Xil.Bucul

Xil.Bucul Siyaasi Bucul

20/05/2026

Xabad muuse Show qarniga jarmalka de

11/05/2026
10/05/2026
04/05/2026

WAR CUSUB

Itoobiya waxaa asd looga hadal hayaa warbixin shalay la baahiyay oo laga soo xigtay Booliska dalka. Reporter, oo Booliska xiganaysa ayaa baahisay in madax sare oo dalka ah iyo dad caan ah oo is kaashaday ay musuqeen 90 Bilyan oo Bir. Lacagtan ayay sheegen in hanti-dhawr lagu xaqiijiyay oo ay tahay xog- dibadda taalla.
Caddadka lacagtas ayaa dadka dhakafaar ku noqday. Waxayna lacagtu miisaniyada Itoobiya ka noqonaysaa 5%. Waxaa yimid doodda dhahaya waxay dhisi kartay Dugsiyo waxbarasho, Caafimad iyo mashaaric aad u waawayn.

Kulanka maanta warbixinta Barlamanku kaga dhagaysanayo xafiiska Maaliyadda ayaa warbaahinta dibad- joog laga dhigay. Warbaahinta Dowladda kaliya ayaa loo ogolaaday. Waxaana sababta keentay warbixintii shalay lasoo qarxiyay.

Muxuu yahay Sharciga Cusub ee Abiye Ahmed Ku dhawaaqay In....? Abiye Ahmed, ayaa sheegay in hay'addaha maaliyaded aysan ...
04/05/2026

Muxuu yahay Sharciga Cusub ee Abiye Ahmed Ku dhawaaqay In....?

Abiye Ahmed, ayaa sheegay in hay'addaha maaliyaded aysan taagere fiican warshadaha_ Daymaha oo hooseya.

Abiye Ahmed ayaa yidhi; "Waxaan soo saari doona shuruuc cusub oo jidaynaysa in hanti walba oo Itoobiya ah caddad kamid ah la galiyo warshadaha. Bangiyada gaarka ah iyo Bangigga Dowladda ayay saameyn doonan. Waxayna shuruucdan xalin doonta caqabadihi dhaqaale ee Sektarka haystay."

Abiye Ahmed, ayaa sheegay in todobaado gudahood lagu soo saari doono shuruuc cusub oo xal u noqon doonto in warshaddaha hellaan maalgashi dhaqaalle. Isagoo xusay in markii h**e aysan daymo heli jirin. Bangiyadda ayaa lagu qasbi doona in hantida ay hayaan caddad kamid ah galiyaan warshadaha.

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Jarmalka, Olaf Scholz ayaa ka digay xaaladda dadka Jarmalka , isagoo ku sheegay jiilka hadda...
04/05/2026

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Jarmalka, Olaf Scholz ayaa ka digay xaaladda dadka Jarmalka , isagoo ku sheegay jiilka hadda kuwa dib u dhac ballaaran dhexda uga jira, halkii Jarmalka uu ahaa waddan dadkiisu injineerro yihiin oo ku horreeyay wax soo saarka, hadda wuxuu sheegay dadka Jarmalka inay isku rogeen kuwa doorbida waxbarashada fudud, taa oo Jarmalka ka dhigaysa inuusan xataa jid tareen si maxalli ah u dhisan karin.

Trump ayaa joojiyay oo dib ula laabtay 11 milyan oo dollar oo maamulkiisa uu ku taageerray kaniisadda kaatooliga ee ku t...
16/04/2026

Trump ayaa joojiyay oo dib ula laabtay 11 milyan oo dollar oo maamulkiisa uu ku taageerray kaniisadda kaatooliga ee ku taal magaalada Miami, xilli ay jirto xiisad u dhexeysa Trump iyo Pope-ka guud ee kaatooliga ee Leo XIV, sida ay maanta baahiyeen wargeysyada Newsweek iyo Miami Herald.

Wargeysyadan, ayaa ku sheegay khilaafka kaniisadaha kaatooliga iyo Trump inuu salka ku hayo sharraxaad khaldan oo Trump u adeegsanayo baybalka oo lagu dagaal galinayo ciidanka Mareykanka , iyagoo loo sheegay inay u dagaallamayaan diintooda, loona baahanyahay inay u hijroodaan dhulalka ay tahay in la xorreeyo oo masiixiyada la gaarsiiyo,taa oo ay u arkaan masiixiyiinta arrin halis ku ah oo khatar galinaysa amniga guud ee caalamka. Trump, waxaa kaloo uu meesha ka saaraya hoggaamiyeyaasha kaniidaha kaatooliga, isagoo dhisayo kuwa cusub oo danihiisa u adeegaya.

44 minutes ago Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis xabbad-joojin 10 maalin ah inuu dhex dhigay Israa’iil iyo Lubnaan, ka dib...
16/04/2026

44 minutes ago

Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis xabbad-joojin 10 maalin ah inuu dhex dhigay Israa’iil iyo Lubnaan, ka dib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil,Benjamin Netanyahu.

Wuxuu yiri;

“Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in si rasmi ah loo bilaabo xabbad-joojin socon doonta 10 maalmood,taas oo ka bilaabanaysa saacadda 5:00 galabnimo,iyadoo ujeeddadu tahay in nabad laga dhex abuuro labada dal.”

Fiiro gaar ah;

Dagaalka uma dhaxeeyo dawladda aan tabarta lahayn ee Lubnaan iyo Israa’iil, ee waa iska horimaad u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo h**ey hoggaamiyaha xisbullah uu uga soo horjeestay wadahadal kasta oo Israa’iil lala galayo haddii aan si rasmi ah loo joojin dagaalka, mana cadda sida dawladda Lubnaan ugu qancin karto Xisbullah xabbad joojin kumeel-gaar ah oo ka dhigan in Israa’iil la siiyo waqti ay dib isugu diyaariso.

16/04/2026

49 minutes ago
Taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Jen. Amir Hatami ayaa maanta markii u horreysay sharraxaad ka bixiyay sababta ay diyaaradaha dagaalka Iiraan uga soo muuqdeen hawada Iiraan si ay u ilaaliyaan taliyaha ciidanka Pakistan , Jen. Asim Munir oo booqasho ku tagay Iiraan.

Wuxuu yiri:

“Pakistan waxay naga codsadeen in hawadeena aan u furno labo diyaaradood oo dagaal si ay taliyaha u ilaaliyaan,sabab la xiriirta habraacooda amni, laaakiin annaga ayaa la yaabnay, waxaanan u sheegnay inaysan jirin wax baahi ah oo arrintaas loo qabo.
Kadibna waxaan ku galbinay annaga oo adeegsanayna tiro laba jibbaar ka badan diyaaradaha ay iyagu qorsheynayeen inay keenaan.”

Fiiro gaar ah;

Si kooban, Iiraan waxay sidoo kale ka yaabisay Pakistan, maadaama ay u maleynayeen in Iiraan aysan wali lahayn awood diyaarado dagaal.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xil.Bucul posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xil.Bucul:

Share