Maktabadda Guud Ee Axmed Dhagax.

Maktabadda Guud Ee Axmed Dhagax. Rugta Akhriska Axmed Dhagax Waa Qandiil iyo Maayuun lagu gudi doono Gudcurrada iyo maalmaha adag.

Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.Q:2aad
25/10/2025

Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.

Q:2aad

Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.📸 Colhaye
25/10/2025

Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.

📸 Colhaye

25/10/2025

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐚𝐧-𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 📚 ✨

Xalay waxaa si guul iyo gobannimo leh u qabsoontay xafladdii qaadhaan-ururinta dhismaha Maktabadda Degmada Axmed Dhagax, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada — madaxda, siyaasiyiinta, iyo dhallinyarada firfircoon.

Mahadnaq gaar ah ayaa u diran bulshadii iyo martidii qiimaha lahayd ee taageerada iyo dhiirrigelinta muujisay, gaar ahaan Xoghayaha Dawladda Hoose Mudane Sed Nur Jama, oo door muuqda ka qaatay hirgelinta iyo suurtogalinta barnaamijkan iyo hablihii qaybta laxaadka laheyd ka qaatay qaadhaanka dhismaha , bogaadin gaar ah!.

Sidoo kale, dhalinyaradii isxilqaantay ee si daacadnimo iyo dadaal leh u abaabushay madasha, waxaan leenahay — dadaalkiinu waa iftiin iyo dhiirrigelin! .

𝑊𝑎𝑥𝑎𝑦𝑛𝑢 𝑟𝑎𝑗𝑎𝑦𝑛𝑎𝑦𝑛𝑎𝑎 𝑖𝑛 𝑑ℎ𝑜𝑤𝑎𝑎𝑛 𝑙𝑎 𝑑ℎ𝑖𝑠𝑖 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑜 𝑀𝑎𝑘𝑡𝑎𝑏𝑎𝑑𝑑𝑎 𝐷𝑒𝑔𝑚𝑎𝑑𝑎 𝐴𝑥𝑚𝑒𝑑 𝐷ℎ𝑎𝑔𝑎𝑥, 𝑜𝑜 𝑛𝑜𝑞𝑜𝑛 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑡𝑎 𝑥𝑎𝑟𝑢𝑛 𝑎𝑞𝑜𝑜𝑛𝑒𝑒𝑑 𝑖𝑦𝑜 𝑖𝑓𝑡𝑖𝑖𝑛 𝑐𝑢𝑠𝑢𝑏 𝑜𝑜 𝑎𝑦 𝑘𝑎 𝑠𝑜𝑜 𝑏𝑖𝑥𝑖 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑎𝑎𝑛 𝑎𝑞𝑜𝑜𝑛𝑦𝑎ℎ𝑎𝑛𝑛𝑜 𝑏𝑎𝑑𝑎𝑛, 𝐼𝑛𝑠ℎ𝑎 𝐴𝑙𝑙𝑎ℎ! 🌟

Maktabadda Degmada Axmed-dhagax waxay bilowday buug ururin lagu kobcinayo kaydka buugaagta si loo dhiirrigeliyo akhriska...
01/08/2025

Maktabadda Degmada Axmed-dhagax waxay bilowday buug ururin lagu kobcinayo kaydka buugaagta si loo dhiirrigeliyo akhriska iyo koritaanka aqoonta bulshada.

Waxaan ku boorrinaynaa cid kasta oo awood u leh — qoraayaal, hay’ado iyo dadweyne — in ay ka qaybqaataan deeqda buugaagta, si loo dhiso jiil akhriya, fikira, waxna qora.

Buug aad deeqdo, waa iftiin aad gelineyso maskax kale.

Ballanteennu waa akhris iyo hal-abuur.




Duhur wanaagsan, akhristayaal!Hargeysa – [ 31, July, 2025] Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday Bandhigga Caalamiga ah ee bu...
01/08/2025

Duhur wanaagsan, akhristayaal!

Hargeysa – [ 31, July, 2025]
Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa, kaas oo lixdii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Maktabadda Guud Ee Axmed Dhagax. waxay ahayd mid si gaar ah loogu casuumay bandhigga, si ay u fuliso qorshaha uug ururinta maktabadda, kor u qaaddo wacyiga akhriska, una dhiirrigeliso barbaarinta jiil cusub oo jecel aqoonta.

Bahda Xarunta Dhaqanka, oo uu horkacayo Guddoon Dr. Jama Musse Jama ayaa ku muteystay bogaadin & mahadnaq ballaadhan dedaalka ay muujiyeen ee ku aaddan agaasinka bandhiggan muhiimka ah, kaasoo si weyn u xoojiyay dhaqanka akhriska iyo is-weydaarsiga aqoonta.

Maktabadda Axmed-dhagax waxay sii wadi doontaa hawsha buug ururinta iyo dhiirrigelinta akhriska si loo dhiso bulsho aqoon ku hubaysan, adduunka na wax ka beddesha.

Ballanteennu waa akhris iyo hal-abuur.




Waxaa si toos ah uga socda Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, oo lagu qabanayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ,...
30/07/2025

Waxaa si toos ah uga socda Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, oo lagu qabanayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa , buug-ururinta Maktabadda Guud ee Axmed-Dhagax. Ka soo qaybgal, oo ka qaybqaado barbaarinta jiilka cusub!

Soo dhawaada, akhristayaal!

Waad ku mahadsantihiin soobookhashadiina.Fadlan ka qaybqaado Aas'aaska iyo buug ururinta maktbadda Axmed-dhagax.
29/07/2025

Waad ku mahadsantihiin soobookhashadiina.

Fadlan ka qaybqaado Aas'aaska iyo buug ururinta maktbadda Axmed-dhagax.

subax wanaagsan akhriste!.Wali waxaa socda buug ururintii maktabadda Ahmed-dhagah, sidaasdarteed nagusoo booqo bandhigga...
29/07/2025

subax wanaagsan akhriste!.

Wali waxaa socda buug ururintii maktabadda Ahmed-dhagah, sidaasdarteed nagusoo booqo bandhigga buugaagta Hargeisa oo ku deeq buug.

Mahadsanidiin.

Soodhawaada akhristayaal oo ka qaybqaata buug ururinta maktabadda!.Mahadsanidiin.
28/07/2025

Soodhawaada akhristayaal oo ka qaybqaata buug ururinta maktabadda!.

Mahadsanidiin.

Fadlan nagala qaybqaado kobcinta garaadka iyo wacyiga bulshadda!.Ku deeq Hal buug si uu anfaco garaadka kumaanan qof.Sii...
28/07/2025

Fadlan nagala qaybqaado kobcinta garaadka iyo wacyiga bulshadda!.

Ku deeq Hal buug si uu anfaco garaadka kumaanan qof.

Sii gaadhsii ka qaybqaataha jecel akhriska iyo qoraalka.

Address

Degmada Axmed Dhagax
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maktabadda Guud Ee Axmed Dhagax. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category