasho ilamaheeda oo aay marki h**e qabtey
3. adiga oo la waddaaga qalabka la isku mudo sida irbada Qof Qabay Cabuqan
■inkasta oo uu faafo sida jeermiska aydhiska oo kale haddana Caabuqan HepB gu Waxa uu 100 jeer iska qaadsiin fududyahay Xanuunkaa Aydhiska tan macaheeda oo ah haddii dadka guriga ku wadda nooli mid ka mid ahi qof Xanuunka Jooniska waxa suura gal in in aay inta kallena qaado

■Sidee lagu ogaan karaa axanuunkan Joonis cadka la idhaa ?

Waxaad ku ogaan kartaa Xanuunakan madaamo oo mararka qaar aanad calaamda muujinayn waa inaad tagtaa Goob caafimad dhakhtarna lakulntaa dhakhtarkuna kuu diraa shaybaadh , Shaybaadhkaa 3dex mid uunbaa kasoo bixi
1. In Xanuunkan imika ku hayo
2. In uu H**e kuugu dhacay xanuunakn
3. In uuna weligaa kugu dhicinba

■Sidee looga Hortagaa Xanuunkan Dilaaga ah?
Malaha xanuunkan wax daawo ah oo ilaa hada la isku waafaqsanyahay lakiin nasiib wanaag Dawadiisa ugu mihiimsan ee ilaa hada la isku waafaqsanyahay waa adigoo Qaata Talaalka loogu tala galay xanuunkan
Talaalkaas waxa uu ka koobanyahy 3dex Irbadood oo Ay waajib tahay inaad dhamaystaa mudadooda
Mudada aad kala qaadanysaana waa
• Marka kowaad ama bisha aad qadaty
• 2bilood kadib Bishii aad bilowdey talaalka
• 6 Bilood ka dib Kii labaad Eed qaadatay

■Ha isticamalin Irbado lagu muday Qof kale

■ Hala wadaagin Qofna Caday uu ku cadayday

"Guntii iyo Gabagabdii Madaama walaaalayaal xanuunakn imika Fara ba an ku hayo meel kastoo Soomali Joogto Waxa inagu waajiba , Hadii ilaahay kaa koryeelo Xanuunkan waa Inaad talaalka qadataa Kulana talisaa walaalahaa inay Qaataan talaalkan"
الوقاية خير من العلاج▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎

W/Q: Abdimajed Mohamed MD
Reference= WHO, CDC, Some Medical Books

15/09/2020

Darreen farxadeed la qaybsanaya Dr. Senator Abdirahman.

15/07/2020

Magaca: HALA YAABIN FIKIRADA
Bal u fiirso hadaladan
Ha faalaynin aadmiga
Hana falin waxaad rabi
Ha faquuqin ruux jira
Fikir kiisa haw nicin

Fajac yaanay kugu noqon
Ruux fariid ahaan jiray
Haday talo ka foorari
Filan waa nafta ha badin
Hana odhan fajiilow.

Ruux faqiir ahaan jiray
Haduu alle u faasaxo
ha odhanin fulaha baas
waa faqiir wax helayoo
foox luu ahaan jiray!

faalo beena ruux wada
hadduu hadal falaadho le
u faruuro aadmiga
ha odhanin fu’aadow
waad fiiro dheer tahay

beenta ruux fariid ku ah
hadduu baalal kuu furo
k**a fikirtid beentoo
waxad tahay nin faxalee
fajac baad ka qaadaaa
goor tuu fur-furo hadal.

Magaca: HALA YAABIN FIKIRADA

W.Q: Farxaan calidhux

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wacyi iyo waano posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wacyi iyo waano:

Share