29/05/2025
Kala maan inay tahay waa masaalo sheekadu.
Nin Hal xaasle ah ayaa guursaday xaas labaad
Kadib gabadhiisii h**e ayaa aad ugu hinaastay waliba hinaasuhu kala duwane gabadhii wax hadala ayaa mudo laga waayay maalin maalmaha kamida ninkeedii siduu kolba wax ugu dayayay ayuu cisho ku dhahay maanta waxan jeclaystay inaan dalxiis u wada baxno ee ma badda mise beriga mise hawada sare Ayaan ubaxnaaba.
Gabadhu uur ayay leedahay waxay dhahday badda ina gee.
Waaba alla Mahadii mar haduu maanta hadal ka Helee h**e ayaa loo amba baxay iyadoo uu ninkii aad ugu riyaaqsanyahay hadal uu ka helay xaaskiisa mudo kadib awgeed.
Markii badda latagey laash ayay qaateen kadib baddii duufaan ayaa ka dhacday waxana qar qoomey laashkii yaraa ee ay qoysku wateen.
Kadib gabdhii ayuu la dabaashay mudo isagoo kolka Daal ku dhaw ayay gabadhii foolatay wayna dhashay,
Waxay xuduntii ku goosatay ilkaheeda.
ninkii oo la daalan naftiisa iyo teeda ayuu qofkalena kusoo biiray.
Aabihii wiilku u dhashay wuxu gaadhay heer uu kala doorto inay sadexdoodu bad baadan iyo in midkood fududeeyo nolosha labada kale.
Ninkii waxa uu gabadhii ku dhahay Naa wiilka yar inaga tuur,balse gabadhii ayaa ka diiday kuna adkaysatay inay mar qudha wada dhintaan ama wada bad baadan.
Iyaga oo daala dhacaya oo naf la caarida ayaa markab socda muqaalkooda arkay wuuna bad baadiyay markabkii.
Kadib markii lagu laabey guryihii ee la waydiiyo siday wax ugu dheceen ama xaaladahay soo mareen.
Ninkii odeyga ahaa jawaabtiisu ilmo iyo oohin uunbay noqotaa gabadhiina waxay xaaladihii iyo mushkiladihii dhamaantood uga warantay si qodob qodoba midkasta.
Ninkii ayaa xaaskiisii way diiyay heblaayo anigu xaaladihii inasoo marey, sida markii aad madheerta ilkahaaga iskaga jartay oo kale qalbigeygu aad ayuu u ololaa mana jawaabi karo ee adigu sowdigan siday ahayd wax uga waramaya miyaanu culeyskii intii leega ee aan heer gaadhay inan ilmahaygii inaga tuur ku dhaho ku damqayn.
Gabadhii waxay ku jawaabtay aniga waxa intaas oo dhan iiga xumeyd maalintii aan maqley ninkaagii naag kale ayuu guursadey.
Bal qiimee adiguba xaaladan oo binu aadanka sidaad ku maamuli kartaa adoo wax ku damqa leh isna dacalkiisa dooga kale leh.
Kala duwane aadmigu
Ninba tii ku darajee
Qallinkii Nimcaan c/raxmaan sh muuse (boqore sigad)