Saeed Nour Jama

Saeed Nour Jama Rabboow danbe noo ogow
wixii tegey duudsi yeel! Waad mahadsanitihiin.

-Xoghayaha Fulinta Dawladda H/Hargeysa
Siciid Nuur Jaamac.

Soo dhawaada walaalayaal dhammaantiin, halkan waxa aynu ku wadaagi doonaa wixii warbixin wacyi galin, iyo waanaba ah, idinkuna sidoo kale waxaad nala wadaagi kartaan wixii talo, tusaale, iyo toosinba ah.

14/10/2025

Waxa aanu maanta garoon cusub u samaynnay dhallinyaradii ku ciyaari jirtay Sayladda xoolaha oo ay dhib wayni kala haysatay hooyooyinkii ku ganacsan jiray Sayladda.

12/10/2025

Waxa aanu maanta kulan muihiim ah la qaadannay maamulka magaalada jigjiga!

Kulankani waxa uu dhaqan galinayey in aanu ka midho dhalinno heshiiskii bishii h**e ee mataanaynta Hargaysa iyo Jigjiga, sidoo kale waxa aanu qorshaynaynay, qorshaha wax wada qabsiga iyo iskaashiga sannadka soo socda haddii Eebbe idmo.

11/10/2025

Waxa aanu maanta Caasimadda kusoo dhawaynnay Mayor-ka Magaalada Jig-jiga iyo wafti uu hoggaaminayo.

30/09/2025

Taariikhdu waa marag
Waa jire markhaati leh!

Mid ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee aanu dib u dhiska ku samaynnay. Dugsiga H/Dhexe ee Naaso-hablood.

27/09/2025

Mid ka mid ah waddooyinka aanu caasimadda ka dhisnay, gaar ahaan xaafadda Axmed Guray ee degmada Axmed dhagax.

Taariikh waa marag
Waa jire markhaati leh!

20/09/2025

Sharaf ayey maanta ii ahayd ina aan qado sharaf ku maamuuso walaalkay Sir Maxamuud Cumar Yare oo dhawaan dalka kusoo guryo noqday.

Waxa aan u mahad naqayaa dhammaan wasiirradii, agaasimayaashii, xildhibaannadii, salaadiintii, iyo dadkii kale ee kasoo qayb galay. Si gaar ah waxaan ugu mahad naqayaa saaxiibbaday Ima Cabdi Cumar Ileeye, Yaasiin, Fu’aad iyo Sir Maxamuud.

01/09/2025

Waxa aanu shalay garoonka sayladda ee degmada Maxamuud Haybe ka furnay tartan lagu midaynayo dhallinyarada caasimadda, sidoo kalena lagaga wacyi gallinayo aafooyinka balwadda, tahriibka iyo qabyaaladda.

29/08/2025

Waxa aanu galabta caasimadda dalka kusoo dhawaynnay Maayirka magaalada Jabuuti iyo Maayir ku xigeenka magaalada Jig-jiga.

Maalintii shalay ahayd ayaanu magaalada jigjiga kulamo kula yeelannay maayirrada labada magaalo, maantana Hargaysa ayaanu kusoo dhawaynnay! Ujeedada kulamadani waa in aanu ka wada shaqaynno oo aanu iska kaashanno horumarka iyo amniga saddexda magaalo ee Hargaysa Jabuuti iyo Jig-jiga.

17/08/2025

Hargaysi waa hoyga diinta, dhaqanka, suugaanta, amniga, ilbaxnimada, iyo soo dhawaynta, waa magaalo cid walba oo timaaddaa ay si sharaf iyo gobanimo leh ugu noolaan karto.

Maanta waxaanu soo dhawaynnay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo magaaladiisii mar kale kusoo noqday.

22/07/2025

Shaqadii aanu billownay saaka afartii subaxnimo waanu ku gabbal dhacsannay oo cadceeda ayaa noogu dhacday!

Ujeedada ugu wayni waa in aanu bulshadayada tusno kolba wixii aanu awoodno in aanu u qaban karno, oo shaqo walba oo ay qabanayaan annagana aanu la qabanno si aanu mar walba isu kaashanno.

250 qoys ayaanu dajinnay dhul qiimihiisu sarreeyo oo aan magaaladanka fogayn baahiyaha aas aasiga ahina ay wada gaadheen, waxa aanu awoodi karaynayna waxa ay ahayd in aanu dhulkaas siinno, rarno, waxa ay haystaan la dhisno, marka ay wakhtigeeda gaadhana wixiinaanu tari karno ee awoodayada ah tarno oo aanu u dhisno!
Ilaahay ka sokow waxa aan aad iyo aad ugu mahad naqayaa shaqaale waynaha DHH oo si nafhurnimo leh dadkooda ugu shaqeeyey ilaa maanta aan mar kaliya ka nasan sidii ay dadkooda u caawin lahaayeen, way u rareen oo way u dhiseen!

Ballanteennu waa in aynu isku duubnaanno, is kaashanno shaqo walbana wada qabanno shacab iyo dawladba waana waajib na saaran oo aanu gudanayno.

22/07/2025

Waxa aanu saaka dhul siinnay oo aanu dib u dajin u samaynnay qoysas ku dhaw 250 qoys, dadkaasi waxa ay degganaayeen dhul waddooyin ah.

Qoysaskani waxa ay u bad naayeen dad danyar ah oo aan haysan meel ay degaan, hadda se waxa aanu dajinnay dhul ay iyagu leeyihiin oo aan caasimadda ka fogayn.

Hadafkeennu waa Hargaysa horumarsan, hannaansan, oo adeeg hufan leh.

17/07/2025

Sharaf ayey maanta noo ahayd in aanu xadhigga ka jarno wajiga koowaad ee waddada madaarka Taiwan Road.

Hadafkeennu waa Hargaysa horumarsan, hannaansan, oo adeeg hufan leh.

Address

Pepsi Village, Street UOH
Hargeisa
90701

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saeed Nour Jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Saeed Nour Jama:

Share