Yassen A. Aden

Yassen A. Aden Yassen A. Aden is Somaliland based expert focused on ideological development on social and economic perspectives.

The ultimate mission that Yassen pursue is to educate, discuss, think, and write to address a matter of vital importance to all.

Waa casharkii 10 Report Vs Essay.
08/05/2022

Waa casharkii 10 Report Vs Essay.

Lesson 10 Report Vs Essay

Waa casharkii 9 aad, wuxu ku saabsan yahay warqadda formalka ah iyo ta aan ahayn.
11/10/2021

Waa casharkii 9 aad, wuxu ku saabsan yahay warqadda formalka ah iyo ta aan ahayn.

Waa casharkii 9aad wuxuna ku saabsan yahay waraaqaha formalka ah iyo kuwa aan ahayn.

Maxaa lay lahaa "Ragna waa raggii h**e, hadalla waa intuu yidhi. Ila eeg gabaygan la magac baxay (Sawir Dhoofay) iyo hal...
07/10/2021

Maxaa lay lahaa "Ragna waa raggii h**e, hadalla waa intuu yidhi. Ila eeg gabaygan la magac baxay (Sawir Dhoofay) iyo hal abuurkan da da yar.

GABAYGA 'Sawir dhoofay' wuxuu muuqaal ka bixinayaa oday, wiil uu dhalay oo tahriib, markii uu yurub tagayna xiriir ka waayay, looguna soo warramay in wiilkii...

Ku soo dhowaada, waa casharkii 8 aad, wuxu ku saabsan yahay tarjamadda ama sidii aad wax ugu qoran lahayd Somali kadibna...
02/10/2021

Ku soo dhowaada, waa casharkii 8 aad, wuxu ku saabsan yahay tarjamadda ama sidii aad wax ugu qoran lahayd Somali kadibna English ugu rogi lahayd.

Waa casharkii sideedaad oo ku saabsan tarjamadda.

Waa casharkii 7aad oo ku saabsan paraphrasing ka
28/09/2021

Waa casharkii 7aad oo ku saabsan paraphrasing ka

Waa casharkii 7aad oo ku saabsan paraphrasing ka ama sidii loo beddeli lahaa kelmedaha qoraalka xigashada ah.

Waa xalqaddii lixaad ee taxanihii casharkii (academic writing skills). Wuxu ku saabsan yahay referencing ama tixraaca qo...
18/09/2021

Waa xalqaddii lixaad ee taxanihii casharkii (academic writing skills). Wuxu ku saabsan yahay referencing ama tixraaca qoraalka.

Waa casharkeennii taxanaha ahaa xalqaddiisii lixaad oo ku saabsan referencing ka ama tixraaca qoraalka.

Kusoo dhowaada casharkii taxanaha aha ee academic writing skills xalqaddiisii 5 aad oo ku saabsan capital letters ama xa...
11/09/2021

Kusoo dhowaada casharkii taxanaha aha ee academic writing skills xalqaddiisii 5 aad oo ku saabsan capital letters ama xarfaha waaweyn.

Waa casharkii shanaad ee kooraskii academic writing skills, wuxuna ku saabsan tahay capital letters ka ama xarfaha waaweyn.

Ku soo dhowaada casharkii afraad ee calaamadaha ama xarakada qoraalka ee kooraskii (Academic Writing Skills).
04/09/2021

Ku soo dhowaada casharkii afraad ee calaamadaha ama xarakada qoraalka ee kooraskii (Academic Writing Skills).

Waa casharkii afraad ee kooraskii academic writing skills, waana kii ugu danbeeyey punctuation marks ka. Ka faa'idaysi wanagsan.

02/09/2021

Hambalyo ayaan leeyahay wasiirada la magacaabay, gaar ahaan saddexda wasiir ee kala ah: C/lahi Abokor, Cali Mareexaan iyo Cabdirisaq Ibrahim, wasiirka cusub ee W Gaadiidka iyo Jidadka

Ku soo dhowaada casharkii saddexaad ee calaamadaha ama xarakada qoraalka ee kooraskii (Academic Writing Skills).
28/08/2021

Ku soo dhowaada casharkii saddexaad ee calaamadaha ama xarakada qoraalka ee kooraskii (Academic Writing Skills).

Waa casharkii sadexaad ee kooraskii academic writing skills; wuxuna ku saabsan yahay punctuation marks ama calaamadaha qoraalka.

Maxaad ka taqaannaa ururka argagixisada ah ee la yidhaahdo Boko Haram. Boko Haram macneheedu waxa weeye buuggu waa xaara...
27/08/2021

Maxaad ka taqaannaa ururka argagixisada ah ee la yidhaahdo Boko Haram. Boko Haram macneheedu waxa weeye buuggu waa xaaraan; oo looga jeedo waxbarashada reer-galbeedku ku lug leeyihiin ama dhigayaan ama gebi ahaanba iskuuladu waa xaaraan.

Kacdoonkani wuxu keliya ee uu ahaa fikir la mida kan aynu maanta kaga hadlayno waxbarashada sida Barwaaqo University oo kale. Hase yeeshee mar keliya ayuu isu bedelay kacdoon hubaysan iyo gacan ka hadal sanadkii 2002 gii. Waxaynuna wada garan karaa wixii ka dhacay Naigeria waqooyigeeda.

Haddaba su'aashu waxay tahay Somaliland maanta ma u baahan tahay Boko Haramism hor le. Jawaabtu waa maya ayaan filayaa inay tahay.

Wax barashada gebi ahaanba waxa ka masuula dawladda la doortay ee talada haysa. Iyadaa u xil saaran manhajka lagu dhigayo iskuul walba oo dalka ah. Waana lala talin karaa si dadban iyo si toos ah ba. Lakiin waxa xaaraan ah in loo dhaqmo sidii dad caamo oo kale ah.

Waxan hubaa in waxbarashadu tahay tan keliya ee aynu dalkan ku badbaadin karro, sidaa daraadeed waa in laga fiirsadaa wixii khilaaf ummadeed keenaya iyo fitno.

Saaka iyo caasimadda gobolka Hararge magaalada taariikhiga ah ee Adari ama Harar. Albaabkani oo magaciisa lanyidhaahdo (...
26/08/2021

Saaka iyo caasimadda gobolka Hararge magaalada taariikhiga ah ee Adari ama Harar.
Albaabkani oo magaciisa lanyidhaahdo (Harar Bar) wuxu ka mid yahay shantii albaab ee magaalada laga geli jiray. Waxa dushiisa ku xardhan sawirka imaamkii ugu danbeeyey boqortooyadii Harariyiinta oo magaciisa la yidhaahdo Amiir Abdallah Ibn Mohamed Ibn A Shukur.
Wuxu talada hayay muddo 3 sano ah oo u dhaxaysay 1884-1887 ka hor intii aan lagu jebin ciidamadiisii dagaal-weynihii Chelenqo taasoo sababtay in boqorkii Shewa (Negus Menelik)uu gebi ahaanba la wareego magaaladii Harar, tirtirona boqortooyadii imamyada ee halkaa ka jirtay.

Address

Ibrahim Koodbuur
Hargeisa

Telephone

+2524267611

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yassen A. Aden posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category