03/10/2025
BARNAAMIJKA DHAAYO-FURKA DHALLINYARADA (1)
Taariikh: 02/10/2025
Rugta Akhriska Hargeysa
Ururka dhallinyarada UHDAS ayaa soo qabanqaabiyay caways aqooneed-ka Dhaayo-furka Dhallinyarada. Barnaamijkan waxa uu qayb ka yahay qorshaha ururka ee lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada in ay kor u qaadaan aqoonta, akhriska iyo hab-qoraalka.
Cawayska ayaa lagaga hadlayay laba mawduuc oo muhiim ah:
1. Hababka Kobcinta Akhriska – waxaa lagu lafaguray muhiimadda akhrisku ku leeyahay nolosha dhallinyarada, sida uu u kobciyo garaadka, isla markaana u furo fursadaha aqooneed iyo shaqo. Waxaa sidoo kale lagu xusay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sida dhallinyaradu u abuuri karaan caadooyin akhris oo joogto ah.
2. Hab-qoraalka iyo kaalinta Bulshada – mawduucan waxa si gaar ah uga hadlayay sida qoristu ay u tahay aalad muhiim ah oo dhallinyaradu ku gudbiyaan fikradahooda, ku kaydiyaan taariikhda, isla markaana ay ugu adeegsadaan ka qayb-qaadashada horumarinta bulshada.
Barnaamijku waxa uu ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay, waxaana kasoo qaybgalay dhallinyaro, aqoonyahanno, iyo marti sharaf.
Kuwaas oo iyaguna ku darsaday faallooyin, falanqayn iyo mahadnaq.
Cawayskan ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad iyo dhiirrigelin leh, iyadoo dhallinyaradii iyo marti sharaftii ka qayb gashay muujiyeen in lasii ballaadhiyo isla markaana la horumariyo akhriska iyo qoraalka.