14/04/2026
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargaysa Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-cadde), oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxaha Dawladda hoose ayaa saaka si heer sare ah u soo dhaweeyay wafti ka socday Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL), Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo Hay’adda VNG International.
Ujeedka kulankan iyo kormeerkan ayaa ahaa qiimaynta Mashruuca Danwadaag ee Maareynta Masiibooyinka (DRM) ayaa diiradda lagu saaray horumarka mashruuca, heerka uu marayo hirgelintiisu, iyo caqabadaha jira, si loo helo xalal waara oo wax ku ool ah.
Xafiiska maaraynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa warbixinno faahfaahsan siiyay waftiga, iyagoo iftiimiyay guulaha laga gaadhay mashruuca iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo maaraynta masiibooyinka magaalada.
Sidoo kale, waftiga iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah u booqday goobaha khatarta u nugul ee caasimadda, si ay u qiimeeyaan xaaladaha halista ah isla markaana loo xoojiyo dadaallada lagu yaraynayo saamaynta masiibooyinka.
Kormeerkan waxa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, taas oo muujinaysa muhiimadda ay xukuumaddu siinayso horumarinta nidaamka maaraynta masiibooyinka.
Ugu dambayn, kormeerkan waxa uu caddeeyay sida ay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa uga go’an tahay dhismaha magaalo ammaan ah, adkaysi leh, isla markaana leh nidaam maarayn masiibo oo casri ah.